Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Socdaalkii Ilays iyo Iftiin ee Madaxweynaha DDSI oo oo Galay Maalintiisii 3aad iyo Barmiil,dhuxun iyo Xamaro.

Nogob(cakaaraNews) Arbaco July 10,2013.Madaxweynah DDSI iyo waftigii wehelinayay ayaa Socdaalkoodii Ilays iyo Iftiin ee Ugu horayn xadhiga kaga jareen Mashruuca Quwada Korontada 24ka Saac ee magaalada Fiiq u sii ambaqaaday Degmooyin badan oo ay ka mid ahaayeen Xamaro,Dhuxun iyo barmiil halkaasoo ay Guud ahaanba Qaybaha Shacabku ay si diiran ugu soo dhawaynayeen Caleemo qoyana ay kaga hor imanayeen masaafo ka baxsan ilaa 5km waftiga.

madaxweynaha DDSI ayaa u kuurgalayay baahida Nololeed ee ka jirta Deegaanadaas uu booqday isagoo ugu horayn waydiinayay ka sakow daraasaadka ay ku samaynayeen Meelaha Baahiyuhu ka jiraan Qaybaha Shacabka waydiinayay meelaha muhiimka ah ee ay shacabku baahida u qabaan Sida Biyaha,caafimaadka,Waxbarashada,wadooyinka iyo Buundooyinka oo Dhibaato ka jirtay Deegaanada oo ay xukuumada DDSI sanadkii tegay ka higalisay Dhismayaasha Buundooyinka Geel-doox,Salaxaad,Mayu iyo lagahida kuwaasoo waxwayn ka tari doona isugooshida Shacabka la cadilnaan jiray wareega dheer ee ay magaalada Fiiq oo xarun u ah Gobolka Nogob u soo mari jireen,iyadoona madaxweynuhu u balanqaadyo u sameeyay Shacabka ku saabsan baahidooda in ay Xukuumadu wax ka qaban doonto kuna darsanayso Qorshayaasheeda.

Waftiga madaxweynaha ayaa laga yaabaa in uu Socdaalkiisa ku xiga ku tagi doono Degmada Raaso ee Gobolka Afdheer iyo qaybo kale oo ka mida Deegaanadaas Sida meelaha wabigu maro.

Wixii ka soo kordha Dib ayaanu idiinkala soo socodsiin doonaa

Xafiiska Gaadiidka,Ganacsiga iyo warshadaha DDSI iyo Maamulka Magaalada Jigjiga Oo Kaashanaya Shirkada Raashinka Alla-Aamin Oo Qiime Dhis Ugu Sameeyay raashinka dadka Danyarta Ah fadliga Bisha Ramadaan Awgeed.

Jigjiga(CakaraNews)Arbaco July 10,2013.Xukuumada DDSI Oo Dadaal Ugu Jirta Ka Jawaabida Baahida Bulshada Ku Dhaqan Degaanka Somalida Itooobiya Ayaa Maamulka Magaalada Jigjiga Iyo Xafiiska Gadiidka Iyo Ganacsiga Ee DDSI Oo Kaashanaya Iskaashada Al-Amiin Ayaa Qiimo Dhimis Dhanka Meciishada Ama Raashinka La Quuto Ah U Sameeyey Shacabka Danyarta Ah Ee kU Dhaqan 10ka xafadood ee Magaalada Jigjiga Fadliga Bisha Barakeysan Ee Ramadan Awgeed.Rashinkaas Oo Isugu Sonkor, Bariis , Pasto Iyo Salid Lagaadhsiiyey 10ka Xafadood Ee Magalada Jigjiga Si Bulshada Danyarta Ahi Ay Uga Faideysato Qiimo Dhimista Bisha Ramadan si ay ugu helaan Qiimo jaban.

Mayorka Maamulka Magalada Jijiga Mudane: Suldan Maxamed xasan Ayaa Ugu Baaqay Bulshada Danyarta Ah eek u dhaqan magalada jigjiga Inay Ka Faiideystaan Qiimo Dhimista Loogu Sameeye raashinka Bisha Ramadan Awgeed.

Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Ka Hadlay Qiimo Dhimistan Agaasinka Nidaamka Fidinta Ganacsiga Ee Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka Ee DDSI Mudane: Maxamed Mataan Siciid Isagoo Sheegay In Ganacsatdu Ay Ku Diirsadeen Cashuur Dhaafa Ay Xukuumadu U Sameysay Sida Darteedna Ay iskaashatada Al-Amiin Qiimo Dhimis Ugu Sameysay Bulshada Magaalada Jigjiga.

