MW CMC Oo Khadka Telefonka Kaga Qaybgalay Munaasabad Ay Jaaliyada DDSI Ee Suadi Arabia Ku Taageerayeen Sanadguuradii 20aad Ee XDSHSI

Saudi Arabia(Cakaaranews) Sabti 31da March 2018. Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI ee Saudi Arabia, xubnaha jaaliyada iyo muwaadiniinta ku dhaqan boqortooyada suadi Arabia ayaa ka qabsoomtay magaalada riyaad ee caasimada Saudi arbiaTaas oo uu kala qaygalay safiirka dalkeena itoobiya ufadhiya wadanka Saudi Arabia mudane Aamiin Cabdiqaadir.

Hadaba munaasabadan oo uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar khadka telefonka kagaqaybgalay ayaa waxaa nooga warbixiyay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane oo sheegay inuu madaxwaynuhu uu qurba-joogta DDSI ee Saudi Arabia uga warbixiyay in dhamaan guulo wax ku ool ah lagasoo hoyiyay jihooyinka horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay gaar ahaan dhinacyada Biyaha, jidadka iyo buundooyinka ,beeraha, caafimaadka, waxbarashada, dibudajinta, shaqo abuurka dhalinyarada iyo haweenka iyo guud ahaanba horumarinta kaabayaasha aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, Wuxuuna intaa kudaray in xukuumadu ay guulo balaadhan kasoo hoyisay dhanka xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba iyo kor uqaadida maalgashiga qurba-joogta deegaanka.

Sidoo kale mudane cabdirisaaq ayaa noo sheegay inuu madaxwaynuhu uu amaan balaadhan usoojeediyay dumarka soomaalida ah meelwalba oo ay joogaan oo ay yihiin kuwo dhan walba oo wanaag ah lagaga dayan karo iyo in ay xukuumada deegaanku aamaan uhayso islamarkaana  qurba-joog u aqoonsantahay qurba-joogta qaraabadooda oo ay ugu horeeyaan waalidiintood wax sootara, Isagoo ku booriyay qurba-joogta DDSI meel walba oo ay caalamka ka joogaan inay bartaan aqoonta xirfadaha kaladuwan ee casriga ah ee wadamada ay joogaan lagu hormariyay si uu dhawaan gashi ugu noqdo deegaankooda.

Madaxwaynaha ayaana  uga mahadceliyay qurba-joogta Saudi Arabia iyo qurba-joogta DDSI ee kunool caalamka sida ay taageerida ula garabjoogaan xisbiga iyo xukuumadooda, isagoo si khaas ah ugu mahadceliyay safiirka dalkeena itoobiya ufadhiya wadanka Saudi Arabia ambasador aamiin cabdiqaadir sida ka go’naanshaha leh ee uu ula shaqeeyo jaaliyada DDSI ee Saudiga, Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan qurba-joogta DDSI meel walba oo ay caalamka ka joogaan in wadajir iyo soomaalinimo oo kali ah lagaga bixikaro saboolnimada oo ah cadawgeena koobaad islamarkaana dhidibada loogu aasi karo  horumar iyo nabadgalyo waara oo aan dibu noqosho lahayn.

Ugu danbayna qurba-joogta DDSI ee Saudi Arabia ayaa madaxwaynaha DDSI uga mahadceliyay xidhiidhka joogtada ah ee uu madaxwaynuhu la sameeyo qurba-joogta DDSI ee ku sugan daafaha caalamka gaar ahaan ka qaybqaadashada uu munaasbadan qaaliga ah khadka telefonka kaga qaybqaatay, waxayna qurba-joogta DDSI ee Saudi Arabia balanqaadeen inay sii xoojin doonaan kana qaybqaadanayaan horumarka xawliga ah ee ka socda guud ahaanba deegaanka.