waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click
Heshiisyada nabadeed iyo isbadalada ka socda dawlad deegaanka soomaalida
waa kuwo rajo ku beeraya muwaadinkasta oo ka soo jeeda dhulkaasi, waa
wax lagu farxo in jabhadihii degta ku sitay qoriga ay si nabadeed ku
dhexjoogaan dalkooda iyo dadkooga iyaga oo kala shaqaynaya sidii dawlad
deegaankeena uga hirgali lahayd nolol la isku halayn karo.
Waxa ay meel ku leedahay dhaqankeena iyo diinteena inaan udamaashaadno
barwaaqada iyo xili roobaadka inaga oo ilaahay ku mahadinayna taasi oo
isku keeni jirtay dadka ay abaartu kala irdhaysay iyaga oo xiligaasi aan
wakhti isu heli jirin. dabcan waa lagu samraa dhibaatada iyo
mushkiladaha balse nimcada Alle iyo isbadalada ayaan noqon karin kuwo uu
qofku qarsan karo taasi oo sida ay sheegeen xeeldheerayaasha amuuraha
islaamku ay noqon karto mid geesmar ku ah diinteena, waxa laga hayaa
nabi muxamed S.c.W inuu yidhi ilaahay waxa uu jecelyahay in adoonkiisa
ay ka muuqato raadka deeqdiisu. waa mid aan hadal ka taagnayn in la
gaadhay xiligii aan si wadajir ah ugu damaashaadi lahayn bilawga cusub
iyo wajiyada nabadeed ee deegaankeena. waxan leehanay daruurta iyo
roobka noo da'aybaan dadkayoow udabaal dagaynaa!
Dhawkii sano ee la soo dhaafay waxa uu horumarka dalkeenu la dhutiyay
mashaakil ka jiray gudaha dalka iyo dibada kuwaasi oo haatan rabi laga
baryi in baaqiga haray uu tusiyo jidka iyo samaha bulshada dawlad
deegaanka soomaaliyeed.
Isbadalada haatan ka jira deegaanka sida kuwa laga sameeyay dhinaca
maamulka waa hanaan wanaagsan oo fursad u ah dhamaan danaha bulshadeena
waxana la gudboon indheergaradka aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee
bulshada dal iyo dibad in si wadajir ah loogala shaqeeyo dawlada danta
guud ee umadeena inaga oo meel iska dhigayna dano shakhsiyeedka iyo
shakhsi jacaylka
Waxa la gudboon shacabkeena iyo hogaanka dawladeena cusub sidii ay si
wada jir ah uyeelan lahaayeen shaqo wadareed "Teamwork" ku dhisan
xilkasnimo wadaniyad iyo karti si aan u xaqiijino xuquuqaheena
dastuuriga ah... waana wax lagu farxo oo udhacay hanaan lagu kala calaf
qaaday doorasho isbadaladii ku yimi maamulka waana markii u horaysay ee
taariikhda deegaankeena si niyadsami ah oo bisayl ah la arko masuuliyiin
si wadajir ah isugu bogaadinaya xilalka, waxan ka fili shacabka inay
mahadiyaan waxqabadkii mudada dheer soo jiray ee uu la yimid madaxwayne
Daa'uud Maxamed Cali sida hirgalintii hanaanka anshaxa shaqada iyo
shaqaalaha sido kale halgankiisii dhinaca aqoonta ku dhiirigaliyay
boqolaal shaqaale ah oo xeerjajab iyo shahaado been abuur ah ku
shaqaynayay
Dawladan Cusub oo ah dawlad nabadgalyo waxa rajo wayn laga qabaa in
shacabku si iskiis ah uu ugu dhiiranyahay sidii uu usii xoojin lahaa
nabadgalada si loo dardar galiyo horumarka
Waxan shaki ku jirin in umad isu dan ah ayna marnaba fashilmayn hadii ay
uguntadaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda, waxa lagu
xaqiijin karaa amuuraha noocaas ah marka ay isla jaanqaadaan
shakhsiyaadka bulshada hormoodka u ah sida hogaaminta siyaasiga
ah aqoonyahanada ardayda cuqaasha iyo suugaanlayda iyo dabcan qaybaha
muhiimka ah ee bulshada
Waxan ilaahay uga baryaynaa in xilka uu ku asturo madaxwaynaha cusub
shacabkiisuna ku garab galo sidii danta guud loo xaqiijin lahaa
waxan gabagabadii umahadnaqayaa wasiirka warfaafinta deegaanka
soomaalida oo runtii si wanaagsan udhisay ra'yal caamka bulshadeena ee
dal iyo dibad isaga oo si wanaagsan qalbiyadooda si casri ah usoo
jiitay......... waxana usii rajaynaynaa in bulshada gudaha uu si
wanaagsan ugu sii muujiyo haan bisayl iyo wacyi galin..............
