Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Kooxda PSG oo ka codsatay madaxweynihii hore ee faransiiska Nicolas Sarkozy inuu ka caawiyo saxixa Arsene Wenger

Sport(Cakaara)Sabti Feb 23,2013.Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xoojisay baahida ay u qabto macalinka naadiga Arsenal Arsene Wenger ,kaas oo ay badal uga dhigi doonto hogaamiyaha udhashay Talyaaniga Carlo Ancelotti .

Sida wararku sheegayaan PSG ayaa weydiisay isagoo daawanayay kulan ay ciyaartay kooxdaas madaxweynihii hore ee wadanka France Nicolas Sarkozy in uu ka caawiyo sidii ay ku heli lahaayeen macalkinka 63 jirka ah ee kooxda Arsenal. Jariirada Le Nouvel ee ka soo baxda France ayaa sheegtay in madaxweyne Nicolas Sarkozy uu xiriir saaxibtinimo oo asal ah uu la leeyahay tababaraha Gunners Arsene Wenger.

PSG ayaa aaminsan in Sarkozy uu Wenger ka dhaa-dhicin karo in dib uu ugu soo laabto wadankiisa hooyo hogaankana u qabto kooxda PSG.

Dhanka kale Tababare Arsene Wenger ayaa shalay sheegay in uusan waligiis ku fikirin in uu ka tago kooxda Arsenal uuna ku sugnaan doono waqooyiga London sanado kale una socon France.

Minniapolise oo Jabisay Recordka Taariikhda DDSI iyo UBBO oo Godkeedii Biyo Ugu Galeen(Aduunoow Xaalkaa Ba')

Minniapolise(CakaaraNews)Sabti Jan 12,2013.Aduunoow Xaalkaa Ba'a UBBO oo Godkeedii Biyo ugu galaeen oo ay ku mudaharaadeen Kumaankum Qurbajooga oo ka gadooday Dilkii,Kufsigii,Dhacii iyo Gaboodfalada Waxashnimo ee ay UBBO Dhaxalsiisay Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya kuna Wayraxay Mid ka mida Shaqsiyaadka Saamiyada ugu wayn ku leh UBBO oo Lagu Magacaabo Qaaxo(Mxamed Ismacil). Qaaxo ayaa markii hore Dalka Maraykanka ku yimid Fiiso-Siyaaro balse Damcay in Mawlac ku Yaala Agagaarka annur international restaurant uu kula shiro Tiro yar oo Dad ah Isuguna Jiray Eriteriyan,UBBO,Caruur iyo Waayeel lagu Keenay Mawlaca iyagoo Garbaha la hayo,waxaase Beeniyay Malihii Qaaxo Kumanaan Shacab ah oo Faruurta Qaniinsan oo ay Uur kutaalo ku Beertay Shirkada UBBO oo Solotay Walaalahood iyo Waalidkood Welina u sii hanqal taagaya.

Waa Aduun iyo Xaalkiiye UBBO Mawlacii ay islahaayeen Waad ku dhuuman kartaana waa lagaga daba tegay,taasoo sababtay in Qaaxo oo Xidhan Dirac Hagoogtayna Shalmad oo Laafyihiisana aad Islaan Xaragoon Jirtay Waayo aad moodo uu Talaabada Hoos ka Xaday oo uu Miciinsaday Kaniisad aan ka Fogayn Goobtii Wadhidu ka Raacday ee Mawlaca ahayd. Dhanka kale warka ayaa waxa uu warku intaa ku darayaa in uu mudaharaadkan ay Qurbajoogta Minniapolise iyo Nawaaxigeedu ku soo bartilmaansadeen Mawlac uu Qaaxo damacsanaa in uu wax u eg Muuqaal shir ah ugu Qabto dad Ajanabi ah oo ay ka mid yihiin Eriteriya,Calooshood u shaqaystayaal,Ciyaal aan Qaan-gaadh ahayn iyo Waayeel Asaasacay oo Garbaha la soo Qabtay in ay Qurbajoogta Gadooday ee u Dul Qaadankari wayday Sii jiritaanka in ay maqlaan Magaca UBBO ay Dhigeen Diiwaan ay ku saxiixayaan Dacwad ku oogista Qaaxo,Ina Cumar Dacay,Ina Ruqiyo Dhuubo iyo Saamilayda Shirkada UBBO(Petition).

