Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 16ka March 2018. Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa maanta xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga aas qaran loogu sameeyay marxuum Ugaas Haaruun Ugaas Dacar Ugaas Bucul oo habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday magaalada jigjiga.

Hadaba allah ha unaxaiistee marxuum Ugaas Haaruun Ugaas Dacar Ugaas Bucul oo kamid ahaa cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka islamarkaana karaamo, sharaf iyo wanaag kulahaa shacabwaynaha deegaanka dhexdiisa ayaa ifka kaga tagay 4 wiil iyo gabadh iyo hooyadood. allah ha unaxariistee marxuumka ayaa wuxuu ku dhashay gobolka afdheer gaar ahaan degmada god-god.

Ugu danbayn aaskan qaran oo ay ka qaybgaleen madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirada, Culimo awdiinka iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa waxay ilaahay uga baryeen in marxuumka ilaahay janatul fardawsa kawaraabiyo guud ahaan deegaanka gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan allah kasiiyo badal khayrqabana booskuu kabaxay ilaahay igu badalo