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Nabadi Waa Door: Nabaddu Waa Dahab Mudan In La Doorto, Waana Danta Ummadda. By: Maxamed C. GurxanLabada magac guud ee “Nabad iyo colaad” waa kuwo aad u da’ wayn, lana kowsaday jiritaanka aadanaha. Ka hor intaan taariikhda la qorin, xilli-taariikheedyada loo yaqaanno “Waayadii arahsiga” iyo “Waayadii ugaadhsiga” dadka waa ay dhexmari jireen colaad iyo nabad labaduba, balse hadba midka ay doortaan labada qolo ee is haysaa, ayay dhaqayadeed maali jireen. Kuwa colaadda doorta, waxay u badnayd, in ay labaduba tirtirmaan ama in midkood la jabiyo oo la gumeeyo. Kuwa nabadda doorta, waxay u badnayd, in labaduba badhaadhaan oo nabad ku wada noolaadaan. Waayadaas, aaladaha iyo xeeladaha dagaal ee la adeegsan jiray waxay ahaayeen kuwo waxyeeladoodu aad u yar tahay, una kooban tahay.
Taariikhda la qoray, xilliga loo yaqaanno “Waayadii hore” waxaa ku xusan ummado iyo qabaa’il tirtirmay, sababta ugu wayn ee baaba’oodana ay ahayd colaad iyo masiibooyin laga dhaxlay khilaafkaas. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa ummadahaas suulay: Boqortooyadii dadkii Maaya ee Koonfurta Ameerika oo tirtirantay abaara sannadkii 909 C.D. iyo qabaa’ilkii Anasasi, Mesa iyo Hohokam ee Waqooyiga Amerika oo iyana jiritaankoodii lumay intii u dhaxaysay 1100 – 1500C.D.
Colaad waa khilaaf dhexmara dad, oo af iyo addinba la isku waxyeeleeyo. Colaaddu marka ay gaamurto, dhinacyada is hayaa sida badan, waxyeello isuma reebtaan. Dhibka colaadda iyo dagaalanku keenaan, sida dadka qaar u yaqaan, ma aha rag dhinta ama dhaawacma oo kaliya, balse colaadda, haddii aan la dabaqaban, waxay leedahay saamayn badan oo kale, oo qaar durba laga soo kaban karo, qaarna ay adag tahay sida looga soo waaqsadaa. Bal aynu isla eegno dhawr arimood oo ka mid ah saamaynta iyo raadka ay colaaddu ku yeelato dadka iyo deegaankoodaba:
Ammaanka iyo caddaaladda.
Marka ay meel tahay goob colaadeed waxaa luma ammaankii iyo caddaaladdii bulshada. Dambiile kasta oo qof dila ama gabadh kufsada ama dad dhaca ama hanti dawladeed lunsada wuxuu fursad u helayaa inuu baxsado oo ku biiro kuwa nabad-diidka ah, wuxuuna halkii ka sii wadaa dambiilenimadiisii isagoo garab ka helaya kuwaa uu la jaalka noqday.
