Kulan Wacyigalin Ah Oo Ku Saabsan Kor Uqaadida Barnaamijka Adeega Aas-aasiga Ah Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 15ka March 2018. Kulan balaadhan oo wacyigalin ah oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta xafiisyada heer deegaan sida xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI, Xafiiska horumarinta xoolaha iyo reerguuraaga DDSI, Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI, xafiiska caafimaadka DDSI iyo Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa ka qabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan wacyigalinta ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska maaliyada DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagu xoojinayo islamarkaana kor loogu qaadayo barnaamijka adeega aas-aasiga ah ee ka hawlgala qaar kamid ah degmooyinka deegaanka islamarkaana loo baahanyahay in la ogaado inuu barnaamijkan ku kordhayo hadba sida aynu wax uqabano, wuxuuna intaa kudaray in deeqda barnaamijakan lagusoo daynayo hadba waxqabadka muuqda iyo sida loo fuliyay wajiyadii hore barnaamijka.

Ugu danbayn barnaamijkan adeega aas-aasiga ah ee ka hawlgala qaarkamid ah degmooyinka deegaanka ayaa ah mid socondoona mudo 5 sano ah.