Fiiq Iyo Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Ee Bilaashka Ahaa Oo Lasoo Gaba-gabeeyay

Fiiq(Cakaaranews) Axad 18ka March 2018. Xukuumada DDSI oo dadaal dheer oogu jirta siday uga jawaabi lahaayeen baahida shacabka islamarkaana looga saarilahaa cadaw koobaad ee uu shacabkeenu leeyahay oo ah saboolnimadka ayaa xiliyadan danbe xooga saartay in shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga loo qalo ama laga daweeyo indhaha iyadoo loogu tagayo goobta uu daganyihiin.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo maalmahanba looga faaiidaynayay shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga gaar ahaan shacabka ku dhaqan degmada fiiq iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa kawarbixiyay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo sheegay in adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa lasoo gabagabeeyay islamarkaana ay ka faaiidaysteen in ka badan 867 shacabka ku dhaqan degmada  fiiq iyo nawaaxigeeda ee wax ka qabay dhanka araga. Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray in shacabkan qalitaanka iyo daawaynta loo sameeyay ay isugu jireen dad indho belay, kuwo dhaawac ka gaadhay iyo qaar xanuun ka hayay islamarkaana aan ku xalinay qalitaan, daawayn iyo muraayadaha araga.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada  ku dhaqan degmada fiiq  iyo nawaaxigeeda ee dib uhelay aragoodii indhaha oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen  ilaahay iyo xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga  uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanka gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.