MW CMC IYO WAFTIGII BALAADHNAA OO KUSOO LAABTAY XARUNTA DEEGAANKA

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin,16ka April 2018. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud  Cumar oo uu ku wehelinayay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ka qaybgalay shirwaynihii wadatashiga xukuumada federalka ah iyo shacabwaynaha qoomiyadaha dalka oo maalintii shalay ahayd ka qabsoomay xarunta dalka ee magaalada addis-ababa ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga. Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.