Waxaa ku adkaanaysa dadka shacabka ah inay si nabad ah isaga dhex gooshaan degmooyinka iyo gobolladooda. Waxaana adkaata in sharciga siduu ahaa loo fuliyo.
Ammaan daradu waxay keentaa barakac bulsho. Dadka shacabka ah, gaar ahaanna kuwa maatada danyarta ah, oo nolol-maalmeedkooda ku soo saarta muruqoodu, uma adkaysan karaan colaadda. Waxayna u dagaagaan hadba meeshii nabad ah ee ay u arkaan inay ka heli karaan nabad iyo nolol. Barakaca bulshada ee noocan ahuna wuxuu saamayn ku yeeshaa inay colaaddu sii daba-dheeraato.
Waxaynu wada ogsoon nahay in meesha ay colaadi ka jirto uusan ka jiri karin horumar dhaqaale oo taabbagal noqon kara. Dagaalku wuxuu baabi’iyaa ama yareeyaa waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha iyo ganacsigaba. Waxaa istaaga ama yaraada socodka gaadiidka. Waxaa istaaga ama jiitama mashaariicda horumarita sida: dhismaha jidadka; biyo-xidheenada iyo warshadaha; hirgalinta mashaariicda beeraha; xoolaha. Dadka wax haystaayu way kala tagaan hantidooda halkaas; mana jirayso maalgalin hantiilayaasha gudaha ama kuwa dibaddu ay ka samaynayaan goobtaas colaadeed. Socotada, sida booqdayaasha ama dalxiisayaasha, oo dakhli badan laga helo, iyana ma tagaan goob colaadeed. Nolosha bulshaduna cidhiidhi ayay gashaa.
Colaaddu saamayn aad u ballaadhan ayay ku yeelataa adeegga bulshada. Haddii aanay meeli nabad ahay way adag tahay in si fiican looga hirgaliyo adeegyada caafimaadka; waxbarashada; isgaadhsiinta; gaadiidka; iwm. Waxayna goobtaasu noqotaa go’doon, iyadoo uu ku yimaaddo dibudhac dhan kasta saameeya bulshada markaas iyo mustaqbalka fogba. Sidoo kale, colaaddu waxay saamayn ku yeelataa habsami u socodkii maamulka iyo hawlihii loo hayay bulshada.
Dhulka ay colaadi ka jirto waxaa lagu yaqaanaa shaqo la’aan ku baahsan bulshada. Dadku, gaar ahaanna dhalinyaradu, marka ay shaqo la’aan yihiin waxay billaabaan inay isticmaalaan mukhaadaraad kala duwan. Waxaa aad ugu bata magaalooyinka sigaar cabidda iyo qayilaadda jaadka; iyo waliba qaar billaaba inay khamriga cabbaan. Sidoo kale, waxaa bata macsida; beenta; tuugada; iwm. Waxaana guud ahaan calwa dhaqankii suubanaa ee bulshadu lahayd. Shaqo la’aantu, waxaa kaloo ay dhalinyarada bartaa, waxa loo yaqaanno shaxaadka, oo ah dawarsi magaca loo duway. Ugu dambaystana waxay ka dhigtaa wax matarayaal.
Saamaynta ugu wayn ee colaaddu waa midda deegaanka dabiicaga ah. Afarta arimood ee aynu soo sheegnay ee colaaddu reebto waa kuwo wakhti gaaban gudihii laga soo kaban karo, balse middan deegaanka dabiiciga ah way adag tahay in dhakhso looga soo kabto.
