waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click
LONDON (CakaaraNews) Talaado March 12,2013:- Waxaa shalay saacadu markay ahayd 5tii Galabnimo ilaa 11:30 Habeenimo shir socday isugu yimid Gudiga Fulinta Jaaliyada DDSI ee Dalka UK,kuwaasoo ka koobnaa 22 xabnood,iyadoona uu shirkani ka dhacay gudaha safaarada DFI ay ku leedahay Boqortooyada Ingiriiska islamarkaana ay goob-oog ka ahaayeen Safiirka DFI u fadhiya UK Dr Burhanu Kabade iyo xubno ka mid ah odayaasha iyo aasasayaasaha jaaliyada.
Shirkan ayaa amaan iyo dhaliilba loogu soo jeediyey hawl-wadeenadii hore u hayay Hogaanka Maamulka Jaaliyada. Waxaa lagu amaanay waxqabadkoodii mudada halka sano ahayd, balse waxaa lagu dhaliilay in ayna wada-shaqayn lahayn islamarkaana ayna qaban kulamo caadi ah oo loogu talagalay in xubnaha jaaliyadu ku doodaan,taasoo gabi ahaanba ka dhigaysa in uu Hogaanku kari waayay Gudi ku shaqaynta Xubnaha(Team-Work) iyo Iskuxidhka.
Gudoomiyihii hore, Jamaal Sh Ibraahim, ayaa soo jeediyey qudbad dheer oo ku saabsan waxqabadkiisi isaga oo dhaliilay xubnihii lala doortay. Xubnaha kala ayaa gudoomiyaha ku dhaliilay in uu go'aamada muhiimka ah kalagii iska qaato,la tashi la'aan iyo Maamulkii jaaliyada oo Tunka lagu wato waa siday yidhaahdeene.
Kadib markii boodhku ama gudiga fulintu dhagaystay labada dhinac waxa la soo jeediyey in loo codeeyo in gudiga hadda jooga la saxo oo loo daayo xilka iyo in gudi cusub la doorto. Xubnaha boodhka ayaa badankoodu isku raaceen in gudi cusub la doorto madaama xilkii guduid hore dhamaaday islamrkaana ayna wada shaqayn lahayn. Boodhaka ayaa u codeeye xubnaha soo socda:
1-Dr Nuur Xuseen -----------------gudoomiye
2-Mustafe Wacays ----------------gudoomiye ku xigeen
3-Maxamada Faarax ----------------xoghaye
4-Amiin Adan ------------------------- qasanaji
5- C/qadir Ismaaciil --------------- xidhiidh dadweynha iyo warbaahinta.
Xubnaha cusub ayaa ka soo kala jeeda gobolada Qoraxay, Sitti, Afdheer, Liibaan iyo Doolo. Boodhka ayaa go'aamiyey in gudida cusub la horkeeno golaha dhaxee ee jaaliyada oo shirweyne loo qaban doono xilii aan wali la go'aamin.
Waxaa kale oo gudidii hore laga codsaday in ay la shaqeeyaan gudida cusub islamrkaana ku wareejiyaan hantida iyo dhukumanatiga jaaliyada. Doorashada shalay ayaa soo afjari doonta tuhun badan oo ay qaban xubnaha jaaliyada qaar ka mid ah oo rumaysna in ay wax khaldan yihiin islamrkaana loo baahan yahay in la saxo.
Jaaliyada DDSI Ingiriiska ayaa ka mid ah kuwa ugu da' weyn islamarkaana ugu firfircoon Dalalka Yurub.
Sport(CakaraChampionsLeague) Talado March 12,2013.Xidiga wadanka Reer-Brazil Robinho ayaa u kulul in caawa ay kooxda Barcelona ku reebaan garoonka Camp Nou kulanka koobka Champions League ah ee ay labada kooxood caawa ku wada ciyaari doonaan garoonka Fc Barcelona(Camp Nou).
Robinho ayaa kula taliyay kooxdiisa AC Milan in aysan xooga saarin dhanka difaaca balse waxa uu sheegay hadii kooxda dooneyso in ay u gudubto caawa sideeda kooxood ee dhamaadka waa in ay weerar ba'an ku qadaan Barcelona si ay gool u hesho una furfurto weerarka Reer spain,isagoona sheegaY in ciyaarta caawa ay noqon doonto mid adag oo faraha lagaga gubto.
