Machadka Cilmibaadhista DDSI Oo Tababar U Qabtay Cilmibaadhayaasha.

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 20ka, March, 2018.Machadka cilmibaadhista DDSI oo kaashanaya qaarka mid ah hay’adaha ay  bahwadaagta yihiin ayaa tababar u qabtay cilmibaadhayaasha ka hawgala machadka cilmibaadhista DDSI.

Waxaana, ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan ugu warbixiyay warbaahinta deegaanka DDSI maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin wuxuuna sheegay in qaarka mid ah shaqaalaha machadka cilmibaadhista DDSI uu  muddo toddoba maalmood ah ku qaatan doonaan tababar ku saabsan aaladaha casriga ah ee loo adeegsado xidhmooyinka kala duwan daraasaadyada maareeyaha ayaa sheegay  in uu tababarkan qaybka yahay dadaalada kor loogu soo qaadayo  awooda fulineed ee machadyada cilmibaadhista dalka. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in tababarkan la gaadhsiin doono degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI. Maareeyaha ayaa ku booriyay cilmibaadhayaashan  qaadanaya tababarka in ay ka faa’iidaystaa mudada uu socdo si loo gaadho natiijada ujeedooyinkiisa.

Ugu dambayntii Machadka Cilmibaadhista ayaa  Dadaalada xoogan  ugu jira  xaqiijinaayo darasaadyada  kaladuwan ee deeganka iyo waliba sidii   cilmi baadhayaasha ka hawlgala machadka  u  dhaxalsiin lahaa  aaladaha iyo qalabyada kala duwan ee  casrigaa ee  waxkhti-xaadirkan loo isticmaalo darasaadka xoolaha beeraha iyo khayraadka dabicigaa.