waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click
London(CakaaraNews) Axad May 19,2013.Anagoo ah Jaaliyada DDSI,Aqoonyahanka,Waxgaradka iyo Qaybaha Bulshada ee Cariga Ingiriiska waxaan soo dhawaynaynaa Maamulka Dhidibada Loo taagay iyo Doorashada Taariikhiga ah ee Shacabweynaha Jubooyinka iyo Gedo kalsoonida Codkooda ku muujiyeen doorashada Madaxweynha Jubaland State Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Sh,Axmed Madoobe).maamulka Jubbaland State iyo doorashadii loo doortay Mudane Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) madaxwaynaha maamulka.
Waxan ugu hambalyaynaa shacabka reer Jubbaland guusha u soo hoyatay iyo Midnimada Dhaxalgalka ah ee ay ku muujiyeen Codkooda iyo rabitaankooda,Waxan Ilaahay uga baryaynaa Maamulka la doortay in ay noqdaan kuwo ka soo baxa hawshaas wayn ee loo idmaday, shacabkuna ay noqdaan kuwii garab istaaga kana feejignaanada Dibindaabyada iyo Boholaha colaadeed.
Addis-Ababa(cakaaraNews) Axad May 19,2013.Waxaa maalinta berito ah ka furmi doona magaalada addis-ababa Shirkii Golaha Federationka DFI halkaasoo lagaga wada hadli doono Ajandayaal doora oo ay ka mid tahay sidii loo taageeri lahaa Horumarka baaxada wayn ee ka socda DDSI ka hor inta aan la gaadhin 29ka Hidhaar 2006 oo ah Xiliga lagu qaban doono Caasimada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Jigjiga,iyadoona waftiga Xukuumada ee uu hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay Shirka ka akhrin doonaan warbixinta waxqabadka Deegaanka hordhigi doonaana Qorshayaal badan.
maalintii khamiista ahayd uun bay ahayd markii Wafti uu Madaxweynuhu Hogaaminayay ay ka Qaybgaleen Shirkii Dalada Horumarka DFI ee lagaga wada hadlayay badhigantaalida Shirkada Dhismaha Jidadka DDSI loona Ansixiyay Aduun lacageed oo dhan 500 oo Milyan Bir(Shanboqol oo Milyan Eth-Bir)
shirkan ayaa socon doona sida aanu warka ku helnay Muddo dhan labo cisho,anagoona idiin soo tebin doona waxa uu ku soo gabagaboobo shirkan
Nairobi(CakaaraNews) Axad May 19,2013.dawlada Kenya ee ay Deriska Yihiin Jubaland State kana dhaxayso walaalnimada iyo Xidhiidhka Deriswanaaga soo jireenka ah ayaa Aqoonsatay Codka Shacabka Jubooyinka iyo Gedo ay ku doorteen madaxweynaha Jubaland State kuna tilmaamay Go'aan taariikhi ah mudana taageero hiil iyo hooba leh in lala garab istaago maadaama Jubaland ay kaga dhabaysay Road-mapkii Caalamku dib ay ugu yagleelayeen Dawlad Feraal ah oo dib uga soo kabata colaadihii ragaadiyay wada-noolaanshaha shacabkii qaranka soomaaliya,walow arintan laga yaabo in aynan ka degin Shaqsiyaadkii Danaha Gaar ahaaneed iyo siyaasadeedba ka lahaa jubooyinka Balse Jubaland State ayaa heshay Saaxiib ka mida ururgoboleedka Igad.
Afhayeenka Ciidamadda Kenya (KDF)oo lagu magacaabo Cyrus Oguna ayaa u Hambalyeeyay Maamulka Jubbaland-State isagoo guul taariikhi ah ku tilmaamay Maamulka ay Codkooda iyo Rabitaankooda oo midaysan ku dhisteen Dadka Jubooyinka iyo Gedo Madaxweynaha Jubbaland-State una doorteen Sheekh Axmed Madoobe oo halgan ba'an kula jira Suulinta Argagaxisada Alshabaab.
Aqoonsiga Kenya siisay Maamulka Jubbaland-State ayaa niyadda u dhisaya Shacabweynaha deegaanka Jubbaland iyo Gedo iyo Madaxweyne Sayid Axmed Madoobe oo helay taageerada saaxiib qadiimi ah.Dhanka kale Waftigii xaqiiqo raadinta Igad ee uu hogaaminayay Injineer Maxbuub ayaa muujiyay sida ay ugu qanceen Nidaamka Maamul ee ka jira Jubaland,Midnimada Shacabka Jubooyinka iyo Gedo taasoo tilmaan buuxda u ah hindisayaashii Beesha caalamka iyo Igad ay uga gol lahaayeen Dibudhiska Soomaaliya Federaalism ah ayay yidhaahdeen.
