Kulan Dood Cilmiyeed Ah Oo Kusaabsan Kahortaga Cudurka HIV-AIDSka Ee Hooyada Lanool Cudurka U gudbin Karto Ilmaha Oo Kaqabsoomay MMJ

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 19ka March 2018.Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka kaqabsoomay kulan aqoon iswaydaarsi ah oo  kuqotama tageerada iyo sidii looga hortagi lahaa hooyada uurka leh ee lanool xanuunka sidii aysan cudurka ugu gudbin lahayn ilmaha. iyadoo kulankana ay kasooqaybgaleen xubno ka kala socday xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska, golaha arrimaha islaamka, iyo waliba ururada dhalinyarada.

Hadaba, dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Gadh-Wadeenka G/S Daawaynta Iyo Dabagalka Adeegyada Caafimaadka Ee Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Nuur Xuseen oo sheegay in xafiisku dadaalo badan ugujiro sidii looyarayn lahaa cuislamarkaana looga hortagi lahaa cudurka HIV-AIDS kulan kanina uu kamid yahay dadaalada lagula dagaalamayo xakamaynta cudurka HIV-AIDS. Wuxuuna tilmaamay in kulankani kamidyahay dadaalada lagu yaraynayo kanin uu yahay doodcilmiyeed kuqotamasidii aysan udhici lahayn ama looga hortagi lahaa in hooyada qabta cudurka aysan ugudbinin ilmaha caloosheeda kujira.

Sidookale, kulankan dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa isna dhankiisa ka warbixiyay Gadh-Wadeenka G/S Kor Uqaadida Iyo Xakamaynta Cudurada Faafa Ee Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Axmed Cabdulaahi Sugule oo sheegay in kulankani ahaa mid dood cilmiyeed ah islamarkaana kusaabsan sidii looga hortagi lahaa hooyada uurka leh ee la nool cudurka HIV–AIDS islamarkaana aysan cudurka ugu gudbinin lahayn ilmaha. Waxuuna intaa kudaray in kulankan ay kasooqaybgaleen xubno kakala socday xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska iyo waliba qaarkamid ah culimo awdiinka iyo dhalinyarada. Wuxuuna tilmaamay in kulankan lagu soo bandhigay doodcilmiyedyo iyo fikiro kaladuwan kuwaaso dhamaantood kuqotama cudurka HIV AIDSka iyo sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo  gaar ahaan hooyooyinka uurka leh ee lanool cudurka. Agaasinka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dood cilmiyeedkan laga filayo inay kasoobaxaan natiijooyin wanaagsan  kuwaasoo gashi u nuqon kara taageerada kahortaga cudurka HIV-AIDSka ee hooyadu ugudbiso ilmaha.  

Dhankakale, kulankan ayaa waxaa yana kahadlay culimo awdiinka iyo hooyooyinkii kasooqaybgalay oo sheegay in kulankani yahay mid aad muhiim ah islamarkaana isugujira wacyigalin iyo doodcilmiyeed si looga hortago cudurka HIV-AIDS.

Sikastaba ha ahaatee, kulankan ayaa waxaa laiskula qaatay  si looyareeyo gudbinta hooyada qabta cudurka in lasameeyo qodobadan ay kamid yihiin:- In hooyada uurka leh lasiiyo talobixin islamarkaana laga baadho dhamaan hooyooyinka uurka leh ee yimaada xarumaha Caafimaadka, in marka la ogaado hooyada qabta cudurka si dadag ah daawada loogu bilaabo silooga hortago inay ugudbiso ilmaha, in laxaqiijiyo korna looqaado naas-nuujinta kali ah ee 6da bilood ee u horeeya caruuta hooyooyinkood qabaan cudurka.

Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in xafiiska caafimaadka DDSI uu sanadihii ugu danbeeyay natiijooyin wax ku ool ah ka keenay kahortaga iyo xakamaynta cudurada faafa. Doodcilmiyeedkanina wuxuu kamid yahay  talaabooyinka lagu xakamaynayo cudurada laiskugudbiyo.