Ardayda Wax ka Barata Dugsiga Xaadaw Oo Kaalinta 1aad U Galay Tartanka Heer Caalami Ee Cunta Dhaqameedyada Aduunka.

Xaadaw(cakaaranews)khamiis, 22ka, March 2018. Dugsiga hoose dhexe ee senterka xaadaw ee degmada koonfurta Jigjiga  waxa uu ka mid yahay 229 dugsi ee uu horaan uga jiray barnaamijka quudinta dugsiyada ee DDSI, wuxuuna dugsigan xaadaw ka qaybgalay isaga oo matalaya dalkeena itoobiya tartanka caalamiga ah ee cunta dhaqameedka taasi oo ay ku tartamayeen dugsiyada 100 wadan oo kala duwan.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jireen gudi ku soo qiimaynayay dugsi walba goobtiisa  tartankan heer caalami ee cunta dhaqameeedka  oo uu wadankastaaba ku soo bandhigayay cunto dhaqameedka uu leeyahay. Waxaana ku guulaystay kaalinta 1aad dugsiga hoose dhexe ee tuulada xaadaw oo ku tartamayay cunta dhaqameedka soomalida ee soorta.

Haddaba, mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSi iyo isku duwaha guud ee barnaamijka quudinta iskuulada dalka itoobiya ee hay’ayada WFP  ayaa si wada jir ah u gudoonsiiyay shahaado sharaf ay mutaysteen ardaydii ka qaybgashay tartankan.

Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Maxamuud Ahmed Nuur (Heeryo) oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in uu si wayn ugu faraxsan yahay guusha uu dugsigani ka soo hooyay isaga oo tilmaamay in uu wax wayn ku soo kor dhiyay geedi socodka waxbarashada deegaanka barnaamijkan quudinta iskuulada islamarkaana uu yareeyay ama la odhan karo inuu titiray ardaydii hada kahor loox tuurka ka noqon jirtay dugsiga.

Dhanka kale, Iskuduwaha Guud Ee Barnaamijka Quudinta Dalka Itoobiya Ee Hay’ada WFP Marwo Askale Taglu ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay ka dal ahaan in dugsiga xaadaw oo la tartamayay dugsiyada 100 wadan oo aduunka ah in uu kaalinta 1aad u galo islamarkaana maanta la gudoonsiiyay shahaado sharaftii ay kaalinta 1aad ku mutaysteen.

Dhinacooda ardayda  wax ka barata dugsiga xaadaw ee ku guulaystay tartankan heer caalami ee cunta dhaqameedka aduunka ayaa  sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin in ay ku guulaystaan kaalinta koowaad ee tartanka heer caalami.

Ugudambayntii, barnaamijkan quudinta dugsiyada oo ay ka dal ahaan ka faa’iidaystaan afar deegaan oo ka mid ah deegaanada dalkeena itoobiya ayaa waxa taageero wayn ka gaysta hirgaliniisa wasaarada beeraha dalka maraykanka waxaanu barnaamijkan hoos u dhigay loox tuurka ardayda dugsiyada isaga oo barnaamijkan quudintu kor u soo qaaday tayada waxbarashada dugsiyada laga hirgaliyay.