Dhanka DFS ayaa ay hore u taageereen Madaxweynaha Puntland State Mudane Faroole,Maamulka Khaatumo State,raysalwasaarihii Hore ee soomaaliya C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Raysalwasaarihii Hore ee Soomaaliya Dr C/wali Gaas.
halkan ka Akhri warsaxaafadeedkii Dawlada Kenya Nuqul ku qoran Afka Ingiriiska:-
Kenya government walks a tightrope in Somalia as Kismayo gets new leader
Somalia’s clan elders have created a new mini-state and elected a Kenyan ally as its leader, a move likely to anger Mogadishu and sour ties between the two neighbouring countries. Kenya Defence Forces (KDF) has reportedly welcomed the development, strongly rejected by the Somalia government.
“The Somali Federal Government regrets the way the people in Jubas and Kismayo are being misled,” read a statement from the office of the Prime Minister Abdi Farah Shirdon. Nairobi and Mogadishu have been at loggerheads over how to manage regions liberated last year by KDF and Amisom. And Igad has been pushing for a local driven administration, which Mogadishu has strongly resisted arguing it has the prerogative to name governors.
Mogadishu has tried to frustrate Igad efforts to set up the pro-Kenya administration of Jubaland that will be headquartered in Kismayo town. Over the last months, the Somalia government has dispatched delegations to Kismayu to discourage local leaders from setting up an administration that could be hostile to its interests. But clan elders convened a meeting in February attended by about 500 representatives drawn from all the clans in Jubaland, selected a new flag, a charter and elected Sheikh Ahmed Mohamed Islam, popularly known as Ahmed Madobe, as president. Mr Abdinasir Serar, the spokesman for the interim committee that ran Kismayo until Wednesday confirmed the meeting and elections took place.
Old hostilities
KDF spokesman Cyrus Oguna hailed the election of Madobe saying: “Having a government out of the efforts of the Somali people, is something that is worth applauding.” “I think it is a good thing because it shows that the political process is eventually bearing fruit and it is a process that has been spear-headed by delegates drawn from various clans in Jubbaland. It was actually a Somali-led process,” Col Oguna told The Standard on Sunday in an interview on Thursday. Efforts to reach Jubaland President were futile but Serar said he was busy conducting affairs of the new state.
In an interview with the BBC Somali Service, however, Madobe said he garnered 485 votes out of the 500 votes cast. He warned Mogadishu not to interfere with Jubaland saying: “If any problem takes place in the city, the government will be held responsible for it.
” Moments after Madobe was elected president, Mr Barre Aden Shire, popularly known as Barre HIiraale, declared he was president, duly elected by residents. It is believed Hiiraale is a Mogadishu project to scuttle Jubaland. And that was clear from Shirdon’s statement: “The Somali government can’t recognise two presidents for Jubaland.
” The emotive Kismayo issue has pitted inhabitants of Gedo, lower Juba and middle Juba regions against President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of stirring up old hostilities among clans to get a foothold for his Hawiye clan in the regions. Kenya and Ethiopia, which have been supporting Somalia’s government in determining the political and administrative arrangements for the liberated areas, are caught up in conflict between Somali clans.
Sources said Somalia government wrote a protest letter last year to the UN to complain about Kenya’s move to help establish Jubaland state. Jubaland administration is likely to rival Mogadishu’s authority in three southern regions predominantly inhabited by the Darod clan. Eight of the 15 districts of the regions are now under the control of the allied forces.
Took control
However, Kenya and Somali continue to exhibit good neighborliness. Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud attended President Uhuru Kenyatta’s inauguration, and days later met him in Mombasa. President Mohamud told The Standard on Sunday last year that his country’s ties with Kenya are “very, very good” and expects this to improve in future. Nevertheless, it is clear that Mohamud is paying a lot of interest to the Kismayo issue. Immediately after his return from a trip to Nairobi and Kampala, Uganda last December, he led a delegation to Kismayo to meet locals.
Both sides – the interim administration in Kismayo led by Madobe, and the government side led by the Interior Minister Abdikarim Hussein Guled – said at the time that they would take locals’ views into account– but that was the beginning of many bitter talks. Historically, Kismayo has been a flashpoint city since the collapse of the country’s government more than two decades ago. In the early 1990s, Hawiye led militias took control of the city, and many businessmen seized farms and land in lower Juba and middle Juba regions after their owners fled from the fighting.
Hawiye charcoal traders from central regions and other parts of the country have also moved to the regions, to set up small villages. One Somali Member of Parliament from lower Jubba region told The Standard on Sunday that President Mohamud asked him during a meeting:
“What will we do with the people who moved to the region because the original owners are no longer there?” There are many interpretations of Mogadishu’s reluctance to let Kismayo residents have their own administration as provided by the Constitution. Many locals believe that the Mogadishu can’t afford to lose three of the most resourceful regions in the country to the Darod clan.
