Kulan Ay Yeesheen Hawlwadeenada Xarumaha Caafimaadka Ee Degmada Erer

Erer(Cakaaranews) Arbaca 28ka March 2018.  Kulan ay yeesheen hawlwadeenada xarumaha caafimaad ee qabaleeyada hoos yimaada degmada erer islamarkaana ay kaga wadahadlayeen qaab shaqeedka adeegbixinta xarumaha caafimaadka ayaa ka qabsoomay degmada erer ee gobolka sitti.

Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen madaxafiiseedka caafimaadka ee degmada erer mudane Xasan Ismaaciil Maxamuud iyo 4ta maareeyayaasha  (medical directors)    ee xarumo caafimaad ee degmada Erer, Huurso, Casbuli Iyo Caydoole ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews ooga warbixiyay madaxafiisedka caafimaadka degmada erer mudane Xasan Ismaaciil Maxamuud oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagaga wada hadlayo qaab shaqeedka adeegbixinta xarumaha caafiimaadka ee degmada erer iyo tuulooyinka hoosyimaada islamarkaana lasoo dhigayo qaabka adeegbixinta loosiinayo bulshada ku dhaqan goobahan xarumaha caafimaad ay kuyaalaan, wuxuuna madaxafiisedku intaa kudaray in sidoo kale lasoo dhigi caqabadaha ku yimaada xarumahaas caafimaad si loo xaliyo islamarkaana loogu gudbiyo cida ay khusayso.

Ugu danbayna madaxafiiseedka ayaa xusay in kulankani yahay mid bile ah isagoo hawlwadeenadan xarumaha caafimaadka kula dardaarmay inay sii xoojiyaan qaab shaqeedka adeegbixinta lasiinayo bulshada islamarkaana shacabka loogu adeego si hagar la aan ah, Waxayna hawlwadeenadu sheegeen inay adkayn doonaan qab shaqeedka adeegbixinta ay siinayaan bulshada islamarkaana si wadaniyad daacidnimo ku dheehantahay ugu adeegi doonaan bulshada ku dhaqan goobaha xarumahan caafimaad.