Ilaalinta deegaanka dabiiciga ahu wuxuu lagama maarmaan u yahay nolosha dadka, xoolaha iyo xayawaanka kaleba. Degmada ay colaadi ka jirto waxaa ku dhaca nabaadguur aan xad lahayn. Xoolo dhaqatadu waxay ku xoomaan meelo gaar ah oo ay ammaan bidayaan dabadeed xaalufiyaan dhirtii iyo daaqiiba. Waxaa si aan xad lahayn loo laayaa ugaadha, oo inta hadhaana ay ka qaxdaa meeshaas xabaddu ka jirto. Nabad-diidku si aan naxariis lahayn ayay u jaraan dhirta, iyagoon waxba u aabayeelayn. Waxay jaraan dhirta waawayn oo dhuxul ka dubaan, si ay dakhli uga helaan. Ammaanka awgeed dadka degmadu meel fog xaabo uma doontaan, waxayse xaalufiyaan kaymihii degmada ku dhawaa oo idil. Mashaariic dib u dhiraynna lagama fulin karo goobtaas.
Xaalufinta dhirta iyo daaqu waxay keentaa in ay u sahlanaato dabayshu in ay siigo kiciso. Dhulkiina wuxuu tartiib isu baddalaa lamadegaan aanay waxba ka bixin, cidina ku noolaan karin.
Sida aynu ka soo sheekaynay colaaddu dan uma aha dadka, duunyada iyo deegaanka midnaba. Danta dadka iyo deegaanku waxay ku jirtaa nabadda iyo xasiloonida. Marka ay dagmadu nabad tahay, dadkeedu waxay aroortii u wada dareeraan shaqo iyo waxbarasho. Waxayna dadaal u galaan sidii ay noloshooda kor ugu soo qaadi lahaayeen dhan kastaba. Waxay dhistaan guryo iyo goobo ganacsi oo rasmi ah.
Meesha nabadi ka jirto waxaa ka jira farxad iyo rayrayn, waxaana ku badan damaashaadka xafladaha aroosyada, iidaha iyo dhalashada. Halka ay colaadi ka jirtose waxaa ku badan aasayda, tacsida, agoonta iyo naafada.
Dawladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Xidhiidhka Itoobiya iyo tan Deegaanka Qawmiyadda Soomaalida labaduba waxay dadaal ballaadhan, oo aan hagar lahayn u galeen sugidda ammaanka iyo horumarinta shacbiga Deegaanka Soomaalida.
Inkastoo madaxwaynaha, hoggaanada iyo xafiisyada kala duwan ee deegaanku ay muujiyeen waxqabad iyo dadaal dheeraad ah oo lagaga shaqaynayo danaha shacbiga, haddana waxaa mudan in si gaar ah loo xuso hoggaanka caddaaladda iyo nabadgelyada iyo waliba xafiiska warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, oo si gaar ah door wayn uga qaatay arimaha nabadgelyada iyo amniga.
Tan iyo intii xilka Hoggaanka Caddaaladda iyo Nabadgalyada uu qabtay Mudane Cabdi Maxamed Cumar, wuxuu hoggaanku waxay wayn ka qabtay nabadda iyo xasiloonida. Isagoo hogaanku mudnaanta kowaad siinaya danta guud ee shacabka, ogsoonna inaan caddaalad la samayn karin nabadgelyo la’aanteed, kana duulaya maahmaahda faca wayn ee Laatiinka ah ee odhanaysa, “Si vis pacem, para bellum.” Oo macnaheedu yahay “Haddaad rabto nabad, u diyaar noqo dagaal.” Si uu nabadda u sugo, wuxuu dhisay ciidanka awoodda badan ee sida gaarka ah u tababaran loona yaqaanno Liyuu Booliiska.
Ciidanka Liyuu Booliiska, oo ka kooban dhalinyaro laga soo xulay deegaanka, oo af, dhaqan iyo diinba la wadaaga shacabku, wuxuu awood u yeeshay inuu gaadho ceel kasta iyo tuulo kasta, oo cagta mariyo maxaysatada nabad-diidka ah ee dibindaabyada ku hayay ummadda. Wuxuuna intuu ciidanku jiray ka soo hoyiyay guulo waxku ool ah oo la taaban karo ammaanka gudaha ee deegaanka.