They argue that if Kismayo port becomes fully functional, it can overtake Mogadishu, because of revenue from cargo that traditionally went to Mogadishu. Also, proximity to north-eastern part of Kenya is very strategic to Jubaland administration.
Seattle(cakaaraNews) Sabti May 18,2013.waxaa email ay ugu hambalyaynayeen Shacabka Jubooyinka iyo Gedo Doorashada Madaxweynaha Jubaland Statee iyo Madaxweyne Kuxigeenka hogaaminta Jaaliyada DDSI ee ku dhaqan Dalka USA gaar ahaan Seattle .
jaaliyada ayaa ugu hambalyaysay Rabitaanka iyo Midnimada shacabweynaha Jubooyinka iyo Gedo ay ku doorteen Madaxweynaha Jubaland State Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Sh Axmada Madoobe) iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland State General Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag.
Xafiiska Jaaliyada DSI ee Seattle Seattle, WA USA.
Birqod(CakaaraNews) Sabti May 18,2013. Masuuliyiin iskugu jirday kuwa gobolka jerar iyo degmada birqod ayaa waxaa hogaaminayay Masuuliyiintaasi hogaanka n/galyada maamulka iyo cadaalada gobolka jerar mudane bacluul maxamud yuusuf iyo ku simaha maamulka degmada mudane c/risaaq maxamed kuwaasoo kormeer shaqo ku soo kala bixiyeen dhamaan mashaariicaha horumarineed ee laga kala wado tuulooyinka hoos yimaada degmada birqod waxayna mauuliyiintaasi u kuur galeen dhamaan mashaariicahaasi horumarineed habka ay u socdaan sida mashaariicaha qoditaanka baraaga,dhamaystirka ,guriga martida iyo guud ahaanba mashaariicaha horumarideed ee sanad 2005ta laga fuliyay degmadaasi birqod.
Hadaba masuuliyiintu waxay ugu horayntii booqdeen mashaariicaha la soo gababadeeyay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen guriga martida ee degmada birqod xafiiska maamul xafiiska maaliyada xafiiska maxkamada iyo waliba xafiiska booliska kuwaasi oo dhamaantood la soo gabababeeyay. Waxaana ugu horayntii ka hadlay mashaariicahaasi hogaanka n/galyada maamulka iyo cadaalada ee gobolka jerar mudane bacluul maxamed yuusuf oo u sheegay saxaadada deegaanka in mashaariicahaasi dhamaantood la soo gabagabeeyay dhinaca dhismayaasha halka dhinaca biyo ururinta 95% la soo gabagabeeyay. Dhanka kale ku simaha gudoomiyaha degmada birqod mudane c/raaq maxamed ayaa sheegay in wakhti kooban lagu soo gabagabayndoono dhamaystirka qorsha biyo ururinta ee laga fulinayo tuulooyinka hoos yimaada degmada birqod ee gobolka jerar.
Ugu danbaynti qaybaha bulshada ku dhaqan tuulada baka ayaa waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin hadsami u socodka hawlaha shaqo ee berkadaha islamarkaasina ay si baadhan uga faa-iidaysan doonaa Hadba degmadaasi birqod ayaa waxay ka mid ahayd 16 kii degmo ee dhawaan lagu soo biiriyay degmooyinka DDSI
Kismaayo(CakaaraNews) Sabti May 18,2013.waxaynu wada ogsoonayn in uu Sheekh shakuul ka mid ahaa Musharixiintii u tartamaysay jagada madaxtinimada jubaland State kana mid ahaa kuwa ugu kurkur roonaa musharixiinta Madaxweynenimada Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,isagoona ololihiisa ugu deeqay Dadka danyarta ah iyo bukaanka ku dhaqan isbitaalada iyo magaalada kismaayo siiyayna Dawooyin iyo Lacag. hadaba Sheekh Shakuul ayaa qiray in doorashadii Tartanka madaxweynaha jybaland state uu ku guulaystay Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Sheekh Axmed Madoobe) yidhina waxay u dhacday Fartaaga Doorashadu si xor ah oo cadaaladeed Guud ahaana ergooyinkii waxay kalsoonida codkooda iyo rabitaankooda hogaamineedba ugu doorteen Sheekh Axmed Madoobe waana mid aan la xaqiri karin Rabitaanka Mawjadihii Ergooyinka ay ku doorteen Sheekh Axmed Islaan taasoo igu dhalisay shucuur aan ku xaqiiqsado Midnimada,isjacaylka iyo walaalnimada shacabka jubooyinka iyo gedo ayuu yidhi sheekh shakuul.
Sheekh Shakuul ayaa u Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee JLS uguna baaqay Dadka ka soo jeeda jubnooyinka iyo gedo in aanaan dhalaan ka cabsiiska hoosiis la moodin kana fogaadaan colaad ahli ah oo dhex marta beelaha isjecel ee iskuduubnidooda xaqooda ku raadsanaya.