Waxa Kaloo Isna Dhankiisa Ka Hadlay Gudoomiyaha Iskaashatada Al-Amiin Mudane: Cali C/Raxmaan c/laahi Oo Isagu Gacan Wayn Ka Geystay Sidii Loo Sameyn Lahaa Qiimo Dhimistan Isagoo Intaasi Ku Daray In Ay Uga Iibiinayaan Bulshada Danyarta ah qiimo jaban iyo Kilo-Kilo.

Hadaba Bulshada Ku Dhaqan 10ka xafadood magalada jigjiga Ee Ka Faideystay Ayaa Aad U Soo Dhaweeyey Raashinkan Qiimo Dhimista Loogu Sameeyey Iyagoona Uga Mahadnaqay Xukuumada DDSI Iyo Iskaashatada Al-Amiin.

Qurbajoogta Waqooyiga America ee Ka Soo Jeeda Gobolka Nogob oo BAAQ,HANBALYO IYO BOOGAADIN U Soo Diray Socdaalka Loogu Magac daray ILAYS IYO IFTIN EE Maxweynuhu Ku Tegay Gobolka Nogob.

W-America(CakaaraNews)Arbaco July 10,23.Waxaa email noo soo diray Qurbajoogta ka soo jeeda jaaliyada ka soo jeeda Gobolka Nogob ee Ku Dhaqan waqooyiga ameerika kuna saabsanaa hambalyo bogaadin ay u soo dirayaan socdaalkii madaxweynaha DDSI uu ku tagay gobolada Nogob ee loogu magac daray Ilays iyo Iftiin sida ku qornayd waa sidan hoos ku qoran.

Qurbajoogta Nogob ee Waqooyiga America:-Waxaa hubaal ah in aan la iska indho tiri Karin Hormarka, Nabad-galyada iyo Isbadalka dhaqaale ee ka hana qaaday DDSI, kaas oo ku socda Xawli.Hadaba Anaga oo aha qurabajoogta qaybaheeda kale duwan Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqonyahanka, Ururuda Haweenka, Dhalinyarada iyo Bulshada Qeybaheeda kale ee ka soo jeeda gobolka Nogbeed ee Waqooyiga America, waxaan amaan iyo boogadin u diraynaa Dawald Degaanka Somalida Itobiya(DDSI) ee u Hogaamiyo madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar,

Dadaalka hormarneed ee ay ka wado xukmadu dhamaan deeganka gaar’ahaan gobolka nogbeed. Anaga oo ka faidaysanay munaasabada socdaalka Ilays iyo Iftiin ee xadhiga looga jarary laydhka 24ka saac ee magaalad Fiiq iyo branchiga cusub ee Jamacada Jigjiga University ee laga furay Fiiq. Waxaan leenahay, hambaliyo ilaahayna waxaan ka baryaynaa in dadkeenu noqdaan kuwii arka waxtarka ay dawladoodu u wado oo ay ka faidaystaan fursadan qaliga ah iyo adeegan cusub. wado oo ay ka faidaystaan fursadan qaliga ah iyo adeegan cusub.

BOGAADIN:

1.Waxaanu halkan Bogaadin iyo hambalyo uga diraynaa Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamud Cumer hawlaha iyo qorshayaasha Hormarineed ee u ka hirgaliyay DDSI, Gaar ahaana Gobalka Noggob, waxaana leenahay Illaahay hakula garab galo.2.Sidoo kale waxaan Bogaadinaynaa Dhamaan Bulsho waynta Jaceyl Nabad, Hormarka iyo xasiloonida ka hanaqaaday DDSI.

3.Ugdanbaynti, waxaan boogadin udiraynaa dhamaan madax-dhaqameeydyada, waxgaradka iyo bulshoweynta gobalka Nogobeed ee ku hawlan kashaqaynta nabadgaliyad iyo hurmarka gobolka-Nogbeed.

4-Xiddig Oo Bayern Ah, Messi & Ronaldo Oo Hogaaminaya Musharaxiinta Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Qaarada Yurub.