“Barcelona waa koox weyn, balse wax kasta waa ay dhici karaan dhanka kubada cagta ,Milan in ay ka badiso kooxda Barcelona wax fudud ma han “sidaas waxa uu Robinho u sheegay Cope.“ma u maleyo in ujeedadeena ay tahay oo kaliya dhanka daafaca. waxaan heysanaa ciyaaryahano wanaagsan waana qasab in ay weerar ku qaadaan kooxda kale. Milan sanadkii hore waxaa qeybtii quarter-final-ka ee Champions League ka soo reebtay Barcelona , hadana waa in aan ka aar-gudanaa oo aan reebnaa ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Robinho.
Dhanka Kale Faqidaada Ciyaaraha oo ay Rivaldo iyo Shevchenko oo kala difaacay kulanka Caawa dhex mari doona kooxaha Fc Barcelona Vs Ac Milan Mar Dood kulul ay ku dhexmartay Telefishanka caalamiga ah ee Canal+.
Telefishinka caanka ah ee Canal Plus (Canal+) oo laga leeyahay dalka Faransiiska balse laama ama Xafiisyo fara badan ku leh Dunida oo idil ayaa waxa uu dood kulul ugu qabtay Studiowga telefishanka xidigihii hore ee kooxaha Fc Barcelona iyo AC Milan Rivaldo Vitor Borba Ferreira iyo Andriy Mykolayovych Shevchenko. Xiddigydan oo mid kasta uu ka hadlay Fikradiisa ku aadan saadaalinta ciyaarta caawa dhex-mari doonta Ac Milan iyo Barcelona ayaa waxa ay si toos ah u kala difaaceen kooxaha Fc Barcelona iyo Ac Milan. Rivaldo wuxuu laf dhabar u ahaa kooxda fc Barcelona intii u dhaxeeysay sanadihii 1997-kii ilaa 2002-da wuxuuna 157-kulan oo uu saftay u dhaliyay 86-Gool. Rivaldo oo sidoo kale kooxda Ac Milan u soo ciyaaray sanadkii 2003-kii ayaa yiri sidatan :
" Waxaa iska cad kooxda Ac Milan in ay kulanka Caawa difaac geli doonto balse Fc Barcelona ayaa darsin goolal ah ku badin doonto oo waliba u soo bixi doonta wareega 8-da kooxood ee koobka Champions League , maxaa yeelay inta Taariikhda la ogyahay xiddigaha Fc Barcelona garoonkooda Camp Nou kuma galaan Difaac mana dhicin taas weli ayuu yiri Weeraryahankii hore ee Qaranka Brasil Rivaldo Vitor Borba Ferreira.
" Weeraryahankii hore ee kooxda Ac Milan iyo Qaranka Dalka Ukraine Andriy Shevchenko oo kooxda Ac Milan u soo saftay intii u dhaxeeysay sanadihii 1999-kii ilaa 2006-da waliba 208-kulan u dhaliyay 127-Gool ayaa u jawaabay Ciyaaryahan Rivaldo oo garab fadhiyay wuxuuna Shevchenko yiri sidatan :
" Fc Barcelona uma adka sidii hore, waxaana kulanka caawa soo baxaysa kooxda Ac Milan oo wadata Laacibiin da´yar waliba ka faaideeysan kara marka ay damcaan Xiddigaha Fc Barcelona in ay iska soo gudaan labadii Gool ee guriga Milan looga soo badiyay waxaana hubaal ah in kooxda Ac Milan kulanka caawa Goolal la´aan aysan ka soo laaban doonin garoonka Camp Nou "
Dooda xiddigahaan oo aheeyd mid la isku mari waayay ayaa waxaa hadana moodaa in mid kasta uu jeclaan lahaa sidii ay u soo bixi lahayd kooxdiisii hore maadaama Laacibiintaan weli laga qadariyo dhanka Taariikhda kooxaha Fc Barcelona iyo Ac Milan oo Caawa isku dhegan koobka Uefa Champions League saacadu marka ay tahay tahay (20.45).
