WARBIXINTA BEENTA AH EE HUMAN RIGHTS WATCH

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce, 6dii Jully 2018. Xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya oo kaduulaysa warbixinta Human Rights Watch ay kaqortay xarunta dhexe ee dhaqantoosinta asluubta DDSI ee magaalada jigjiga ayaa beenisay warbixintaas kuna tilmaantay inay tahay mid been abuur ah oo aan waxba kajirin islamarkaana lasoo maluuqay oo waliba hal dhinac ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn, kuna salaysan waxaysan goobjoog u ahayn iyo waxaa layidhi aragti madaw oo shaqsi sadexaad oo aan isaguna goobjoog ahayn islamarkaana muuqaalada videoyada ay hay'adu u isticmaashay cadaymo ahaanta ay yihiin kuwo aan marnaba daliil unoqon karin hada kahora ay in kabadan 3 jeer soo qaateen oo ay kusoo celceliyaan mar walba oo ay deegaanka waxkaqoraan cadayn la'aan darteed meesha videoyada qaarkoodna ay yihiin kuwo si kutalagal ah oo public ah inta mediaha loo yeedhay loo duubay xili laqiimaynayay ciidanka deegaanka oo aan cidna laga qarinaynin xukuumaduna ay kawarhaysay si loo xaqiijiyo nidaamka cadaalada iyo islaxisaabtanka ee daryeelayaasha maxaabiista wakhti haatan laga joogo ugu yaraan 6sano iyadoo xiligaasi sharciga lahorgeeyay dhamaan xubnihii kukacay faldanbiyeedyo kadhan ah maxaabiista talaabo sharciga waafaqsana laga qaaday.

Hadaba, mudane Idriis Ismaaciil Cabdi afhayeenka ama wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada ee DDSI oo uwaramay shabakada wararka ee Cakaaranews.Com ayaa sheegay inay Human Rights Watch kufashilantay warbixinta beenta ah ee ay 5tii Jully, 2018 kaqortay deegaanka islamarkaana uu wakhtigan xaadirka ah magaca iyo shaqada hay'adu u ekaaday mid wax lagu shubto kadibna qorta waxaan balance ahayn oo aan sal iyo raadtoona lahayn.Taasoo kuxadgudubtay sumcadii iyo karaamadii HRW si cadna ubaalmartay hadafkii iyo ujeedooyinkii loo aas aasay. wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa xusay inay hay'adu waraysato oo kali ah shaqsiyaad nabadiidnimo loo xidhay xiliyo hore kadibna lacafiyay iyagoo xasuuq-wadareedyo iyo gumaadyo ba'an ugaystay shacabwaynaha deegaanka. wuxuuna wasiirku intaa kudaray inay Human Rights Watch kucaanbaxday warbixin mala awaal ah sababta oo ah muuqaalada ay hay'adu soo qaadatay ma ahayn shaqsiyaad lawaraystay balse waxay ahaayeen shirwayne lagu qiimaynayay booliska deegaanka oo ay xukuumadu ugu talagashay in laduubo lana baahiyo si loo tuso caalamka xaqiijinta nidaamka cadaalada iyo saraynta sharciga ee deegaanka.

Sidoo kale, mudane Idriis ayaa hoosta kaxariiqay in gabi ahaanba aysan jirin wakhti xaadirkan cid ONLF ah oo xabsiyada deegaanka kuxidhan marka laga reebo shaqsiyaad tiro yar oo cafis sugeyaal ah. wuxuuna intaa raaciyay in xarunta dhexe ee dhaqantoosinta DDSI ay tahay goob asluubeed oo kuqalabaysan dhamaan adeegyada uu helo shaqsiga xorta ah sida daryeelka dawada, cuntada, waxbarashada caadiga ah ee duniwiga fasalka 1aad ilaa jaamacad, tababarka xirfadaha kaladuwan sida xirfada farsamada gacanta ee furnitureka, harqaanka, tababarada xirfada isticmaalka computerada, waxbarashada diiniga ah sida barashada quraanka kariimka ah, axaadiista iwm iyadoo ay udheer tahay booqashadii iyo waliba xuquuqihii kale ee dastuuriga ahaa.