(CakaaraSport) Arbaco July 10,2013.Kooxda hanatay Champions League ee Bayern Munich ayaa afar musharax ku leh abaalmarinta xiddiga ugu fiican sannadka ee Yurub ee Uefa Best Player, laakiin kooxda hanatay Europa League ee Chelsea waxba kuma lahan.

Waxaa Bayern Munich 10ka musharax ee abaalmarinta xiddiga sannadka Yurub ugu jira Thomas Mueller, Franck Ribery, Arjen Robben iyo Schweinsteiger, halka kooxda laga qaaday Champions League ee Dortmund uu ugu jiro musharaxiinta Robert Lewandowski. Sida la filayay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa qeyb ka ah mushaharxiinta laacibka sannadka qaarada Yurub, halka ay sidoo kale ku jiraan xiddiga Tottenham Gareth Bale iyo kan Manchester United Robin van Persie. 10ka musharax waxa ay noqon doonaan kaliya seddex marka cod labaad la qabto iyadoo qofka ku guuleysta abaalmarintan lagu dhawaaqi doono 29ka bisha August marka la qabanayo isku aadka wareega group-yada Champions League ee ka dhici doona Monaco. Abaalmarintan waxaa la bilaabay 2011 ka dib markii abaalmarintii Yurub ee Ballon d’Or iyo tii adduunka ee FIFA World Player of the Year ay midoobeen oo ay noqdeen FIFA Ballon d’Or.

Waxaana sannadkii ugu horeysay ee 2011 ku guuleystay Lionel Messi, iyadoo sannadkii hore uu qaaday Andres Iniesta. Musharaxiinta abaalmarinta UEFA Best Player in Europe: Gareth Bale (WAL) – Tottenham Hotspur Cristiano Ronaldo (POR) – Real Madrid Zlatan Ibrahimovic (SWE) – Paris Saint-Germain Robert Lewandowski (POL) – Borussia Dortmund Lionel Messi (ARG) – Barcelona Thomas Mueller (GER) – Bayern Munich Franck Ribery (FRA) – Bayern Munich Arjen Robben (NED) – Bayern Munich Bastian Schweinsteiger (GER) – Bayern Munich Robin van Persie (NED) – Manchester United

Ogaysiis:Maamulka Websiteka Nogob oo Macaamiishiisa Ogaysiinaya in Websiteka Ay farsamo Ku Socoto Kuna Soo Noqon Doono Hawada Maalmahan.

Uk(CakaaraNews) Talaado July 08,2013.Maamulka Websiteka Nogobnews Ayaa U Sheegaya Macaamiishiisa ay ku wada xidhiidhaan hawada in Maalmahan ay Farsamo la xidhiidha Dhinaca Dibuhabaynta Websiteka ay ku socoto balse uu sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo noqon doono Hawada Halkaas oo aad kala socon doontaan Macluumaadkii iyo Akhbaartii aad horay uga barateen.

hadaba waa in ay sidaas ula socdaan Dadkii ku taxnaa daalacashada Akhbaaraha kala duduwan ee uu Nogobnews idiin soo tebin jiray isagoona Dib ugu soo noqon doona hawada maalmahan.

Madaxweynaha DDSI oo Ku Guda Jira Socdaalkiisii Ilays iyo Iftiin Ayaa Guud ahaan Muslimiinta Dunida iyo Muslimiinta Itoobiya ugu Bishaareeyay Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Nogob(CakaaraNews) Talaado July 09,2013.Madaxweynaha DDSI MUdane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku sii Guda Jia Socdaalkii Ilays iyo Iftiin ee uu Ku Tegay Gobolka Nogob ayaa u soo hambalyeeyay Guud Ahaan Muslimiinta Dunida,Itoobiya Gaar ahaana Soomaalida itoobiya Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Maalinta Berito ah Dunida ilaamka ah laga wada soomi doono.

Madaxweynaha ayaa Ilaahay uga Baryay Muslimiinta in uu ilaahay ka dhigo kwii ka faaiidaysta fadliga iyo barakada ay bishani leedahay kana hela denbi dhaaf,islamarkaaana is naxariista oo ka taagta daran afuriya gargaarna gacanta uga fidiya masaakiinta dhaqaalahoodu liito.

