MM Dhagaxbuur Iyo Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamada Gacanta Oo Si Rasmi Ah Ubilawday Waxbarashadii

Dhagaxbuur(cakaaranews)Jumce, 16ka March 2018. Barashada Xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta ayaa kamid ah qorshayaasha ay xukuumada DDSI mudnaanta siisay islamarkaana kamid ah xeeladaha iyo tubaha lagu tirtirayo shaqo la’aanta iyo saboolnimada. Iyadoo kuliyada xirfadaha iyo farsamoyinka gacanta MM dhagaxbuur ay si rasmi ah ubilawday waxbarashadii sanadkan islamarkaana ay kusoo xaroodeen arday tiradoodu dhan tahay 300 oo arday.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI Mudane Naasir Xasan Cabdi oo kahadlay xafladaas lagu furayay waxbarashada ayaa sheegay in maanta ay farxad wayn u tahay in kuliyadu bilawdo adeegyadeedii waxbarshada jiifka iyo cuntada intaba. Wuxuuna xusay in ujeedooyinka kuliyadan loo aas-aasay ay tahay in laga baxo saboolnimada islamarkaana latirtiro shaxaadka iyo mashaqaystanimada. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in kuliyadan xirfadha iyo farsamooyinka gacantu ay qayb katahay qorshayaasha xukuumada DDSI islamarkaana mudnaanta balaadhan la siisay si looga baxo saboolnimada.

Dhankakale, bulshadii kasooqayb gashay xafladan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad usoo dhawaynayaan kuliyada TVET ka ee laga furay magaalada dhagaxbuur islamarkaana ay horumar balaadhan utahay magaalada dhagaxbuur.

Iskusoowada duuboo, kuliyadan Xirfadaha iyo farsamada gacanta MM Dhagaxbuur oo dhismaheeda si tayo leh loo dhisay ayaa kamid ah kuliyadaha deegaanka lagusoobiiriyay.iyadoo kuliyadanina ay bixinayso adeegii waxbarshada, jiifka iyo cuntada intaba.