Sidoo kale, wuxuu ciidanka Liyuu Booliisku daboolay irdaha xuduudada caalamiga ah ee deegaanku la wadaago waddamada dariska, isagoo xakameeyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka sida sharci darada ah ku soo gali jiray ama kaga bixi jiray waddanka.
Xafiiska warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, gaar ahaanna madaxa xafiiska Mudane Guuleed Casoowe, wuxuu isna kaalin xoog leh ka qaatay fidinta wararka xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaanka iyo waliba xidhiidhinta iyo kasbashada muwaadiniinta ku nool deegaanka gudihiisa iyo kuwa qurbo-joogta ah labadaba. Wuxuu xafiisku wax wayn ka baddalay, isla markaana beeniyay dacaayadihii beenta ahaa ee ay nabad-diidku ka fidin jireen dawladda deegaanka iyo tan xidhiidhka labadaba. Wuxuuna ku guulaystay inuu xogta dhabta ah gaadhsiiyo dunida dacaladeeda oo dhan. “Xog la helaa, talo la helaaye.” Dad badan oo hore ay nabad-diidku u khaldeen markii ay xaqiiqada ogaadeen, waa ay ka soo noqdeen khaladkii, waxayna goosteen inay dawladdooda garabsadaan, danta dadkoodana ka shaqeeyaan.
Dhanka kale, dawladda xidhiidhka iyo tan deegaankuba waxay dadaal dheer u galeen sidii heshiis iyo wadahadal loogu xallin lahaa wixii dhib jira, cid kasta oo u diyaar ah in, si nabad, dimoqraadiyad iyo caddaalad ah wax loo wadaagana, waxaa loogu baaqay in ay yimaadaan miiska wada xaajoodka.
Dadaalkan ay xal nabadeed dawladdu ku raadinaysay wuxuu kasbay in jabhadda UWSLF ay miiska timaaddo, oo si geesinimo leh u doorato in khilaafkii ay ka tanaasulaan, nabadna ay u doortaan dadkooda iyo dantoodaba.
Waxaa iyana ammaan iyo bogaadin mudan golaha sare ee jabhadda ONLF, oo baaqii nabadda ee dawladda gacmo furan ku soo dhaweeyay. Waxaana ku dhiirigalinaynaa golaha sare ee ONLF inuu raaco tubta UWSLF, oo dadkiisa, dalkiisa iyo dantiisaba u doorto in mudnaanta kowaad ay siiyaan sidii wax walba nabad lagu xallin lahaa.
Dawladdu waxay ka kooban tahay shakhsiyaad ka soo dhex baxay, oo uu soo doortay shacabka waddanku. Haddana, waa hay’adda ugu saraysa ee haysa talada waddan ama deegaan. Dawladdu waxay leedahay ama haysataa ciidan, dhaqaale, hawl-wadeenno, qalab iyo awood ballaadhan oo ay ku fuliso qorshaheeda, kuna sugto ammaankeeda.
Hase yeeshee, si hawlaha ay dawladdu u qabanayso dadkeedu ay u noqdaan kuwo taabbagala oo midhihiisa laga rabay iyo wax ka badan dhala, waxaa lagama maarmaan ah in shacabkuna uu kaalintiisa qaato, oo garab istaago xukuumaddiisa. Haddii mas’uulka dadkii soo doortayu aanay garab buuxa siin, siduu ugu qaban karaa wixii ay ka rabeen inuu u qabto?
Sidaan hore uga soo faaloonay, nabaddu waa danta shacabka. Haddana, si nabad buuxda loo helo, xilka ugu horeeya, uguna waynu wuxuu saaran yahay waa shacabka deegaanka. Wuxuu saaran yahay muwaadin kasta oo u dhashay deegaanka, kuwa dalka gudihiisa ku nool (reer guuraaga, tuulo joogta iyo degmooyinkaba) iyo kuwa qurbo-joogta ah ee dibadaha ku nool, labadaba.
