Tababar Kusaabsan Maaraynta Habka Nafaqaynta loo siiyo Hooyada Iyo Dhalaanka Oo kaqabsoomay Xaf- Caafimaadka DDSI

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 5ta May 2018. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI kaqabsoomay Tababar kusaabsan nidaamka iyo maaraynta Habka nafaqada loo siiyo hooyada iyo dhalaanka islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI xumno kasocday xafiisyada bahawadaagta ah iyo xumnaha caafimaadka gobolada ufadhiya xafiiska caafimaadka DDSI.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa kahadlay Kusimaha Wasiirka Ahna Agaasinka Geedi-Socodka Qorshaynta Iyo Dabagalka  Ee Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Maxamed Ayaanle Xasan oosheegay in tababarkan qaybkayahay horumarinta caafimaadka deegaanka islamarkaana uu kuqotamo barnaamijka ama habka maaraynta nafaqaynta loosiiyo hooyada iyo dhalaanka kaasoo tababarqaatayaasha lagu tababarayo Barnaamijka cusub ee maaraynta nafaqo siinta hooyada iyo dhalaanka iyadoo Hadakahor la isticmaalijiray nidaamka nafaqyanta oo ahaa nidaam sanadkii la istcmaali jiray 2jeer kanina uu yahay mid joogta ah. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkani yahay mid larabo in tababartayashu ay kusii tababaraan dhaman xirfadlayaasha degaanka islamrkaana lagaadhsiinayo xarumaha iyo hospitaalada dhaman qabaleeyada iyo degmooyinka deegaanka.

Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay tababarkan Iskuduwaha Nafaqoda Ee Xafiiska Caafimaadka Mudane  Cumar Cabdi Axmed oo sheegay in tababarkani yahay barnaamij cusub oo lagaga guurayo barnaamijkii nafaqaynta ee hore ee ahaa adeega nafaqada hooyada iyo dhalaanka Balse kani uu yahay adeeg cusub oo nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ah islamarkaana uu adeegi hore kaga duwanyahay oo kaliya xiliga nafaqaynta. Islamarkaana uu barnaamijkani yahay mid 3 biloodle ah meesha uu adeegii hore ahaa 6 biloodle.  Wuxuuna intaas kudaray in Barnaamijkan cusub lagu magacaabo community Health Day (CHD)  iyadoo baranaamijkani mid la cabirayo cududa hooyada iyo caruurta kayar 5 sano si loo ogaado heerka nafaqo darada.

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa laga filayaa in natiijooyin wax ku'ool ah ay kasoobaxaan, kadib markii lawada gaadhsiiyo dhamaan dhamaan deegaanka.