Shaqaalaha Bangiga Ganacsiga Itoobiya Laantiisa DDSI Oo Deeq-raashin ah ku Wareejiyay Gudiga Barakacayaasha.

Jigjiga,(cakaaranews), jumce,23ka, March, 2018. Shaqaalaha ka hawlgala laamaha kala duwan ee bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya gaar ahaan laanta deegaanka ayaa qayb ka mid ah mushaarkooda ugu soo iibiyay deeqraashin ah dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay gudaha deegaanka oromada.

haddaba, Deeqdan oo isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu wareejiyay gudiga barakacayaasha  ganacsatada DDSI. Waxaana, kahadlay goobtaasi Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool uu ku hadlayay magaca gudiga barakacayaasha wuxuuna sheegay in aad ugu faraxsan yahay deeqdan raashin ka ah ee ay shaqaalaha bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya ugu deeqaan bulshada soomalida ah ee soo barakacday garaadka ayaa tilmaamay  in tahay  arinku  dayasho mudan talaabadan ay qaadeen shaqaalaha bandhiga ganacsigu isaga oo garaadku siwayn ugu mahadceliyay guud ahaanba shaqaalaha bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya gaar ahaan shaqaalaha laanta deegaanka dadaalka ay muujiyeen.

Ugu dambayntii maaha markii ugu horaysay ee uu kaalin ka gaysto bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya deeqaha lagaadhsiinayo bulshada soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada ee waxay ahayd dhawaan markii uu bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya gaar ahaan laanta deegaanka ee jigjiga uu gaadhsiiyay bulshada soomalida ah ee soo barakacay aduun lacageed oo dhan 5.millyan oo bir wuxuuna sii wadaa dadaalka loogu jiro sidii bulshada soomaalida ah ee soo barakacday loo gaadhsiin lahaa deeqaha gar-gaarka ah.