Baaq ay Odayaal Dhaqameedka DDSI Kasoo saareen warbixintii beenta ahayd ee ay qortey Hay’ada Amnesty International East Africa Office

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 31ka may, 2018. KU: Gudiga Command Postiga Xaalada Degdega ah Ee Dalka Itoobiya

Amnesty international ayaa waxay qortay warbixin been cad ah oo haldhinac ah taasoo iskahor keenaysa labada shacab ee walaalaha ah ee soomaalida iyo oromada ee daris wanaagu kadhaxeeyo iyagoo ku eedeeyay dhacdadii yarayd ee maalintii dhawayd kadhexdhecay labada shacab ee degmada jinacsani ee DDO iyo degmada tuli-guuleed ee DDSI inay kadanbeeyeen ciidanka liyuu boolisku taas oo ah mid xaqiiqada kafog oo shaqsiyaad dano gaar ah leh oo kamid ah hay’ada amnesyt international ay ka danbeeyaan.

Hadaba odayaal dhaqameedka DDSI oo kaduulaya warbixinta beenta ah ee iska horkeenaysa labada shacab ee walaalaha ah ee ay hay’ada amnesty international kufidisay warbaahino badan ayaa canbaareeyay warbixintaas halka dhinac ah ee ay hay’adu qortay. Waxayna odayaal dhaqameedku kasoo saareen baaqan:

1.       Inay warbixinta amnesty international laanteeda bariga Africa ay tahay been cad oo haldhinac ah oo aan geed loogu soo gabanin oo ay qoreen shaqsiyaad kamid ah hay’ada amnesty international oo dano gaar ah wata islamarkaana raba inay iska horkeenaan shacabka walaalaha ah ee soomaalida iyo oromada iyadoo odayaal dhaqameedka DDSI ku tilmaamay shaqsiyaadka warbixintan qoray inay yihiin kuwo xidhiidh la leh ururada argagixisada ah oo lacag ku qaatay diyaarinta warbixintan beenta ah ee  halka dhinac ah. Waayo haduu qoraalkoodu xaqiiqada ku salaysan yahay sida dhabta ah ee arintani udhacday bay sheegi lahaayeen.

2.       Warbixinta amnesty international waxay kabeensheegaysaa warbixino ay xigasho uga soo qaateen komishinka kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka ee JDFI iyo hay’ada caalamiga ah ee iskudabaridka arrimaha bini’aadamnimada ee UN OCHA warbixinadii ay hada kahor kaqoreen iskudhacyadii labada shacab ee dhamaaday.

3.       Warbixinta beenta ah ee amnesty international waxay si toos ah ufaragalinaysaa arrimo siyaasadeed iyagoo uyeedhinaya dawlada federalka itoobiya inay kala dirto qayb kamid ah ciidamadeeda  taas oo kasoo horjeeda mandateka ay u aas-aasan tahay hay’adani.

4.       Waxay kicinayaan islamarkaana iska horkeenayaan shacabka soomaalida iyo oromada iyagoo amar kubixinayo in xadayn lagu sameeyo xuduuda labada shacab, taas oo ah arrin kicin ah oo horseedi karta colaad hor leh oo dib uga aloosanta labada shacab ee walaalaha ah dhexdooda, waxayna odayaashu sheegeen inay hay’adani ay fargalin toos ah kusamaysay arimihii siyaasada dalka itoobiya gaar ahaan waajibaadkii shaqo ee golaha federationka dalka itoobiya.

Ugudanbayn, odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa waxay codsi udireen dhamaan laamaha ay khusayso ee dalka, sida golaha federationka dalka, gudiga commond postiga ee xaalada degdega ah ee dalka uxilsaaran, wasaaradaha kale iyo xafiisyada kale ee ay khusayso inay arrintan si qoto dheer u eegaan islamarkaana ay jawaab kabixiyaan talaabo sharciga waafaqsana ay kaqaadaan.