Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in ay diyaar utahay in ay kooxda Manchester United ay ka iibiso laacibkeeda garabka Angel Di Maria.

Sport(CakaraSport(Arbaco Feb 20,2013.Sida ay qortay jariirada The Mirror tababare Sir Alex Ferguson ayaa go'aansaday xoostana ka xariiqay in uu si kastaba kula soo wareego ciyaaryahanka reer argentine ee u ciyaara kooxda real-madrid Angel Di Maria yahayna laacibkii uu uga baahnaa kooxdiisa Manchester United.

Manchester United ayaa loolan la gali doonta Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain oo iyaduna dooneysa xidigaan ,laakin Madrid ayaa diyaar u ah in ay ka iibiso Laacibkeeda Manchester-United maadaama ay horey uga iibisay Bekcham ,Van Nistelrooy ,Ronaldo iyo xidigo kale. Xidiga Reer Argentine Angel Di Maria ayaa wacdaro ka dhigay kulankii dhex maray Man United iyo Real Madrid taas oo sare u sii qaaday xiisaha ay uqabto kooxda Old Trafford.

Ciyaaryahanka Garabka Bidix ka ciyaara ee reer Argentina ayaa lix gool u dhaliyay Kooxda Real-Madrid sanadkan Gudihiisa ,waxaana uu kooxda cad-cadka ku soo biray sanadkii 2010-kii ,isagoo xiligaa ka yimid kooxda Benfica ee Dalka Germanay.