Madaxweynaha ayaa Shacabka soomaalida IToobiya kula dardaarmay in ay Soomaan alena ka cabsadaan si danbidhaaf iyo Ale ka cabsi uga helaan,islamarkaana kula dardaarmay Shacabka soomaalida in ay Isgargaaraan,Sadaqada la baxaan lana taakuleeyo masaakiinta ilaahayna ka baryay in bishan bisheeda ilaahay ku gaadhsiiyo Barwaaqo,CimriSuuban,Alle ka Cabsi leh,Nabadgelyo iyo Horumar waara inagu wada gaadhsiiyo aamiin,aamiin,aamiin.

More Articles...

  1. Qalinjabinta Dufcadii 10aad ee Kuiyada Beeraha Godey oo Ay ka qalinjabiyeen Arday Dhan 209 Arday.
  2. David Villa oo Mustaqbalkiisa Mugdi La Galiyay.
  3. Geeri Arooskeed Aas Heer Qaran oo Maanta Lagu Xabaalay Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse Magaalada Qardho.
  4. Wafti balaadhan oo uu Madaxweynuhuhu Hogaaminayo iyo Madaxweynaha oo Xadhiga Ka jaray laydhka 24ka Saac ee magaalada Fiiq Looguna Magac daray Socdaalka Ilays iyo Iftiin..
  5. Maydkii Marxum Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Diyaaradii Waday Ay Soo Cagadhigatay Magaalada Qardho iyo Maanta oo AAs Qaran Loogu AAsi Doono.
  6. Xaflada Xidhitaanka Dugsiyada Degmada Baabili ee Gobolka Faafan oo Abaalgud Lagu Gudoonsiiyay Ardaydii Kaalimaha Hore Gashay.
  7. Deegaanka Soomalida oo u Noqday hormuud waxqabadka qurbajoogta ee itoobiya
  8. Man-City Oo u Hanqaltaagaysa Ciyaaryahan Pepe
  9. Kuliyada caafimaadka ee jigjiga oo ay galabta ka qalin jabiyeen in ka badan 759 arday Kana Soo Qaybgaleen Madaxweynaha DDSI iyo Wasiiro
  10. Shirwaynihii horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban ee gunaanadka gababagaynta UBBO oo maanta la soo gabababeeyay.
  11. Safarkaygii Jigjiga : Degaan Nabad ah, Hogaan daacad ah iyo Dadweyne Isku-Duuban waa Mid ku Dayasho mudan!
  12. Ila Qosol:- Sheeko Dhab ah oo Dhex Martay Aabo Aan Waligiis Shaqaysan iyo Gabadh uu Dhalay..
  13. Ninba Waa Markiisee Mus Ma Kula Koray Serena oo Looga Dacareeyay Koobka Horyaalka Tenniska ee Wimbledon.
  14. Munaasabada Qalinjabinta Ardayda Jaamacadaha Dalka ee Puntland ee Deeqda Waxbarasho Ka Helay DDSI oo Ku Qalinjabin Doonaan Hoolka Shirarka SMCX Jimcaha Galinka Danbe.
  15. Shirwaynihii Horumarka N/galyada,maamulka suuban ee Gunaanadka iyo Gabagabaynta Hagardaamadii UBBO oo Galay maalintii 2aad.
  16. Dawlada Ingiriiska(UK) oo Gabi Ahaanba Ka Mamnuucday Dalkeeda Isticmaalka Qaadka iyo Mirqaanka Soomaalida Ku Nool.
  17. Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta DDSI oo Aqoon-iswaydaarsi Ku Saabsan Dulsaarnimada(Rent Seeker) Ku Qabtay Godey.
  18. Waxaa Xaflada Xidhitaanka Sanad-Dugsiyeedkii Dugsiga waxbarashada iyo Hoyga Caruurta Ay waalid Tireen Nabad-diidku Lagu Qabtay Hoolka
  19. Shirwaynaha Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Gunaanadka iyo Gebagebada hagardaamadii UBB oo Maanta Ka Furmay Hoolka Shirarka ee SMCX.
  20. Waftigii Xukuumada DDSI ee Ka Qaybgalayay Aaska Qaran ee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo uu Maanta Ku Qaabilay Madaxweyne Ku xigeenka Dawlada Puntland Madaxtooyada Booqdayna Wasaarada Waxbarashada.