 Mar uu wasiirku dib umilicsaday falalkii waxshinimada lahaa ee aan marnaba la iloobi karin iyo gumaadyadii ba'naa ee murugada lahaa ee ay ONLF ugaysatay shacabka deegaanka kunool intii udhaxaysay sanadihii 1997TI ilaa 1999TI ayaa wuxuu hay'ada usheegay inay tahay inay waxkaqoraan ONLF iyo tacadiyadii ay makasta iyo maxasta deegaanka ugaysatay ee aysan ahayn inay qayb kanoqdaan horumardiidka kaxun koritaanka nabadgelyada iyo horumarka kahanaqaaday wakhti xaadirkan guud ahaanba deegaanka isagoo gaar ahaan tusaale usoo qaatay inay tahay in hay'adu waxkaqorto gumaadyadii kadhanka ahaa bini'aadamnimada ee ay ONLF shacabka deegaanka si badheedh ah ugula kacday sida xasuuqii qabalaha Cobole 1999TI oo degmada Dh/buur katirsanaa oo inta ay habeen badh galeen qabalahaas ay shacabkii guryaha jiifay qori lahor istaageen si aynan cidina uga bixina kugubay in kabadan boqol qof, boqolaal kalana ay kudhaawacantay. Qabalaha Ceel-xaar ee Degmada Q/dahar oo ay habeen saq-dhexe kudileen 39 ruux oo aan waxba galabsanin, 43na ay kudhaawaceen. Samadoonadii ay kulaayeen qabalaha Dhuure ee isla D/Q/dahar wiilashii ardayda ahaa ee ay dhagaha midida kaga gureen iyagoo nool ee degmada Shaygoosh, shacabkii amin galab ah iyagoon waxba ogayn oo BBC dhagaysanaya ay baaska kufureen ee Degmada Shilaabo. Dhacdadii dilka iyo dhaca xoolaha shacabka ahayd ee ay kagaysteen qabalaha Caleen ee Shilaabo. Qixii ay kusameeyeen shacabka Degmada Awaare oo in kabadan 1,000 qoys inta ay u adkaysan waayeen dilka foosha xun ee habeen walba ah iyo waliba kufsiga gabdhahooda laguhayay deegaanka uga qaxay dhanka dalalka aan dariska nahay, isla xiliyadaas bilawgii 1998TI gumaadkii ba'naa ee ay kusameeyeen shacabka degmada Dhoobawayn ee gobolka Qorraxay oo salaad subax intay kuwaabariisteen 380 ruux oo makas isugu jirta hooyooyin da' ah iyo maati ay kudileen. Dadkii iyagoo nool inta ay isku xidheen ay kugubeen degmooyinka Q/dahar iyo Wardheer. Gabdhihii xaabada doontay ee ay kugawraceen D/Daratole iyo Danood. Xasuuqii 20kii Ginbood ee 1999TI kadhacay Garoonka kubadda cagta ee xarunta DDSI oo hadhkoo cad ay bambo gacmeedyo dhawr ah labeegsadeen kumanaan shacab ah oo rag iyo dumar, ciroole iyo caanonuugba isugu jiray ayna kudhinteen ugu yaraan 490 qof ilaa 331 kalana ay kudhaawacmeen. Qaraxyadii habeen iyo maalinba ay labeegsanayeen magaalooyinka waawayn ee sida Jigjiga, Dhagaxbuur, Q/dahar, Wardheer, Fiiq iyo Goday. Weerarkii duhurkii ay kuqaadeen Marsin. Weerarkii guracnaa ee ay ku baabi'iyeen shacabkii Goljano. Hoogii iyo halaagii ay ugaysteen dadka dagan qabalaha Gurdumi, Farmadaw, bulaale, Gudhis, daldalkii shacabkii Dh/madaw. 47dii qof ee ay kudileen qabalaha Buuladari ee degmada Q/bayax hal maalin ah. waana tii kamaaransiin wayday Shariifkii 100ka sano jiray ee kaadida laga qaadi jiray ee degmada Xamaro ay ku gawraceen. dilalkii iyo gumaadyadii ugu xumaa ee ay kasameeyeen degmooyinka sida Gunagado, Garbo,Sagag, Fiiq, Qubbi, Dhuxun, lagahida, Salaxaad iyo Mayu 1997TI.

 

Iskusoo wada duuboo, xukuumada deegaanka ayaa canbaaraysay warbixinta beenta ah ee ay Human Rights Watch kadiyaarisay deegaanka 5tii bishan Jully 2018 GC kuna tilmaantay mid waxba kama jiraan ah hal dhinac iyo shaqsiyaad dagaal kula jiray xukuumada oo kali ahna laga diyaariyay oo ay kadanbeeyaan shaqsiyaad hay'ada kamid ah oo dano gaar ah wata islamarkaana laaluush qaateyaal ah taas oo ay kubeegsanayaan sumcad bi'inta deegaanka iyo hogaamintiisaba balse aan marnaba iyo si'naba ugu suurtagalaynin hada kahora usuurtagali wayday. waxayna xukuumadu fariin udirtay Human Rights Watch iyo cid kasta oo ay khusaysaba in xarunta dhexe ee dhaqantoosinta deegaanku ay tahay mid ufuran laguna soo dhawaynayo xili kasta.