Qurbajoogta DDSI Ee Kasoojeeda Gobolka Faafan Oo Dhigatay Xaflad Balaadhan Oo Lagu Xusayo Sanadguurada XDSHSI

Minisota(cakaaranews)Khamiis, 22ka March 2018. Qurbajoogta DDSI ee kasoo jeeda gobolka faafan ee kudhaqan cariga maraykanka gaar ahaan Gobolka minisota ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay kuqabsaday magaalada minisota ee cariga maraykanka kaasoo ujeedadiisu ahaa soo dhawaynta sanadguurada 20 jirsatay ee toban-tobanaad ee kazoo wareegtay aas-aaskii XDSHSI.

Hadaba, xafladan ayaa waxaa kasooqaybgalay bulshada qurbajoogta ah ee kudhaqan cariga maraykanka  gaar ahaan Gobolka Minisota islamarkaana kasoojeeda gobolka faafan kuwaasoo isugujiray culimo-awdiin, hooyooyin iyo dhalinyarada.iyadoo ay xusid mudantahay in xafladan ay kasooqaybgaleen kooxaha fanka ee kaladuwan kuwaasoo xaflada soobandhigay dhaantooyin iyo heesaha wadaniga ah ee DDSI islamarkaana ay kaqaybgalayaashu aad ugu riyaaqeen.

Xafladan ayaa waxaa khudbado kaladuwan kasoojeediyay culimada iyo qaarkamid ah masuuliyiinta jaaliyaadka DDSI kuwaasoo si wayn uga hadlay guulaha XDSHSI gaar ahaan isbadalka horumarineed ee baaxada wayn leh ee ka hanaqaaday DDSI. Waxayna kawrabixiyeen guulihii balaadhnaa ee lagu talaabsaday 10 kii sano ee u danbeey ee dhinacyada horumarka, nabadgalayada iyo maamulka suuban.

Sidookale, qurbajoogtan kasoojeeda gobolka faafan ayaa kawarbixiyay guulaha adeegyada horumarka ee waxabarshada, Biyaha, caafimaadka  Iyo waliba horumarinta khayraadka  beeraha iyo xoolaha. Waxayna tilmaameen guulaha xisbiga ee ku’aadan kaabayaasha dhaqaale eesida  jidadka teleefonada iyo laydhka.

ugudanbayn, Qurbajoogtan kasoojeeda gobolka faafan ee kudhaqan gobolka Minisota ayaa sheegay in ay taageersan yihiin XDSHSI islamarkaana ay dhankooda Hiil iyo Hooba la garab taagan yihiin XDSHSI.