Ogeysiis Jaaliyada DDSI Ee Gobolka Minnesota.

Minnesota(Cakaaranews) Arbaco, 9ka May 2018.  waxaa Dhamaan Jaaliyada DDSI ee kudhaqan Gobolka Minnesota iyo Nawaaxigiisa  la ogeysiinayaa inay Kasoo qeybgalaan Shirka wadatashiga Safaarada Washington ee cariga mareykanka iyo Qurbajoogta Itoobiya ee Gobolka Minnesota.

Hadaba Waxaa Jaaliyada DDSI ee gobolka Minnesota Laga Codsanayaa iney Kasoo qeybgalaan shirka wadatashiga Qurbajoogta reer itoobiya iyo Safaarada Washington Oo dhici doona maalinta Sabtida ah ee fooda inagu Soo heya waxaana Loo sheegayaa  In la ilaaliyo waqtiga Shirka Uu Bilaabanayo Oo ah 4:00pm madasha Shirka Uu kadhacayana waa Double tree Hilton Bloomingto Minnesota.

Ugu danbayn Shirkan Oo ah mid ay qabaneyso Safaarada Washington oo uu kasoo qeybgalayo Safiirka guud ee safaarada Washington DC mudane Ambassador Kassa tekleberhan.