waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click
Gobolka Shiniile (CakaaraNews) Mashaariicdaasi ayaa waxaa maal galiyay Mashruuca Xoolo Dhaqatada ee PCDP.
Mashaariicdan oo kamida mashaaricaha kala duwan ee deegaanka sida dardarta leh uga socda ee lagu horu marinayo Buslsho waynta deegaanka ku dhaqan,hadaba Mashruucan horu marineed ayaa waxaa laga fuliyay Dagmooyinka Errar iyo Shiniile oo katirsan Gobolka Shiniile Mashaariicdaasi ayaa waxaa maal galiyay Mashruuca Xoolo Dhaqatada ee PCDP ayaa waxa ay Mashaariicdabi isugu jiraan Dugsiyo Waxbarasho, Goobo Cafimaad iyo Kanaalo loo sameeyay Dooxoyinka Biyaha leh si ay ugu manfacaad sadaan biyaahaas maraya dooxooyinka isla markaana baahida waxsoosaarka dhanka beeraha dagmooyinkaas wax wayn ka tari doona.
Munaasabadan xadhiga looga jarayay Mashaariicdaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socday Heer Fadaraal iyo Heer Deegaan, Maareeyaha Mashruuca Xoolo Dhaqatada PCDP ee DDS, Mudane C/laahi Maxamad ayaa wuxuu halkaasi ka sheegay Dhismaha Mashaariicdani in ay ku baxday lacag dhan 10Malyuun oo Birr 29 Mashaariic oo laga hir galiyay labadaa Dagmo ayaa waxaa la dhamays tiray 8aad kamida.
Hadaba waxaa looga fadhiyaa Maamulka Dagmooyinkaas in ay udhamays tiraan Qalabkii iyo xirfadlayaasha goobaahas ka hawl gali lahaa.
Ugu danbayntiina maamulka Dagmooyinkaasi waxa ay balan qadeen in ay udhamays tirayaan Qalabkii iyo shaqaalihii sida ugu dhakhsaha badan isla markaasna uga bilaabi lahayeen adeegbixinta labadaasi xarumod.
CakaaraNews
Qabri-Dahar (CakaaraNews) Wararka
naga soo gaadhaya Magaalada Qabri-Dahare ee Gobolka Qoraxeey ayaa
sheegaya in ciidamo ka tirsanaan jiray nabad-diidka ONLF ay maanta wada
hadal ku yimaadeen Gobolka Qoraxeey.
Wararka waxay intaa ku
darayaan in
nin la yidhaahdo Aadan Axmed oo ku magac dheeraa Aadan Boolis oo ka mid
ahaa hogaamiyaasha ururka ONLF ee ka dhaqdhaqaaqa Gobolka Qoraxeey oo
wata ciidan nabad-diid ah oo tiradoodu ka badan tahay 80 xubnood ay wada
hadalka heshiiska awgeeed ku yimaadeen meesha la yidhaahdo Shawli oo ka
tirsan Gobolka Qoraxeey.
Wararku waxay sheegayaan in Aadan Boolis uu la soo galay 15 ka mid ah
ciidamada uu watay, balse intii kale uu kaga yimid degaanada ku xeersan
Shawli, isla markaana uu sugayo amarka uga imanaya dhanka masuuliyiinta
ka saraysa.
Isa soo dhiibista nabad-diidkan ayaa ka danbaysay kadib markii Ururka ONLF ee uu horkacayo Saalaxudiin Cabdiraxmaan Macoow ay wadahadal nabadeed u bilowday iyaga iyo dawlada Itoobiya.
Kulan wada hadal oo 12kii & 13kii bishan June Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ku dhex maray masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dawlada Federaalka ee Itoobiya, Dawlada Degaanka Soomaalida & ururka onlf ayaa ku soo gabagaboobay is af garad, iyadoo lagu heshiiyay dhamaan gogol xaadhka wadahadal nabadeed oo labada dhinac dhex mara.
Sida la wada ogsoon yahay, dawlada Itoobiya ayaa horaantii bishan sheegay in wadahadalo heshiis nabadeed ah uu dhex socdo iyaga & Ururka ONLF. Sida aan ka helnay illo xog ogaal ah oo xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya ay dhawaanan dalka Jarmalka u dirtay Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo ka kooban Wasaarada Gaashaandhiga, Wasaarada Arrimaha Dibada, Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, & Degaanka Soomaalida oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi. Sida dadka badankii ay sheegayaan arrimahan ciidamada isa soo dhiibaya & wadahadalada nabadeed ee dhawaanahan socda ayaa ah ummuur cusub oo ka bilaabantay Degaanka Soomaalida.
