Tababar Kusaabsan Maaraynta Xaaladaha Degdega Ah Ee Carqaladeeya Geediscodka Waxbarashada Oo Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 29ka March 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magalaada jigjiga kaqabsoomay tababar ay siwada jir ah fulintiiska isaga kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’ada UNICEF islamarkaana kuqotoma maaraynta xaaladaha dedega ah ee carqaladeeya geedisocodka waxbarashada.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in tababarkan uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya hay’ada UNICEF islamarkaana ujeedadiisu tahay in kaqaybgalyaasha lagu baro nidaamka maaraynta xaaladaha dedega ah ee carqaladeeya waxbarashada. Wuxuuna intaas kudaray in tababarkani uu socon doono mudo 3 maalmood ah islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in kaqaybgalayaashu ay si wanaagsan uga qaybqaataan casharka iyagoo ilaalinana saacadaha ama wakhtiga casharka.

Dhankakale, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen khabiiro kaladuwan oo kakala socda xafiiska waxabarashada DDSI, hay’adaha bahawadaagta la ah xafiiska iyo waliba khabiiro kasocda degmooyinka ayaa waxaa casharada bixinaya khabiiro u xeeldheer kuwaasoo ka yimid magaalada newyork ee wadankaasi maraykanka.

Iskusoowada duuboo, tababarkan oo ah mid socon doona mudo 3 cisho ah ayaa laga filayaa markii uu dhamaado in ay kasoobaxaaan natiijooyin wax ku'ool ah. Kuwaasoo kor uqaada garaadka aqoomeed ee kaqaybgalayaasha.