Isku Soo Wada Duuboo Mudaharaadka ayaa weli socda,una socda si aad u Qiimo badan taasoo soo shaac bixisay Go'aankii Shacabka ee Qarsoonaa taasoo Cashir Lamailaawaan ah u Dhigtay Mala-awaalkii UBBO iyo Damaceedii Waxashnimo. Ha ka Fogaanina Cakaara oo Heegan u ah in ay Natiijada kama Danbaysta ah idiin Soo Tebiso.

Ogaysiis:- Dhamaan Qurba-joogta DDSI ee Miniopolise, SEDYO oo Munaasabad Sagootis ah U Qabanaysa Caawa waftiga xukuumada DDSI.

Minniapolise(CakaaraNews)Khamiis Dec 27,2012.Ururka Dhalinyarada SEDYO ayaa waxaay Ogaysiinayaa dhamaanba qurbajoogta DDSI  ee ku sugan Gobalka minisota iyo nawaaxigeeda gaar ahaan magalada Minniapolise in la qaban doono Caawa munaasabad balaadhan oo lagu sagootin doono waftiga xukuumada DDSI ee waayadanba booqashada ku joogay cariga maraykanka gaar ahaan Minniapolise.


Hadaba waxaa marlabaad la idinku adkaynayaa kasoo qaybgalka munaasabadan sagootiska ah oo lagu qaban doono CAAWA,Adressku waa 417 like view hall Est like street mpls mn 55408.


FG. wixii faah faahin ee dheeraad ah waxaad kala xidhidhi kartaan ciwaankan hoos ku qoran
Afhayeenka Sedyo Shaaleqe Aabi Tell:-6125324626

! Ciid wanaagsan!Hambalyo Ku aadan Xukumada iyo Shacawaynaha DDS !

Stockholm (CakaaraNews) Waxaa caawa munaasabada ciida barakeysan ee ciidul fidriga 2010 ka casho sharaf  u fidisey muwaadiniin badan jaaliyada somalida ethiopia ee skandanevianka ee stockholm halkaas oo dhamaashaad ka ciida barakeysan ay hambalyo iyo salaan diiran uga soo gudbiyaan Madaxwaynahoga DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo shacaba waynaha Deegaanka soomaalida iyo  walaalahoodo dal iyo dibadba ku ciidaya tahliyad iyo hanbalyo hawada umarinyna. 

Anaga oo ku hadelyna Magaca jaaliyada Soomaalida Ethiopia ee Skandenevian ka waxaan Hambaliyo iyo Bogaadinalt ku beegan Ciida Barakeysan ee Ciidul Fitriga 2010 ka u soo gudbneynaa marlabaad Madaxweynaheyna H.E ABDI MOHAMED OMAR iyo walaalahayaga madax iyo shacaba gudo iyo dibad meelkasta ay joogaan waxaanan leenahay ku ciida caafimaad san, noqda kuwa alle ka aqbalo soonkooda sakadooda iyo sadaqadoodaba. Noqda kuwa alle u danbi dhaafo, noqda kuwa nabada, horumar iyo barwaaqo ciida ciideeda kale ku gaadha aamii ! ! 

CakaaranewsStockholmOmaralt

"Dabeecadaha Nabad-diidka Waa Qaylo" Fawsiya Cabdi

Northern Europe (CakaaraNews) Shabakada CakaaraNews oo indha-indhaynaysa tadawurka siyaasadeed ee ay ku jiraan Jaaliyadaha Degaanka u dhashay ee ku nool dalalka Waqooyiga Europe ayaa waxay baadhitaankeeda ku heshay in kooxaha Nabad-diidka ee ku nool dhiiga shacabka ay ku amar-ku-taagleenayaan inay bulshada nabada jecel ugu hanjabaan si ay uga joojiyaan ka qayb-galka shirarka ay la galayaan Wafdiga ka socda DDS.