  21. Waxaa Ka Qalinjabiyay Dugsiga Fidinta Caafimaadka Reer-guuraaga Dh/buur Dufcadii 3aad ee Shaqaalaha Fidinta Caafimaadka Reer-guuraaga xaflada Qalinjabintoodana Lagu Qabtay Magaalada Dh/buur.
  22. Waftigii DDSI ka Tagay ee Ka Qaybgalayay Aaska Qaran ee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Dawlada Puntland ee Garoowe.
  23. Ururka Jaaliyada DDSI ee Melbourne oo GalDacwadeed Ku Furay Hadhaagii UBBadii La Gunaanaday iyo Mid Ka Mida Idaacadaha Galbedka Melboure ee Afka Soomaaliga Ku hadasha oo Waraysi.
  24. Brazil oo Hanatay Koobkii Confederetion-Cupka Kuna Durdurisay Xulka Dalka Spain.
  25. Kuliyada Caafimaadka Horn International College oo Ay Ka Qalinjabiyeen Maanta Arday Tiradoodu Dhan Tahay 146.
  26. Qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan ay ku taageerayaan dowlada degaanka soomaalida Itoobiya kagana Soo Laabteen Aragtidii UBBO waxa ay ku qabteen xarooyiinka Qaxootiga Dhadhaab iyo Xagar Dheere.
  27. Agaasimaha Isitaalka Magaalada Hargeele ee Gobolka Afdheer oo Ka War Bixiyay Habsami u Fulinta Adeegyada Caafimaadka ee La Siiyo Bukaanka Degmada Hargeele iyo Guud ahaan Gobolkaba.
  28. Rooney Ma Sii Ahaan Doono Ciyaaryahan Magac Wayn Hadii uu Ka Tago Man United(Gary Neville).
  29. Brazil Oo u Gudubtay Final Kadib Markii Dirqi Kaga Badiyeen Kooxda Dalka Uruguay
  30. Munaasabad aad U Balaadhan oo Ka Dhacday Jaamacada Jigjiga ayaa ay Ku Qalin Jabiyeen Maanta Arday Dhan 1600.
  31. Waxaa Maalinta Isniinta Ah Ka Furmi Doona Magaalada Jigjiga Shirwayne Loogu Magac Daray Gunaanadkii UBBO iyo Gabagabadii Hagardaamadii UBBO.
  32. Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Tababarada,Xirfadaha iyo Farsamada DDSIoo Ka qayb-gali Doona Aaska qaran ee Boqor C/laahi Boqor Muuse.
  33. Mashruuca Biyogalinta Magaalada Jigjiga oo ay Ka Wadaan Shirkad Dalka Shiinaha Laga Leeyahay.
  34. Xafiiska Waxbarashada DDSI oo Imtixanka Xaqiijinta tayada Aqoonta Macalimiinta Ka qaaday Macalimiin Dhan 380 oo loo Tababaray Nidaamka Baranimo Kuna Xaraysan Kuliyada tababarada Macalimiinta DDSI(Dr C.majiid).
  35. Mashruuca Waraabka Galbeedka Goday oo Dayactirkiisu Gebo-Gebo Marayo
  36. Spain oo Nasiibka u hiiliyay iyo Shakira oo baajisay Bandhig Faneed ay qaban-laheyd si ay u daawato Ciyaarta Italy iyo Spain .
  37. Ogaysii:- Ururka Dhalinyarada SEDYO Laanta Sweden oo Hawada Soo Galisay Website ay Umada Kula Socodsiiyaan Baraarujinta Hawlaha Horumarka,N/galyda,Maamulka suuban iyo Doorka Maalgashiga.
  38. Ogaysiis: Hay'ada OXFAM oo Soo Dhajisay Tartan Qandaraas (Invitation To Tender For the Construction of Urine Diversion Dry Toilet)
  39. Maamulka Magaalada Dh/buur iyo Ganacsatada Ku nool Magaalada Dhagaxbuur ayaa Ka Wada Mgaalada Maalgashi iyo Dhismayaal Kor u Soo Qaaday Bilicda Magaalada.
  40. Munaasabad Casho-Sharaf Ah oo Ay Wakaalada Qurbajoogta DDSI ugu Sameeyeen Hotel Hilton Qaar ka Mida Qurbajoogta DDSI.
  41. Kuxigeenka Xafiiska Hawlaha Guud iyo Horumarinta Magaalooyinka DDSI oo Sheegay in Ay Meel Fiican Marayaan Hawlaha Diyaargarawga Xuska 8aad ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI ee Lagu Qaban Doono Magaalada Jigjiga.
  42. Mo-Farah Oo Arsenal U Saftay Kulan Ciyaareed Iyo Wacdaro Uu Dhigay
