Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Soo Xidhay madax-xafiiseedyada Waxbarashada degmooyinka.

Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 17ka, March , 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagu soo gabagabeeyay tababar ujeedadiisu tahay  sidii kor loogu qaadi lahaaa kartida awooda fulineed ee madax-xafiiseedyada waxbarashada deegaanka islamarkaana loo bilaabilahaa ololaha dib ugu soocelinta ardayadii loox tuurka kanoqotay waxbarashada.

Hadaba, tababarkan oo loo hayay madax xafiiseedada waxabarashada deegaanka  iyo qaarkamid ah khabiirada 49 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka ayaa waxaa soo xidhitaankii tababarka kahadlay wasiirku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Ahmed Nuur (Heeryo) oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan kaasi oo ku salaysnaa ayuu yidhi   kor qaadista  kartida awooda fulineed ee madax xafiiseedyada waxbarashada degmooyinka iyo waliba khabiiradooda islamarkaana loo dardar galin lahaa hawlaha baris barasho ee degmooyinka si waxabarashadu u noqoto mid tayo leh. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku xigeenku  in tayada waxbarashadu ay kabilaamayso dugsiyada islamarkaana madax xafiiseedeeda waxbarashadu degmooyinku ay kuleeyihiin doorka ugu muhiimsan si kor loogu qaado tayada waxbarashada.

Wasiirku xigeenka ayaa ku booriyay madax-xafiiseedyadan qaatay tababarka in sidii loogu talagalay u fuliyeen ahmiyada si loogaadho natiijada ujeedada tababarka islamarkaana  noqdaan kuwo karti uleh fulinta qorshayaasha waxbarshada si looga midho dhaliyo qorshaha shanta sano ee loo yaqaano ESDP5.

Dhankooda xubnihii qaatay tababarkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay aqoontii ay ka heleen cashiradii ay ku  qaadanayeen. muddadii uu tababarku socday. waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagay u fulindoonaan ujeedooyinka tababarkan si loo gaadho natiijada.