Jigjiga(CakaaraSport)Isniin Feb 25,2013.Tartankan Oo Isugu Jira 10 Ciyaarood Oo Kala Duwan Ayaa Ay Ujeedadiisu Tahay U Diyaargarawga Ciyaaraha Dugsiyada Heer Federal Oo Si Rasmi Ah Uga Furmi Doona Caasimada Dalkeena Itoobiya Ee Magaalada Addis-Ababa Waxaana Kasoo Qaybgalay Ciyaaaryahano Kala Duwan oo ka kala yimid Gobolada , Degmooyinka Iyo 4ta Ismaamul-Magaalo. Tartankani Oo Ka Kooban 10 Ciyaarood iyadoona ay Furitaankii Kasoo Qaybgalay Masuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Xukuumada DDSI Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Komishineerka Komishinka Ciyaaraha DDSI Mudane: Maxamed Bile Xasan Iyo Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane: Xasan C/Lahi Riyaale Ugu Horeyna Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Komishineerka Komishinka Ciyaaraha DDSI Isagoo Cadeeyey In Ay Farxad Weyn U Tahay In La Furo Tartanada Dugsiyada Dalka Itoobiya Qaybna Ay Ka Yihiin dugsiyada Degaanka Somaalidu Waxaa Uuna Kula Dardaarmay Dhalinyarada Ka Qaybqaadanaysa Tartankani In Ay La Yimadaan Anshax Wanaag Islamarkaana Soo Bandhigaan Xirfad Wanaagsan Oo Ay Uga Qaybgali Karaan Xulka Qaranka Ee dalka Itoobiya Ee dhalinta Qaranka .
Dhanka kale Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Waxbarashada DDSI Mudane: Xasan C/Lahi Riyaale Isagoo Sheegay Qiimaha Uu Leeyahay Tartankani Guud Ahaan Dalka Gaar Ahaan Degaanka Waxuuna Wasiirku Ku Booriyey Dhalinta Ciyaarahani Ka Qaybqaadanaysa In Ay Mujiyaan Dadaalbalaadhan Si Loo Gaadho Ujeedada Ay Hiigsanayso Xukuumada Dalkan Itoobiya Oo Ah Midla Rabo In Ay Dhalintu Ay Ka Qaybqaadato Horumarka Iyo Waliba Isbadalka Kala Duwan Ee Dalka Ka Socda.
Waxaa Uuna Wasiirku Kula Dardaarmayka Qaybgalayaasha Tartankani In Soo Bandhigaan Xirfad Wanaagsan Oo U Sahli Karta In Ay Noqdaan Xulka Qaranka Mustaqbalka Dalkeena Itoobiya. Tartani Ayaa Kuso Beegmaya Xili Xulka Qaranka Dalkan Itoobiya Uu Wacdaro Ka Muujiyey Koobkii Ciyaaraha Africa Walow Uu Ku Hadhay Group-1 Waxaana Ay Tani Tahay Mid Loogu Diyaargaroobayo Soo Saritaanka Xul Matala DDSI. Qore By: Ciise Cali
Ra'yiga(CakaaraRa'yiga)Jimce Feb 22,2013.Waxaa marka hore mahad leh rabigeena subxaana watacaalaa,ka dib waxaan doonayaa inaan halkan kaga warramo arrimo kooban oo ku tusaya haddii mas'uulku u yahay daacad dadkiisa,dalkiisa,iyo deriskiisaba in ilaahayna ku garab galo wanaagaas uu sameynayo. Mas'uul ku waa waalid,waalidkana ubadkiisoo goomoon wax ma cuno ee marka hore iyaguu quudiyaa,Ramadaan aan dheereyn ayey aheyd markaan telephonka madaxweynaha soo garaacay goor maqrib ah,waxaa iga qabtay protocol kii waxayna ii sheegeen inuu madaxweynuhu mashquulsan yahay oo uu u qeybinayo afur dadka danyarta ah,markuu dadkaa afuriyo ka dib uu asaguna markaa afuri doono,ka dib ayaa waxaan ogaaday in bisha Ramadan uu maqrib kasta sidaa yeelo(ilaahay ajarkeeda ha siiyo),taasna waxay cadeyneysaa inuu dadkiisa uu masuulka ka yahay uu ka hormarinayo tiisa,intaas aan kaga gudbo naxariista uu u hayo danyarta.
Dhanka nabad-diidka haddaan eegno sidee ula dhaqmay madaxweynuhu ,aan ku hormarno gobolada dariska la ah DDSI (maamul goboleedyada Somaliya)oo iyagu gacan siin jiray nabad-diidka kana shaqeynayey in dhalinta degaanka u dhalatay ay colaad ku jiraan isla markaana aysan helin fursad waxbarasho iyo mid horumar toona,ayuu madaxweynuhu wuxuu ugu badalay xumihii ay sameeynayeen wanaag isagoo ugu deeqay deeqo waxbarasho maamul goboleedyadii iyaga ahaa dhalinyarada u dhalatay,halka ay kuwa DDSI ay iyagu dab ku shidayeen. Dhanka kale hadaan ka eegno dhalinta la qalday ee doonayey inay dhibaatada degaanka ka shaqeeyaan markii la soo qabto ama ay isa soo dhiibaan wuxuu madaxweynuhu u fidiyaa.
cafis ka dibna la dooransiiyaa haddii uu ciidanka ku biirayo iyo haddii kalaba,maantana ciidanka degaanka raga ugu horeeya oo difaaca ku jiraa waa kuwii shalay la qalday,kuwaasoo arkay xaqiiqda ka jirta DDSI,qaarkoodna ay yihiin kuwa loogu kalsoon yahay amaanka madaxda waddanka. Haddaba markaan dib ugu noqdo qoraalkeyga intaba waa arrimo aan biniaadamka looga baran, dhaqanka dadkuna waayadan danbe wuxuu ahaa: -Qofkii masuul ah inuu tiisa daryeelo tan dadkiisana uu iska dhego-tiro.