Si nabad raagta loo gaadho, dadkuna uu u hiigsado horumar iyo badhaadhe, waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan laga wada qayb qaato sugidda ammaanka. Waxaana u soo jeedinayaa shacabka deegaanka tallaabooyinkan soo socda in la qaado:
• Waa in muwaadin kastaa, isagoo naftiisa, dadkiisa iyo dalkiisa u danaynaya, uusan marnaba taageerin af, addin ama dhaqaale urur ama shakhsi nabad-diid ah oo dhib iyo hagardaamo wada;
• Waxaa la yidhi, “Saddaqadu waxay ka billaabataa guriga.” Sidoo kale, nabadduna waxay ka billaabataa guriga. Sidaa darteed, waa in shakhsi kastaa gurigiisa nabad iyo nabad jacayl ka abuuro, wax kasta iyo cid kasta oo carqalad ku ah nabaddana uu iska saaro, kana dheeraado;
• Waa in muwaadin kastaa, qaraabadiisa iyo dariskiisa uu ku waaniyo kuna dhiirigaliyo inay nabadda taageeraan, ciddii nabad-diid ahna iska caabiyaan, af iyo addinba. Haddii aysan awoodi karinna inay iska caabiyaanna, ay wargaliyaan ciidamada ammaanka ee aaggooda ku sugan;
• Waa in muwaadin kastaa uu ka feejignaado khiyaanada iyo dabinnada nabad-diidka iyo shisheeyaha ee la rabo in lagu wiiqo danaha dadkeenna;
• Waa in muwaadin kastaa uu isu xilqaano ka hortagidda iyo beeninta dacaayadda iyo barabagaandhada beenta ah ee nabad-diidka iyo cadaawaha;
• Waa in muwaadiniintu ay isku duubnaadaan, iyagoo kaashanaya dawladoodana, ay si wadajir ah uga hortagaan hujuunkii af iyo addinba ka yimaadda nabad-diidka iyo kuwa cadawga ku ah danahooda.
Assalaamu calaykum.
نداء عاجل الي العلماءالحمد لله رب العالمین والصلاة والسلام على نبینا محمد وعلى آلھ وصحبھ وسلم تسلیما كبیرا .وبعد السلام علیكم ورحمة الله وبركاتھ
ھده رسالة نوجھھا إلى العلماء في المھجر وغیرھم لیعودوا إلى البلاد ، فإن المنطقة الصومالیة في إثیوبیا عانت بالتأخر والتخلف في جمیع المیادین بسبب السیاسات المتعنتة من قبل الحكومات الإثیوبیة السابقة المتعاقبة ، وأكبر میدان في التخلف كان في الدین والدعوة إلى الله لأن أصحابھ اختاروا الھجرة ورحلوا عن المنطقة والبعض اختار الجھاد وبھدا تركوا جمیعا الدعوة ونتیجة لدلك تخلفت الدعوة وقل التدین ومعرفة العلم الشرعي وكادت أن تندرس معالم التدین في المجتمع إن لم نتدارك الآن .
والآن وبعد الصلح الذي تم بین الجبھة الموحدة للصومال الغربي وبین الحكومة الإثیوبیة قد تحسن الوضع والحمد لله وتنفست الدعوة من الضغوط السابقة بسبب الاتفاق بین الطرفین .لھدا ندعو علماء المنطقة المتواجدین في المھجر وخاصة المتواجدین في صومالي لاند وبونت لاند وكینیا ، وغیرھم من المغتربین أن یعودوا فورا إلى بلادھم الآمنة لیشاركوا في العمل الدعوي الدي سینشط في المنطقة بعد عودة العلماء والدعاة ان شاء الله .قال الله تعالى ) :وأنذر عشیرتك الأقربین (وقال أیضا ) :وأمر اھلك بالصلاة واصطبر علیھا . (فیا أیھا العلماء والدعاة فإن أھالیكم وأمھاتكم وإخوانكم وعشیرتكم بأمس الحاجة إلى من یعلمھم أمور دینھم ویفقھھم في الإسلام فھم أولى بالتعلیم والتربیة وإن كنا لا ننتقص من جھودكم المباركة في تلك المناطق.