  43. Xafiiska kahortaga iyo xakamaynta Cudurka HIV/AIDS oo Tababar u Qabtay Hawlwadeenada 4 Isbitaal iyo 6 Xarun Caafimaad.
  44. Wakaalada Dakhliga oo Tababar u Qabatay Canshuur-bixiyayaasha Idman Ama Ganacsatada Magaalada Jigjiga.
  45. Odoyaal-Dhaqameedka iyo Qaybaha Bulshada ee Beesha maalin-Guur ooShir Balaadhan Ku Yeeshay Nairobi Kuna Baaqay In Tiir Adag Loo Noqdo Ka Qayb qaadashada Horumarka iyo N/galyada Ka Tabogaly DDDI lagana Feejignaado 4ta Beenquute ee kaliya Ka
  46. Tababar Ku Saabsanaa Maamulka Qorshaha Qoyska oo uu Xafiiska Caafimaadka Gobolka Shabeele u Qabtay Qaab-dhismeedyada Dawlada.
  47. Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisa oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii uu Ka Geeriyooday Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse.
  48. TACSI:Dhamaan Garaadka Guud,Ugaasyada,Suldaanada,wabarada iyo Guurtida Odoyaal-Dhaqameedka DDSI oo Tacsi u Diraya Qoyskii yo Ehelkuu uu Ka Geeriyooday Marxuum Boqor C/laai Boqor Muuse.
  49. Bangiga Nib-International Bank oo Laan Cusub Ka Furtay Magaalada Awbare ee Gobolka Faafan.
  50. Madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Xaf,Horumarinta,Magaloyinka,Dhism iyo warshadaha oo Xadhiga Ka jaray Warshad Nooca Daqiiqda oo Ay ku Bahoobeen Dhismaheeda Maalqabeeno Ka Soo Jeeda Gobolka Sitti.
  51. Dufcadii 3aad oo Ay Maanta Ka Qalinjabiyeen Kuliyada Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay ee Nur International College.
  52. Madaxda Booliska,W/ganacsiga iyo Taraafikada 4ta Deegaanada Bariga Itoobiya iyo Ismaamulka Diredawa oo markii 2aad ka Shiray Xakamaynta Shilalka Baabuurta iyo Busaska Guura Habeenkii.
  53. Dawlada Federaalka oo Xuk-DDSI ku Amaantay Taabogalinta Isbedelada Xawliga Horumarineed iyo Shirka Gudiga Fulinta Meles Foundation oo Ka Dhacaya A.A Kana qaybgalayo Madaxweynaha DDSI.
  54. Kuliyada Farsamada,Xirfadaha iyo Cilmiga Biyaha ee M.jijiga ayaa Waxa Ka Qalinjabisay Laamaheeda Waxbarashada Dufcadii 12aad oo Tiradoodu Dhan Tahay 515 Arday
  55. Awooda Rabbi:- Wiil Yar oo Dalka Canada Dhashay Isagoo Bilaa Calool Ah+(Sawir)
  56. Habeenkii Masraxa Hodan C/Raxmaan iyo Wacdaraheedii Bandhig-faneedkeedii Xalay Ka Dhacay Magaalada Jigjiga oo Buux Dhaafiyay Hoolka SMCX.+(Sawiro)
  57. Wadooyinka Xaafadaha Magaalada Jigjiga oo Ay Dhismayaal Dhinaca Goglida Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone) ay Ka Socdaan iyo Dhismayaal Kale oo Kor u Sii qaday Bilicda Magaalada.
  58. Inaa Lilaahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun Xasn Ismaacil Subeer(Xasan Waal) oo Ku Geeriyooday Ijtimaacii Islaamka Oo Ka Dhacayay Hargaysa.
  59. Xafiiska Caafimaadka Degmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay oo 17 Tuulo ka Fuliyay Talaalka Teetanada Haweenka.
  60. Maamulka Gobolka Sitti oo Ku Hawlan Diiwaan-galinta 4kun oo Qoys oo Dibudejin Loogu Samaynayo Harawa iyo Gaabi oo Ka Kala Tirsan Degmooyinka Shiniile iyo Hadhagaale.
  61. Ololaha Talaalka Cudurka Teetanada Haweenka ay Da'doodu u Dhaxayso 15 ilaa 45 oo ka socda Magaalada Qabridahare.
