Tababar Kusaabsan Horumarinta Xirfadaha Barayaasha Afsoomaaliga Ee Gobolka Jarar Oo Lasoo Gabagabeeyay

Dhagaxbuur(Cakaaranews) Axad 25ka March 2018. tababar uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI oo ku saabsan  horumarinta manhajka afsoomaliga ee 5aad  ilaa 8aad ee barayaasha gobolka jarar iyo  barnaamijka kor u qaadista  horumarinta joogtaynta xirfada baranimada ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada dhagaxbuur.

Haddaba, Tababarkan oo loo qabtay barayaasha fasalada 5 ilaa 8aad oo ka socday dugsiyada degmooyinka gobolka jarar ayaa waxaa warbaahinta deegaanka  uga warbixiay ahmiyada tababarkan hawlwadeenka horumarinta macalimiinta ee xafiiska waxbarashada mudane sakariye xasan oo sheegay in ahmiyada tababarkan  tahay sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta  barayaasha afsoomaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad,ee degmooyinka gobolka jarar loona horumarinlahaa  manhajka afka soomaliga iyo waliba  barnaamijka kor u qaadista  iyo joogtaynta horumarinta  xirfada baranimada ee afka qalaad loo soo gaabiyo (CPD), wuxuuna intaas ku daray  in tababarkan  mid la mid ah oo mudo 10 cisho ah socday lagusoo gabagabeeyay  9 gobol oo deegaanka ah.  

ugudanbayna, waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay in mudadii uu tababarkan socday waxbadan ka faaiideen islamarkaana uga faaiideyn doonaan dugsiyadii ay kakala yimaadeen.