فاقتداء بالنبي صلى الله علیھ وسلم حیث جمع قریشا بعد نزول قولھ تعالى )وأنذر عشیرتك الأقربین (وقال لھم :یا بني عبد مناف یا بني ھاشم یا بني عبد المطلب إلى أن ختم بفاطمة بنتھ وقال لھم :انقذوا أنفسكم من الله فإني لا أغني عنكم من الله شیئا .(نقول لكم عودوا إلى بلادكم وساھموا في العمل الدعوي الذي ھو أوجب من ذي قبل نظرا لزوال بعض الأعذار فاتقوا الله في أھلیكم وإنقاذھم من النار .قال النبي صلى الله علیھ وسلم لعلي ) :لأن یھدي الله بك رجلا واحدا خیر لك من حمر النعم . (
وقد بدأ كثیر من الناس العودة إلى المنطقة یستفیدون الأمن الذي حدث في المنطقة فلا یسبقنكم عامة الناس وبادروا بالعودة ، كل واحد ما معھ من علم ومال وحكمة وخبرة حتى نشید البناء من جدید وننفع أنفسنا وأمتنا . ونحن بانتظار تلبیتكم لھدا النداء وردكم الإیجابي لھده الدعوة.
وفقكم الله .
والسلام علیكم ورحمة الله وبركاتھ
I would like to congratulate the conference in USA, Minneapolis that took place on the 4th of July 2010. In addition I congratulate the organizers of the conference and for their hard work in arranging a venue for a peaceful discussion about the people of Ogadenia and their plight. Also I would like to congratulate the many people that came and took part, because without them there would be nothing to talk about. Ogadenia is still alive because of the many people aboard, which contribute their time and energy to bring the problems of Ogadenia out in the open. We need to help those that are less fortunate then us, in whatever way we can.
Tan iyo intii wada hadalku u bilawdey dawladda Ethiopia iyo UWSLF isla markaana shacabka dal iyo dibadba ay aad usoo dhaweeyeen waxaa isa soo taraya culeyska siyaasadeed ee garbaha ka fuulaya budhcada Ubo gaar ahaan masuuliyiinta ugu sareysa kuwaasoo ah cidda masuuliyadda iska leh waxii budhcada u hagaaga iyo waxii ka xumaadaba. Qormadeyda waxaan ku falanqayn doonaa waxyaabaha la gudboon Ubo mar haddii UWSLF heshiiskoodii midha dhalay ilaa iyo hadda.
Go'aanka UWSLF
Inta la xasuusto taariikhda waddanka waa go'aankii ugu wanaagsanaa ee urur ka dagaalama waddankaasi qaato isagoo u daneynaya shacabka deegaanka dal iyo dibadba. Talaabadan oo ahayd mid geesinimo ah ayuu budhcadu go'aan taariikhi ah ku qaatey isla markaana dareemey in xalka umaddu uusan xabad ku jirin taasoo illaa iyo hadda damaasheedkeedii dunida laga dareemayo.
Wanaagga ururka UWSLF ayaa ah iney yihiin urur lagu aamino karo qawlka ay galaan isla markaana ay wada go'aansadeen iyadoo aysan jirin cid ururka kamid ah oo dibadda ka joogta ama kasoo horjeedda heshiiska. talaabadan geesinimada leh waxey Ethiopia iyo maamulka Kililka dhaxalsiisey iney dhankoodana aaminaad weyn bixiyaan taasoo keentey in muddo yar gudahood la is dhexgalo sida ka muuqata sawirada naga soo gaadhay gobolka.
