Shirkii Golaha Dhexe Ee EPRDF Oo Halkiisii Kasii Socda

Addis-ababa(Cakaaranews) Talaado, 27ka March, 2018. Shirkii golaha dhexe ee xisbiga EPRDF oo halkiisii kasii socda ayaa waxaa galinkii hore ee maanta soo dhamaaday qormooyinkii   lagaga hadlayay siyaasada iyo xaalada guud ee dalku wakhti xaadirkan kusugan yahay, qormadii Dhaqaalaha wadanka iyo ajandihii shirwaynaha xisbiga EPRDF oo kubeegnaa bishan Megabit ee aan kujiro oo lix bilood dib loo dhigay.

Hadaba golaha dhexe ee xisbiga EPRDF ayaa maanta ansixiyay islamarkaana qalinka kuduugay iscasilidii raysal-wasaare Hailemariam desalegn iyadoo uu shir-gudoonka shirkan golaha dhexe ee xisbiga EPRDF uu halkaas kasii qabtay hogaaminayana raisal-wasaare kuxigeenka dalka  mudane Demeqe Mokenin.

Ugu danbayna waxay ubadan tahay in galabta ladoorto raisal wasaaraha cusub ee dalka.