Degmada Baareey Iyo Adeegii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha Oo Ka Bilowday

Baareey (cakaaranews)Axad, 25ka March 2018. Wxaa xarunta caafimaadka degmada baareey ee gobolka afdheer si habsamileh uga bilawday adeegii daawaynta iyo qaliinka indhaha ee bilaash ka ahaa. Kaasoo ay kafaa’iidaysanayaan bulshada kudhaqan degmada baareey iyo nawaaxigeeda.

Hadaba, adeeg-bixintan daawaynta iyo qaliinka indhaha ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo sheegay in si quruxbadan uu ugu bilawday adeegii daawaynta iyo qaliinka indhaha ee ay kafulinayeen degmada baareey. Wuxuuna intaa kudiray in socdaalkoodan ay 4 degmo kasoodhameeyeen adeegii daawaynta iyo qaliinka indhaha. Wuxuuna xusay masuulku in socdaalkoodan ay adeegan uga faaiideeyen dad tiro badan oo qaarkamid ahi hadakahor adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha udoonan jiray magaalada mandheera ee wadanka kiinya maadama oo ay xarunta deegaanka uga dhawdahay magaaladaasi.

Sidookale, Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Baareey Ee Gobolka Afdheer Xiis Cabdi Axmed oo isna kahadlay adeegbixintan ayaa sheegay in maanta ay farxad utahay bulshada degmada baareey maadaama oo ay soogaadhin kooxdii wareegaysay ee daawaynta iyo qaliinka indhaha. Wuxuuna xusay in 5 cisho kahor loosoosheegay in kooxdu soo socoto islamarkaana ay wargaliyeen dhamaan senterada iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada baareey.

Ugudanbayna, bulshada looga faaiideeyay adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in dareenkooda farxadeed aan laqiyaasi Karin maanta islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI.