MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Caawa Ku Soo dheelmaday Magaalada Qabridahar

Qabridahar(cakaaranews)Isniin, 7da, May 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa socdaalkoodii gurmadka degdega ah ee isugujiray daawooyinka iyo raashinka ee ay kugaadhsiiyeen bulshada ay saamaysay fatahaada wabiga shabeele ee gaar ahaan kudhaqan degmooyinka mustaxiil, feerfeer iyo qalaafe. iyo waliba kulankii wada tashiga ahaa ee ay layeesheen shacabka degmada mustaxiil oo la iskula qaatay in shacabka mustaxiil looraro meel 3 KM u jirta goobtii hore ee ay daganayeen ayaa kadib xalay kusoo dheelmaday magaalada Godey. iyagoo madaxwaynaha iyo waftigiisuna maanta usoo baqooleen magaalada qabridahar islamarkaana usoo hooydeen magaalada qabridahar..