Illaahay La Kala Baryi Og, Erayna La Kala Odhan Og
Dhawr jeer ayay saxaafaddu wareysatay madaxda Ubo iyo madaxda UWSLF. Dhanka UWSLF warka kasoo baxa waxuu noqdey walaaladeen Ubo waxaan ugu baaqeynaa heshiiska iyo nabadda iney nala qaataan. Dhanka Ubo waxaa kasoo yeedhay waa tuugo aan waddanka ka jirin wayna is dhiibeen. Dadka shacabka ah ee dhageysanaya dal iyo dibadba waxey qiimaynayaan hadalka labada dhinac kasoo baxa. Qof walaalkii wanaag la doonaya iyo mid walaalkii cay iyo xumaan u haya.
UBO Maxaa La Gudboon
Meel aad hadda la siman tahay haddaad orod ku dhaafto adigoo og kana maarmin waxaa la arkaa inaad 10 sano kadib soo marto. Ubo fursado badan ayaa soo maray oo ay ugu danbeysay middiii guurtida Ogaadeenya ee Yurub iyo Maraykanka ay tageen kuwaasoo Ubo ay si xun ula dhaqantay. Dhanka kale maanta Deegaanka waxaa ka jira ciidamo aad u hubeysan oo deegaanku leeyahay kuwaasoo awood badan u leh iney Ubo ugu galaan meel walba.
Dagaal sii socda waxuu keenayaa uun wiilal yaryar oo lagu laayo iyo hooyooyin gablama waxaana haboon in Ubo ay ka fikirto talaabada xigta isla markaana ay ay u istaagaan sidii ay heshiiskan iyo xabad joojinta ugu biiri lahaayeen iyagoo walaaladood garabka saaraya.
Haddii UBO Dhaga Adeygto!
Maamulka Kililka waxaa ka go'an iney soo af jaraan dhaqdhaqaaqa Ubo haddii aan nabad lagu soo dabaalin waxaana arintaas makhraati u ah dagaaladii ugu danbeeyey iyo sida ciidamada Liyuu Boolisku ay meel kasta u tagi karaan iyagoo isticmaalaya awood ciidan iyo mid dhaqaale, aqoon dhuleed iyo Afkooda Soomaaliga ah.
Abuuritaanka Jaaliyada Deegaanka Soomaalida
Waxaa dhakhso bilaabanaya dareen ah abuuritaan jaaliyaadka Soomaali Galbeed ama Soomaalida Ethiopia ee dibadaha kuwaasoo si toos ah ugu xidhmi doona dalkii hooyo. Waxaa dhanka kale bilaaban doona in qurba joogta deegaanka u dhalatey ay si xad dhaaf ah ugu qulqulaan waddankii iyagoo fasax walba caruurtooda iyo naftoodaba geyn doona.
Arintani waxey soo dhaweyn doontaa xidhiidh toos ah oo dhex mara jaaliyaadka iyo dalkii hooyo waxayna halis ku tahay jiritaanka Ubo. Ma jiri doono warar la iska sameeyo oo dibadaha imaan doona dadkuna iyagaa si toos ah warkooda u heli doona Insha Alaah
Talo
Talada ugu danbeysa ee u taalla Ubo waxey tahay haddii aad marar badan ku khaldanteen go'aan siyaasadeed waa inaad hadda ka fikirtaan si dhab waxii aad yeeli lahaydeen ee dadka iyo umaddaba dan u ah isla markaana magaca iyo muunada budhcada u roon. Haddii taladaasi socon weydo, Ubo laftigeeda ayaa kala tashan doonta oo waxaa dhab ah in qaarkood ay go'aansan doonaan iney heshiiskaas wax ka qaataan taasoo keeni doonta saddex garab oo Ubo.