Jaaliyadaha DDSI Ee Wadamada UK iyo Putland Oo Si Meeqaam Sare Ah U Xusay Sanad guurada 20 jirsatay ee XDSHSI

London,(cakaaranews), sabti, 24ka,  March 2018. Jaaliyadaha DDSI ee wadamada UK iyo  Putland soomaaliya  ayaa si heer sare ah uxusay sanadguurada 20tan jirsatay ee XDSHSI taasi  oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta jaaliyadaha, xubnaha jaaliyadaha iyo taageerayaasha XDSHSI, iyaga oo  musaasabadahaasi ka kala dhaceen magaalooyinka London iyo garoowe.

Haddaba,  munaasabada xuska sanadguurada 20tan jirsatay ee  XDSHSI Ee Jaaliyada DDSI oo ahayd kuwa ay si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay jaaliyaduhu ku muujinayeen  farxada ay u qabaan xusitaanka munaasabadan ayaa waxaa dhinaca aalada ismaqalka ee  telefonka kagala qaybgalay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI cabdirisaaq saxane. oo uga mahad celiyay dhamaan kasoo qaybgalyaasha munaasabadan quruxda badan ee ay jaaliyadaha UK iyo putiland ku  maamuusayo xuska sanadguuda 20tan jirsatay ee XDSHSI isagoo intaa ku daray inuu ku faraxsanyahay inuu kalaqaybqaato munaasabadan, Wuxuuna wasiirku si kooban ooga warbixiyay waxqabadkii iyo guulihii waxka oolka ahaa ee uu xibigu qabtay 10kii sano ee udanbeeyay, wasiirka ayaana sheegay in guulahaas wax ka oolka ah ee la gaadhay mudadaas 10ka sano ah ay kaalin libaax leh ku lahaayeen qurba-joogta DDSI ee ku sugan daafaha caalamka islamarkaana loo baahnayahay inay halkaas kasii wadaan dadaalka iyo taageerida ay marwalba la garabjoogaan XDSHSI iyo xukuumada DDSI.

Dhankooda  mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadamada UK kuwa putiland oo ka hadlay munaasabadaasi  ayaa inay aad ugu faraxsanyihiin horumarka dhinacyo badanaha ah ee ka hanaqaaday deegaanka 10kii sano ee udanbeeyay islamarkaana ay taageerida iyo dadaalka ay u hayaan XDSHSI ay sii adkayn doonaan kana qaybqaadan doonaan horumarka dhinacyo badanaha ah ee ka socda deegaanka.