MM Dhagaxbuur Iyo Tababar Kusaabsan Dhaqashada Casriga Ah Ee Digaaga

Dhagaxbuur(cakaaranews)Khamiis, 29ka March 2018. Waxaa magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar kaqabsoomay tababar ujeedadisu tahay dhaqashada casriga ah ee digaaga islamarkaana loo qabtay iskaashatooyinka digaaga ee kudhaqan magaalada dhagaxbuur. Kuwaas oo kamid ah iskaashatooyinkii dhawaan xukuumadu shaqo abuurka u samaysay.

Hadaba, tababarkan oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta khayraadka xoolaha iyo reerguuraaga DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Jarar Mudane Cabdi Cali Mataan oo sheegay in tababarkani yahay tababar muhiim ah islamarkaana kusaabsan yahay dhaqashada casriga ah ee digaaga. Wuxuuna xusay in dalkeenu uu qaatay in wax lagabadalo nidaamka aan u dhaqan jiray xoolaheena islamarkaana dhaqashadeenu ay noqoto mid casri ah si xoolaheena looga helo manaafacaad fiican hadii uu digaag yahay, hadii uu kaluun yahay iyo hadii uu yahayba noocyada kala duwan ee xoolaheena. Wuxuuna tilmaamay in Tababarkani uu yahay mid kamid ah qorshayaasha uu dalka iyo deegaankuba qaatay ee ku aadan dhaqashada casriga ah ee digaaga.

Dhankakale, iskuduwaha kooxda horumarinta Xoolaha iyo waxsoosaarka ee xafiiska horumarinta khayraadka xoolaha iyo reerguraaga DDSI mudane Cabdisalaan Guuleed oo sheegay in uu digaagu yahay waxyaabaha aad muhiimka u ah islamarkaana aad ugu yaraa dhaqashadeena. Wuxuuna xusay in digaagu yahay waxyaabaha nafaqada gaarka ah leh islamarkaana waxsoosaar maalin le ah. Wuxuuna tilmamay in tababarkani yahay mid iskaashatooyinka digaaga lagu barayuo dhaqashada casriga ah ee digaaga. Si iskaashatadu u noqoto kuwo si fiican uga faaiida digaagooda waxsoosar fiicana uga hela.

Ugudanbayna, tababartayaashii oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkani yahay mid aad muhiim ugu ah islamarkaana ay aad ugu baahnaayeen iskaashatooyinku. Waxayna xuseen in casharo faaiido uleh lagubaray islamarkaana ay u mahadcelinayaan xukuumada DDSI.