  62. Xulka Qaranka Spain oo Lagu Dhacay Mid Ka Mida Hoteelada Dalka Brasil Mar ay ka Maqnaayeen Hotelka.
  63. Man-United oo Qarka u saaran inay kala soo wareegaan Thiago Alcantara Kooxda barcelona.
  64. Mashaariicda Horumarineed ee Qaybta PSNP Degmada Afdem oo La Soo Gunaanaday Hirgalinta Mashaariicahii u Qorshaysnaa Sanadkan 2005.T.I.
  65. Mayorka Maamulka Magaalada Dh/buur oo Saxaafada u Soo Bandhigay Heerka Ay Marayaan mashaariicaha Horumarineed ee Laga Hirgaliyay magaalada Dh/buur.
  66. Madaxweynaha DDSI oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Qurbajoog u Dhalatay DDSI Gaar ahaan gobolka Shabeelle.
  67. Komishinka Anshaxa iyo Ka Hortaga Musuqa oo Tababar Ku Saabsan Wacyagelin iyo Digniinaha Musuqa u Qabtay Gudiyada La Dagaalanka Musuqa ee Dhawaan Laga Abuuray Xafiisyada Heer Deegaan.
  68. Ha u Daymo La'aan Jaleecida Qabridahare Restaurant And Supermarket Adigaanba Ka Xiiso Dhacayne Magaalada Jigjiga.
  69. Madaxa Xafiiska Dakhliga Degmada Tulli-Guuleed Cabdi C/laahi oo Waraysi Siiyay Shabakada CakaaraNews Kana warbixiyay Heerka canshuuraaka Dakhliga.
  70. Shirkii Qiimaynta Waxqabadka 11ka Bilood ee Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo 4ta maamul magaalooyinka oo galay maalintii 2aad.
  71. Shir Lagu Qiimanayo Waxqabadkii 11ka Bilood ee Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo 4ta Ismaamul Magaalo oo Maanta Ka Furmay Hoolka Shirarka(SMCX).
  72. Waxgaradka,Odoyaasha,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Beesha Bartire oo Tilmaamay Farqiga Jigjigadii Hore iyo Ta Maanta iyo Taageerada Maalgashiga iyo Xukuumada DDSI.
  73. Xulka Kubada Cagta Dalka Itoobiya oo Ku Durduriyay Xulka Dalka Koonfur Adrica Kagana Badisay 2-1.
  74. Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland State oo Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addisababa(Bole International Airport) Kana Soo Kicitimay Gagida Diyaaradaha Kismaayo.+(SAWIRO)
  75. Kalfadhigii 19aad ee ay Yeeshaan Golaha Fulinta Xukuumada DDSI oo Ka Dhacay Maanta Qolka Shirarka Madaxtooyada
  76. TACSI: Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Tacsi Diraya
  77. Weeraryahanka Reer Argentine Messi iyo aabihiis Jorge ayaa qarka u saaran in Loo Taxaabo Xukun Xabsi Dhan 4-sanno,kadib markii waaxda canshuuraha ee Dalka Spain ay ku eedeysay inay musuq-maasuqeen in ka badan 5-Milyan oo Doolar.
  78. JICA Waa Hay'ad Laga Leeyahay Dalka Japan oo Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI ku Caawisay 7 Baabuur oo ay Ka Mid yihiin Noocyada B/buurta lagu dayactiro ceelasha Biyaha iyo Qalabkoodii(Mobile-Workshop Truck).
  79. Nin Soomaali Ah oo 3 Qof oo Soomaali ah Ku Dilay Xarun Caafimaad oo Ku Taala Magaalada St-Lous ee Gobolka Missouri Maraykanka.
  80. Ethiopia endorses Nile Basin Cooperative Framework Agreement (2)
  81. Shirkada Xaaji-Nuur Import And Export oo Xafiiska Nabadgelyada iyo Cadaalada DDSI u Soo Iibisay Noocyo Baabuur Isugu Jira Toyota Land-Crusier,Booyado iyo Ampulance.
  82. Ardayda Dugsiga Sare ee Fasalada 9aad iyo 11aad ee Magaalada Jigjiga oo Isu Abaabulay Dhiigooda In ay Ugu Deeqaan Bankiga Kaydka Dhiiga Si Bukaanka Loogu Daryeelo.
