Xafdlada Arooska Qarniga Ee Midaynta Soomaalida Oo Si Heer Sare Ah Ugu Dhacday Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 12ka April 2018. Waxaa madasha shirarka ee halgamaagii waynaa ee SMX si meeqaam sare leh uga qabsoomay arooskii midnimada soomaaliyeed oo ay isku calmadeen 29 lamaane ayaa waxaa loo qabtay xalfad aroos oo aan horay uga dhicin gayiga soomaalida islamarkaana ahayd mid soo jiidatay dareena galisay quluubta guud ahaanba dadka afka soomaaliga ah ku hadla.

Waxaana xusid mudan in xalfada arooskan la qabtay ay ahayd mid ku qotontay go’aamadii kasoo baxay shirwaynihii 11aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka ee raaso. Kaas oo lagu go’aamiyay inaysan jirayn qabiil-qaail ka fiican islamarkaana hoosta laga xariiqay in si wada jira ah loo tirtiro nidaamka isirtoorka ah ee ka dhexjira soomaalida.

Hadaba xalfadan arooska qarniga midaynta soomaalida ayaa waxaa kasoo qaybgalay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxwayne KuxgeenadaDDSI, golaha wasiirada, odayaal dhaqameedka shaqaalaha deegaanka culimo owdiinka iyo qaybaha kala duwan ee bulashada ku dhaqan deegaanka.

Waxaana xalafadan arooska qarniga midnimada lagusoo bandhigay ciyaaro dhaqameed kaladuwan oo ay kamid ahayd heeso, qoob ka ciyaar dhaantooyin iyadoo intaa ay dheerayd xukunkii booliska iyo garsoorka islamarkaaana ay ku xukumayeen su’aalo kaladuwan iyo halxidhaalayaal.Sidoo kale 29kan lamaane ayaa waxay xukuumadu ka caawisay kharashka arooskan iyagoo walibana lagu wareejiyay guryo si casri ah loo dhisay iyo waliba lacag shaqo abuur loogu samaynayo,

Ugu danbayana waxaa xalfadan arooskan qarniga ee midnimada soomaalida hadalo dhaxalgal ah ka jeediyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in talaabadani ay tahay mid jabinaysa fikirka isir toorkaah ee qarniyada soo jiray ee ka dhex jira soomaalida dhexdeeda, Wuxuuna madaxwaynuhu dhanbaal udiray umada soomaalidu meel kasta oo ay joogaan in uu arooskan qarniga midnimada soomaaliyeed uu u noqdo mid ay ku daydaan islamarkaana iska ilaaliyaan dhaqamada xun-xun ee uu kamid yahay isir toorka ama haybsooca isagoo madaxwaynuhu sheegay in qabiil qabiil ka fiican uusan jirin islamarkaana ay dadka afka soomaaliga ku hadla dhamaantood siman yihiin, Isagoo madaxwaynuhu carabka ku dhuftay in labada qof ee iscalmada la isugu duceeyo oo iyadoon loo eegaynin qabiil, wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay in fikirkan haysooca uu tirtirmi doono insha allah, gabagabadiina madaxwaynaha ayaa u duceeyaya dhamaan lamaanayaasha iscalmaday islamarkaana ilaahay uga baryay inuu barakeey oo siiyo gabadha iyo caano gabadh iyo caano wiil iyo caano.

Sikastaba ha ahaatee aroosakan qarniga midnimada soomaaliyeed ayaa kusoo beegmay xili deegaanku ka hana qaaday isbadal horumarineed oo dhinacyo badan leh islamarkaana uu raisal-wasaaraha dalka mudane Dr Abiyu Axmed uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku yimid deegaanka, iyadoo uu qudbadii raisal-wasaaraha dalku kasoo jeediyay hoolka shirarka ee Kaali uu ku amaanay isagoo ku faanaya waliba  halgamaayaashii kasoo jeeday deegaanka ee halgamaagii waynaa ee sayid Maxamed Cabdula Xasan iyo halgamaagii waynee ee dhejesmach Cumar Samater.