-Xumaanta in xumaan la isugu badalo -Ninkii kula dagaalama markaad fursad ka hesho inaad ka aargudato Dhamaan sifooyinkaas aan wada garaneyno kuwo ka duwan ayuu ku sifoobay Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar,waana tan uu ilaahay subxaana watacaalaa ugu guuleeyey horumarka iyo nabadda ay cid walba maanta arkeyso ee ka jirta DDSI,taasoo loo baahan yahay in nin kastoo mas'uul ah uu kaga daydo. Guul iyo horumar Abdirashid Jire This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
London(Sport)Khamiis Feb 21,2013.Maamulihii guud ee kooxda Manchester United David Gill ayaa iska dhigi doona Guud ahaanba xilka uu ka hayo kooxda Manchester-nited bisha June 30-keeda ee Sanadkan 2013 ,waana dhacdo lagayabo in ay dhibaato ku noqoto kooxda Man-Utdsida ay shaacisay Jariirada Daily Mail.
55-jirkan David Gill ayaa shaqadan uu u hayo Man-United ka soo bilaabay Heerka agaasimaha maaliyadda,isagoona xilka maamulaha guud ee kooxda Man-Utd qabtay sanadkii 2003-dii,taasoo ina tusaysa in uu Maamulka Kooxda hayay 10 Sano marka loo geeyana xilalkii hore uu uga hayay sii kordhinaysa. Waxa uu Gill intii uu xilkan hayey kooxda Man United ku soo kordhiyay xiddigyo badan oo caan ka ahaa United, sidoo kalena waxa uu heshiisyo la soo galay Shirkado Caalami ah oo waaweyn.
Mar wax laga su'aalay Sababta uu xilkan uga dagayo David Gill ayaa uu sheegay inuu ka cabsi qabo in Sii wadida shaqada kooxda ay ku cuslaato,maadaama xilli dhow loo dooran doono guddoomiye ku xigeenka xiriirka FA-ga Dalka Ingiriiska.
Ninkaan oo ahaa ninkii soo qaatay inta badan ciyaartooyda kooxda joogta xiligaan ayaa la sheegay in ka tagi-taankiisa kooxda United ay u tahay indho la,aan la soo dersi doonta Man-utd iyo Taageerayaasheedaba.
London(CakaraSport)Khamiis Feb 21,2013.Kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka dhisan galbeedka Magaalada London ayaa ku soo biirtay kooxaha dagaalka loolanka ba'an ah ugu jira gool-hayaha kooxda Manchester United ee lagu magacaabo David de Gea.David de Gea oo isagu wacdaro ka dhigay kulanakii koobka horyaalada Yurub ee ay Kooxdiisa Man-United ay gurigeeda 1-1 ku barbaraysay kooxda Real Madrid ee reer spain,islamarkaana habeenba taariikh mudane isagu badbaadiyey kubado badan oo gool loo filan karay oo ruxi lahaa shabaqa man-united ka dib ayaa ay soo shaac baxday in ay bartilmaameed ka dhigteen David de Gea kooxo badan. sidoo kale Kooxda ku raad joogtay waayadanba ninkan shabaqa u ilaaliya kooxda Man-United ee David de Gea ayaa waxaa ka mid ah Kooxda Barcelona oo iyadu waayadanba khaati ka taagan gool-hayeheeda Victor Valdes oo sheegay inuu kooxda ka tagayo.
Sida ay qortay Jariiradda AS kooxda Chelsea oo intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku guul dareysatay inay la soo wareegto gool-hayaha kooxda Birmingham City jack Butland ayaa iminka waxa ay u dhaqaaqday dhanka gool-hayaha kooxda Unitegd ee De Gea.
Isku soo Wada Duuboo waxaa falaadh gilgishay damacii kooxaha mar qudha gilgilay hadal ka soo yeedhay,Goolhaye David de Gea ayaa isagu dhankiisa sheegay inuu la sii joogayo kooxdiisa United.