MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Mustaxiil

Mustaxiil(Cakaaranews) Axad, 6da May 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo oo isugu jiray mas’uuliyiin heer deegaan, heer gobol, kooxaha gargaarka deg-dega iyo xirfadlayaal caafimaad ayaa gaadhay degamada mustaxiil ee gobolka shabeele oo uu sameeyay fatahaadii wabiga shabeele uu dhibaato lixaad leh ugaystay.

Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in Fatahaada wabi-shabeele uu dhibaato laxaadleh u geystey degmooyinka ay kamid yihiin degamada Mustaxiil oo uu Gabi ahaanteedba waxyeelo ugaystay iyo Tuulooyin ka tirsan degmoyinka Qalaafo, Feer-feer,  Beercano iyo qaybo kale oo jiinka wabi kamid ah.

Madaxwaynaha ayaana tilmaamay inay magaalada Mustaxiil ay ku sugantahay dhibaato aad laxaad uleh oo ka dhalatay raxmadii eebe inagu maneystey kadib Fatahaadii ka dhalatey wabiga Shabeele. Isagoo madaxwaynuhu inta ku daray in fatahaada biyuhu  ayGaleen amaba ay qariyeen dhamaan magaaladii Mustaxiil aheyd waxaana halkaas ku burburey dhamaanba waxay dadku hanti iyo maalba lahaayeen oo ay ugu horeeyaan Guryihii iyo wax-soosaarkii tabaca beerahoodii.

Madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaana dhex lugeeyay magaalada mustaxiil islamarkaana eegayay sida uu wax uyeeleeyay guryaha dadka shacabka ah ee degmada mustaxiil, wuxuuna madaxwaynuhu halkaas kula kulmay shacabka magaalada mustaxiil iyagoo halkaas isku xog waraystay,

Dhanka kale degmada mustaxiil ayaa waxaa la gaadhsiiyay gar-gaar raashin iyo dawooyin isugu jira oo ay daabulayeen 3 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah iyo gaadiid tiro badan, madaxwaynaha DDSI ayaana xusay in fatahaadan wabiga shabeele uu gaystay khaasaare naf iyo maalba leh.

Hadaba qaar kamid ah shacabka degmada mustaxiil oo in badan ku dhaganaa sii daganaanshaha goobtaas oo aan ku haboonayn deegaan la dagi karo ayaa kadib kulan wadatashi ah oo ay mas’uuliyiintu la qaateen shacabka degmada mustaxiil waxay iskula qaateen in magaalada loo raro meel 3km u jirta meesha ay hada degantahay  oo  afka  carabina ku ah macquulgal ma aha. Waxayna xukuumada DDSI qaadatay in si deg-deg ah loo diro injineeradii master palaneka ka samayn lahay meesha cusun ee loo rarayo magaalada mustaxiil.

Ugu danbayntii waxaa xusid mudan in gurmadkan uusan ahayn midkii ugu horeeyay balse xukuumada DDSI iyo JDFI maysan filaynin in saamaynta fatahaado intaa la egtahay, waxaana xaqiiqa ah in degmooyinka saaran jiinka wabi shabeele ay ubaahan yihiin gurmad dheeri ah oo deg-deg ah gaar ahaan degmooyinka mustaxiil, qalaafo iyo feer-feer.