  83. Wafti balaadhan oo qurba-joog Ka Soo Jeeda Gobolka Shabeele oo uu Hogaaminayay Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed qani oo ay Maanta Si Heer Sare ah ugu Soo Dhaweeyeen Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Wiil-Waal Qaar Ka MIda Masuuliyiinta Xukuumada DDSI.
  84. munaasabad xadhiga lagaga jarayay mashaariic Dhismayaasha baraagaha biyo ururinta ah(Kaydka Biyaha) ee Degmada Gunagado oo Ka dhacday Degmada Gunagado Ee Gobolka Jarar
  85. Socdaalkii waftigii Iskudhafka ahaa iskuguna jiray heer-fadaraal iyo heer deegaan oo jawi wanaagsan ku soo gabagaboobay Ismaamulka Diredawa.
  86. Munaasabad lagu Soo Bandhigay Mashiino Cusub oo Soo Saari Doona Iodinet Cusbada La Falgasha oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Masuuliyiin Isugu Jirtay Heer Federal,Heer Deegaan iyo Hay'adaha Ka Hawlgala Gobolka Afdheer.
  87. Waftigii iskugu jiray heer fadaraal iyo heer deegaan oo saaka ka ambabaxay magaalada Harar ee deegaanka hararida oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Ismaamulka diridhaba.
  88. Xuska 7aadka Hay'adaha Garsoorka Cadaalada DDSI oo Maanta Si wayn Looga Xusay Magaalada Jigjiga iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Hog,N/galyada iyo Cadaalada DDSI oo Khudbad Saraynta Sharciga ka soo Jeediyay.
  89. Munaasabad aad loosoo abaabuley oo aan lookala hadhin oo loogu dabaal dagayey sanad guuradii 22aad ee ginbod 20 ayaa kadhacdey magaalada columbus ohio.
  90. Nin Soomaali Ah Laguna Magacaabo Cabdi Xakiin Xaaji Xuseen Oo Duhurnimadii Maanta Lagu Dilay Koonfur Afrika.
  91. Wafti Balaadhan oo ay Horkacayeen Gudoomiyaha Golaha Federationka DFI oo Ka Kooban madaxda 9ka Deegaan ee DFI,Hobolada,Wariyayaasha,farshaxaniistayaasha,wariyayaasha iyo Majaajiliistayaasha ugu Caansan Itoobiya oo ayaa Si aan Caadi ahayn U Bogaadiyay Ho
  92. Arsenal oo udhaqaaqday Mario Mandzukic
  93. Ciidamada Maamulka JLS oo Gabi Ahaanba La Wareegay Gacan Ku Haynta Amaanka Magaalada Kismaayo iyo Rag La Sheegay In Ay Alshabaab Yihiin oo Gacanta Lagu Dhigay.
  94. Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Axmed Cabdi Cumar(Axmed Dhegawayne) oo Ku Geeriyooday Dalka Jarmalka.
  95. Horumarku Waa Aayaha Mustaqbalka Bulshda halkay Ganacsatada DDSI kaga Jiraan Horumrka Ka Socda Deegaanka.
  96. Dagaal Ay Ka Qayb Qaadanayeen Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Lugta ee Maamulka Jubaland State iyo Ciidamada AMISOM ee Kenya oo Lagu Qabtay Saldhig wayn oo Ay Waayadan Alshabaab Isugu Habar-Wacatay Deganka Gelaf Tiro Alshabaab ahna Indhaha loogu Shiday iyo Qa
  97. Todobaadkan oo Ay Waji Ka Waji ku Kulmi Doonaan Wayne Rooney iyo Tababare David Moyes
  98. Qaar Ka Mida Jaaliyada DDSI ee Melbourne iyo Dr C/wali Cali Gaas oo Bogaadiyay isbedelada Horumarineed iyo Kobaca Dhaqan Dhaqaale ee ay Ku Talaabsatay Xukuumada DDSI.
  99. Wasiirka Xafiiska Cadaalada iyo Xeer-ilaalinta Guud ee DDSI oo Ka Waramay Diyaargarawga Todobaadka Cadaalada oo Laga Xusi Doono DDSI.
  100. Sanadguurada Xuska 40aad ee Maalinta Deegaanka Aduunka oo Si Balaadhan Looga Xusay Caasimada Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.