Dhinaca kale, wararka haatan ka soo baxaya Ciidamada uu watay Aadan Boolis ayaa sheegaya in Aadan uu markii hore fariimo u soo dirsaday odayaal dhaqameed, kuwaas oo fariimaha ciidanka Aadan Boolis soo gaadhsiiyay Ciidamada ay ka mid yihiin Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ee ku sugan Galadiid ama Qabri Jeeraar ninba sida uu u yaqaan.
Sida wararka ay sheegayaan Hogaamiyaha ciidankaa Aadan Axmed (aadan Boolis) oo wata 15 xubnood oo ciidamadiisa ka tirsan oo ilaalo u ahaa ayaa haatan soo gaadhay Galadiid, iyadoo in ka badan 70 kale oo ciidankiisa ka tirsan ay ku sugayaan meesha la yidhaahdo Shawli.
Waxaa uu Aadan Boolis uu sheegay in uu haatan ka war sugayo Gudoomiyaha ONLF Saalaxudiin Macoow. Waxaa wararku ay intaa ku darayaan in markii uu Aadan Boolis soo gaadhay Galadiid uu taleefanka Satelitka kula xidhiidhay Hogaanka Maamulka cadaalada & nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Mudane Aadan Boolis wuxuu uu Hogaanka nabadgalyada u sheegay in ciidankiisu ay qaateen go'aankii heshiiska wada hadalka oo ay haatan ku soo galeen iyagoo ka anbaqaadaya amar ay ka heleen masuuliyiinta ka saraysa.
Wararku waxay intaa ku darayaan in markii Aadan Boolis iyo ilaaladiisu ay soo gaadheen Galadiid ay taakulo ka heleen Ciidmada Liyuu Booliska. Taliyaha Regimentiga 3aad ee Ciidamada Liyuu Booliska & Aadan Boolis ayaa mar danbe maanta booqday ciidamada kale ee nabad-diidka ku jiray ee ku hadhsan aagga Shawli, waxayna halkaas ugu geeyeen taakulo cunto iyo ah.
Dhinaca kale, Xafiiska Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada oo shir degdeg ah isugu yimid maanta galinkii danbe ayaa bogaaadiyay talaabada uu qaatay AAdan Boolis. Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in shacabka Degaanku ay aad ugu farxayaan talaabada geesinimada leh ee ay qaateen ciidamadaas iska soo dhiibay Qoraxeey. Sidoo kale, in ka badan 600 oo oday oo ku shiray Magaalada Jigjiga ayaa soo dhaweeyay talaabadan uu qaatay Aadan Boolis iyo heshiiska wada hadalka nabadeed ee u dhexeeya ururka ONLF iyo dawlada Itoobiya.
Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in 15 xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka oo ku sugan gobolka Fiiq inay warqad soo dirsadeen, iyagoo la soo xidhiidhay oadayaal dhaqameed una sheegay inay ayidsan yihiin heshiiska wada hadalka ee Ururka ONLF & dawlada Itoobiya dhex socda oo ay ka war sugayaan go'aanka ay kuwa ka sareeya soo gaadhaan.
CakaaraNews
Nus-Dariiq (CakaaraNews) Warar degdeg ah oo naga soo
gaadhay Nus Dariiq ayaa sheegaya in Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran
ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay maanta
agagaarka meesha la yidhaahdo Garoonka oo ku taala Dhulka Ciid ay ku
dileen 22 nabad-diidka ubo ka tirsan.
Wararka oo aan ka helnay xidhiidh toos ah oo aan la yeelanay Shaalaqaha
hogaaminaya Ciidanka Liyuu Booliska ee fadhigiisu yahay Nus Dariiq ayaa
waxay sheegayaan in afarta nolosha lagu qabtay ay bad qabaan oo dhawaan
waraysi lala yeelan doono. Dhinaca kale, shacabka Nus-Dariiq iyo degaanka Ciid ayaa laga soo sheegayaa inay farxad la damaashaadayaan maadaama guushaas ay soo hooyeen ciidanka Liyuu Booliska
Qabri-Dahar (CakaaraNews) Warar aanu ka helnay wariyayaasha shabakada CakaaraNews ee Gobolka Qoraxeey ayaa sheegaya in 60 ka mid ah nabad-diidka UBO ay isku soo dhiibeen ciidamada dawlada ee ku sugan Gobo0lka Qoraxeey.