Maxamed Cali Faarax oo degan magaalada Gotenberg ee dalka Sweden ayaa noo sheegay inuu kharash badan u soo galay oo uu shaqadiisii uga soo fasax qaatay si uu uga qayb-galo shirkan "Waxaan la yaabanahay, dadkan doonaya inaan waxba la ogaanin oo lagu jiro war la'aanta". Maxamed Cali wuxuu si adag u cambaareeyay ururada nabad-diidka siiba waxa uu ugu yeedhay UBO oo uu sheegay inay mindiyo iyo hanjabaad ka dhex wadaan bulshada. "Dadka waxay ugu hanjabayeen waxaanu qalaynaa ama gawracaynaa ilmahaaga", cajab. "Nasiib wanaag anigu ma lihi wax caruur ah, balse hanjabaadooda waxba iga qaadi mayso.

Dhinaca kale, Fawsiya Cabdi Goondheere oo iyadu noo sheegtay inay ka timid magaalada Malmo ee dalka Sweden ayaa sidoo kale cambaarayn iyo canaan kulul u soo jeedisay ururada raba inay bulshada qurbo-joogta ah ka hor-istaagaan ogaanshaha waxa ka socda dolkooda hooyo. "Walaahi ma moodayn mana ogayn in Degaanka Soomaalida uu horumar intan gaadha ka hirgalay" ayay tidhi Fawsiya kadib markay dhamaysatay daawashada Filim Xogeed ka waramayay xaalada Dhaqan-Dhaqaale ee Degaanku ku sugan yahay. Sida ay gabadhani qabto Ururada nabad-diidka waxa ay ku adeegtaan dhalinyaro nolosha ka dhacsan oo qaab-nololeedka Yurub ama reer Galbeedka ka soo bixi waayay oo maqsinada jaadka garaabada ku ruuga kombiyuutarna dul-fadhiya oon ogayn xaalada dhabta ah ee dhulkiisa uu ku sugan yahay. "Waxaan jidhidhicooday kolkaan filimka ka arkay hablaha xijaaban ee ka qalin jabiyay Jigjiga University" ayay tidhi Fawsiya.

Dhamaan shacabka ilaa maanta ka qayb-galay shirarkii goos-gooska ahaa ee wafdiga ka socda DDS uu kula lahaa magaalada Stochkholm ayaa waxay muujinayaan inay fikirkoodii hore ee ay ka qabeen Degaanka Soomaalida uu wax wayn iska badalay. Waxay isku wadfa waafaqsan yihiin in la gaadhay xilligii "begining of the end" ee ururada nabad-diidka. Waxay tusaale u soo qaateen in garoonka maanta ciyaartu ka taagan tahay ay tahay godadkoodii Yurub oo la isla soo dhaafay Huuraale iyo qabalee danbe oo ay ku meerasytaanba.

"Beentu way hadhi Runtuna way socon" ayuu yidhi Mahad Cabdicasiis oo isagu dagan dalka Iceland, balse ka soo qayb-galay shirkan. "Waligay kama fikirin in ONLF ay been intaa le'eg, muddadaas oo dhan ay nagu haysatay. Waxay naga dhaadhicisay xitaa iskuul kama dhisna. Walaahi ilmo ayaa indhahayga ka soo yaacday kolkaan arkay aqoonyahaniinta da'da yar ee sida hagar la'aanta ugu adeegaya shacabkooda". Mahad oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi "Tuugta odayaasha, islaamaha iyo dib-jirka aan waxba baran isagoo Yurub jooga ee drugs iyo irbad ka shaqeeya, muxuu afka ugu taagi, kuwa iyagoo Afrika jooga intay Master Degree iyo PHD karaankkoda ku qaatay u shaqaynaya shacabkooda." "Walaahi waa nabad-diidku waa nolol-diid" ayuu ku soo gabagabeeyay Mahad.

CakaaraNews