Qaarkamid Ah Shacabka Degmooyinka Deegaanka Oo Soo Bandhigay Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Horumarka, Nabadgalyada, Nidaamka Maamulka Suuban Iyo Dibucurashada

Filtu(Cakaaranews) Khamiis, 10ka May 2018.  Waxaa guud ahaanba 11ka gobol, 6da maamul magaalo iyo 93 degmo ee uu ka koobanyahay deegaanku ka qabsoomay banaan baxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin oo ay shacabku ku taageerayaan  horumarka,nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee uu XDSHSI iyo xukuumadu mudada yar gudohood ku hirgaliyeen.

Hadaba shacabka deegaanka oo ku faraxsan guud ahaan waxqabadka xukuumadu iyo XDSHSI  ay ka qabateen guud ahaanba meel walba oo deegaanka kamid ah oo ay ugu horeeyaan dhanka horumarka sida waxqabadka biyaha, jidadka iyo buundooyinka,waxbarashada, caafimaadka, beeraha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo hooyooyinka ka qaybgalinta dumarka ee dhanka siyaasada, aas-aasida micro finance ga iyo kor uqaadida kaabayaasha dhaqaale, Haba ugu danbaysee wax ka qabashadii xaladii abaaraha ee gurmadka lixaadka lehi ay xukuumadu ka samaysay goboladii ay ku dhufteen abaarahii ay keentay isbadalka cimilada iyo waliba nabadgalyada macaan ee ay neecawdeeda ku raaxasnayaan shacabka deegaanku gees ka gees oo ay gun dhig utahay nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee ka hanaqaaday deegaanka ayaa waxay ay taageerada ay u hayaan isbadalka horumarineed ee waxqabadka xukuumada DDSI iyo XDSHSI uu gaadhsiiyay iyo nolasha macaan ee ay hantiyeen ku muujiyeen banaanbaxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin oo ay uu ugu horeeyeen shacabka gobolka sitti ayaa waxaa iyana si balaadhan ubanaanbaxay guud ahaanba gobolada Dollo, Qoraxey, shabeele faafan, erer, afdheer,liibaan, daawa, nogob iyo jarar.

Dhankooda waxaa iyana maanta banaanbax balaadhan oo aan look ala hadhin soo bandhigay degmooyinka kala ah Filtu,Dhanaan,Shilaabo, Garbo, Shaygosh, Jarati, Dhuxun, marsin iyo Sagag. Waxayna degmooyinkan muujiyeen banaan baxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin oo ay shacabku ku taageerayaan  horumarka,nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee uu XDSHSI iyo xukuumadu mudada yar gudohood ku hirgaliyeen. Iyagoo shacabka ku dhawaaqayeen nabadiid dooni mayno, horumardiid dooni mayno, xoolo cirdoonimo dooni mayno. Waxaana halkaas qudbado dhaxagal ah kasoo jeediyay mas’uuliyiin heer deegaan iyo heer gobol ah oo sheegay in horumarka ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka ay xukuumada iyo XDSHSI ay mudo yar gudahood ku hirgaliyeen sida waxqabadka biyaha, jidadka iyo buundooyinka,waxbarashada, caafimaadka, beeraha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo hooyooyinka ka qaybgalinta dumarka ee dhanka siyaasada, aas-aasida micro finance ga iyo kor uqaadida kaabayaasha dhaqaale. Waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in shacabka looga baahanyahay inay ilaashadaan nabadgalyada iyo horumarka ay XDSHSI iyo xukuumadu mudada yar ku hirgalisay islamarkaana gacan bir ku qabtaan cid walba oo isku dayda inay taako udhigto horumarka deegaanka ee xawliga ku socda.

Ugu danbayna waxaa iyana ka hadlay mowjad iyo hirar dad ah oo ay kamid yihiin dhalinta heego oo wacad ku maray inay ilaa shanayaan darbi dhagax ahna u yihiin XDSHSI iyo Xukuumad DDSI islamarkaana gaashaan bir ah u yihiin horumarka, nabadgalayad, nidaamka maamulka suuban iyo dibu curashada.