Tababar Kusaabsan Nidaamka Maaraynta Xogta Caafimaadka Oo Looqabtay 139 Xirfadle

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 26ka March 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka furmay tababar uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay barashada nidaamka casriga ah ee maaraynta xogta caafimaadka ee dhamaan xarumaha iyo hospitaalada deegaanka.

Tababarka ayaa waxaa kasoqaybgalay xirfadlayaasha caafimaadka ee HIMS ee  Degmooyinka hoosyimaada Gobolada Siti, Afdheer, Shabeele, Liibaan Iyo Dhaawa oo tiradoodu dhantahay 139 xirfadle.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisi kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Caydaruus Axmed oo sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay in si dhibyar loohelo xogta caafimaadka ee guud ahaan deegaanka islamarkaana la isticmaalo xog kaydinta casriga ah ee looyaqaano DHIMS. Wuxuuna intaa kudaray in Adeegani yahay nooc casri ah Oo Lagaga guurayo xogkaydintii hore ee looyaqaanay HIMS islamrkaana loo guurayo noocan 2aad ee casriga ah ee looyaqaano DHIMS. Wuxuuna tilmaamay in noocan xog kaydinti ihi uu u shaqeeyo Offline Iyo Online labadaba. Wuxuuna xusay in adeegani uu yahay mid aad muhiim ah  islamarkaana xafiiska kacaawanaya dhanka xog kaydinta casriga ah.

Iskusoowda duuboo, tababarkan oo socon doono mudo 4 maalmood ah ayaa laga filayaa inay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah kuwaasoo wax kataridoona ogaashaha iyo kaydinta xogta bulshada caafimaadka DDSI.