Kulan Lagu Iibsanayay Bondhiga Dhismaha Mashruuca Biyo Xidheenka Abay oo Ka Dhacay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews),Arbaca,28ka, March , 2018. Waxaa maanta ilaa shalay ka socday madasha shirarka ee SMCX  ee caasimada  deegaanka kulamo balaadhan oo ay ganacsatada, shaqaalaha maamulka magaalada jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada jigjiga  kaga qayb-qaadanayaan iibsiga bondiga dhisma mashruuca biyo xidheenka Abay ee dalkeena itoobiya.

Haddaba, waxaa warbaahinta deegaanka uga warbixiyay ahmiyada uu leedahay dhismaha mashruuca biyo xidheenka Abay maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarig wuxuuna sheegay in kulankan maantu yahay mid ay ganacsatada maamulka magaalada jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee maamulka magaalada jigjiga ku iibsanayaan bondiga dhismaha mashruuca wabiga ABAY  kuwaasi oo iskood isku soo abaabulay maayirka ayaa sheegay in sidan oo kale maalinti shalay  shaqaalaha maamulka magaalada jigjiga iibsadeen bondiga wabiga ABAY maayirka ayaa intaasi ku daray in koobkii dhismaha mashruuca wabiga biyo xidheenka abay uu hadda yaalo deegaanka gaar ahaan caasimada deegaanka ee jigjiga sidaasi darteedna loo baahan yahay in xooga la saaro sidii looga qayb-qaatan lahaa iibsiga bondiga Abay.

Dhinaca kale qaybaha kale duwan ee bulshada maamulka magaalada jigjiga iyo ganacsatada maamulka magaalada jigjiga ee ka qaybqaadanayay iibsiga bondiga dhismaha mashruuca Abay oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ay ka qayb-qaadaan iibsiga bondiga Abay waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan dadaalka lagu hirgalinayo iyo dhamays tirka dhimaha mashruuca  wabiga biyo xidheenka Abay.