Tababar Kor Loogu Qaadayo Kartida Awooda Fulineed Ee Madax Xafiiseedada Waxbarashada Degmooyinka Oo Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews) Jumce,16ka March 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay tababar ujeedadiisu tahay  sidii kor loogu qaadi lahaaa kartida awooda fulineed ee madax-xafiiseedyada waxbarashada deegaanka islamarkaana loo bilaabilahaa ololaha dib ugu soocelinta ardayadii loox tuurka kanoqotay waxbarashada.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in tababarkan looga gon leeyahay in kor looqaado kartida awooda fulineed ee madax xafiiseedyada waxbarashada degmooyinka iyo waliba khabiiradooda islamarkaana loo dardar galin lahaa hawlaha baris barasho ee degmooyinka si waxabarashadu u noqoto mid tayo leh. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in tayada waxbarashadu ay kabilaamayso dugsiyada islamarkaana madax xafiiseedeeda waxbarashadu degmooyinku ay kuleeyihiin doorka ugu muhiimsan si kor loogu qaado tayada waxbarashada.

Sidookale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka kudhuftay in  loo baahan yahay in madax xafiiseedadu ay noqdaan kuwo karti uleh fulinta qorshayaasha waxbarshada si looga midho dhaliyo qorshaha shanta sano ee loo yaqaano ESDP5.

Iskusoowada duuboo, tababarkan oo ay fulintiisa  iska kaashadeen wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiiska waxbarashada DDSI ayaa waxaa kasooqaybgalay madax xafiiseedada waxabarashada iyo qaarkamid ah khabiirada 49 degmo. Waxaana laga filayaa tababarkani markuu dhamaado in natiijooyin horumarineed ay kasoobixi doonaan.