Wararku waxay intaa ku darayaan in 60 ka mid ah nabad-diidka ubo ee isa soo dhiibay ay iskood isku soo dhiibeen kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada ay shacabka ku hayeen.
Wariyaha CakaaraNews ee Gobolka Qoraxeey oo la kulmay qaar ka mid ah nabad-diidka soo xerooday ayaa noo sheegay in nabad-diidku ay cid u soo dirsadeen dawlada iyagoo hubkooda wata isla markaana ay go'aansadeen inay soo galaan.
Mid ka mid ah nabad-diidka soo xerooday oo hogaaminayay kooxda nabad-diidka ee isa soo dhiibtay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiramaan Muuse (Cabdi Dheere) ayaa wariyahayaga u sheegay in sababta ugu wayn ee uu u soo xerooday inay tahay kadib markii lagu amray inuu dad shacab ah laayo oo isaguna uu qaadan kari waayay.
"Waxaa amar la igi siiyay inaan si dhuumaalaysi ah aan ku tago qabalee, isla markaana aan rasaas ku furo shacabka maalinta Axada ee soo socota codka bixinaya" ayuu yidhi Cabdi Dheere.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Cabdi Dheere sheegay inay qaadan waa ku noqotay inuu dad shacab ah oo masaakiin ah oo aan waxba galabsan uu u laayo xoriyada dimuqraadiga ah ee ay cosobsanayaan awgeed, "Hadii dadku ay wax dooranayaan waa xoriyad dimuqraadi ah, dadka wax dooranaya iyo kuwa la dooranayaba ma aha dad meel kale ka yimid ee dadkii aan la dhalanay ee Degaanka" ayuu Cabdi Dheere yidhi.
Wuxuu Cabdi Dheere sheegay in markii uu go'aansaday inuuna wax xabad ah ku ridin dad shacab ah oo safaf dhaadheer kaga jira qabalee ay ka qaadanayeen kaarsha cod bixinta, uu hadana u noqon wayday inuu ku noqdo nabad-diidkii uu ka tirsanaan jiray oo uu ka baqay inuu shacabka uu ka baaqsaday dilkooda awgeed ay u dilaan.
Si kastaba ha ahaatee, tani waxay muujinaysaa in maanta xataa nabad-diidkii ugu damiirka xumaa ee ubo ay qaarkood gar waaqsadeen in laynta shacabka lagu hayo, iyo ka hor istaagida horumarka iyo xaqa shacabka ay u leeyihiin inay cosobsadaan xuquuqdooda dimuqraadiga ay tahay danno lagu curyaaminayo qawmiyada Degaanka Soomaalida.
CakaaraNews
Jigjiga (CakaaaraNews) Sida la wada ogsoon yahay, waxaa ka soo
wareegtay muddo bil ah xilligii uu bilaaabmay wadahadalka nabada ee u
dhexeeya dawlada Itoobiya & Ururka UWSLF.Hadaba intii ka danbeeysay waxaa degaanka Soomaalida lagu arkay ummuuro badan oo muujinaya muwaafaqada iyo wanaaga ay leedahay nabada iyo wada noolaashaanhaha shacabka. Roobabkii bilaabmay maalintaas ayaa ilaa haata ka daya Degaanka Soomaalida.
Dhamaan Degaanka Soomaalida waxaa laga wada dareemay barwaaqada qayrul caadiga ah ee maanta laga arkayo dhulka oo idil. Waxaa dadka qaarkii ay sheegayaan in barwaaqadan aan dhawaanahan muddadii 30ka sanno ahayd ee u danbaysay aan lagu arkin degaanka Soomaalida.
Wadahadalka Nabada ee u dhexeeya dawlada Itoobiya & Ururka UWSLF wuxuu maanta furay bog cusub oo leh rajo iyo yididiilo san oo laga qabo mustaqbalka Degaanka Soomaalida.
CakaaraNews