Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Shirkii Jaaliyada DD Somalida Ethiopia ee Faribault Gobolka minnesota USA oo lagudhisay Gudigii Fulinta iyo Gudomiyaga gurtida.

Faribault (CakaaraNews) Arbaco Feb 27,2013: Shir lagu dardargalinayay iskuxidhka iyo wacyigalinta Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan Faribault Gobolka minesota ayaa ay ka soo qayb galeen dhamanba Qaybaha bulshada halkaasoo Furitaankii shirkan ka dib ayaa la guda-galay Wacyigalin iyo warbixino loogu soo bandhigay bulshada Qurbajoogta ah waxyabaha kajira DDSI sida,horumarka ,cadalada,N/galyada,Kobaca dhaqaale iyo mamulka suban ee ka hano-qaaday.

Shirkan ayaa waxaa warbixin iyo xogwaran kasoo jediyay gobta hadalkana furay aqonyahan ahmed_ziyad shafici kadibna waxa ukusoo dhaweyay Gudoomiyaha Gurtida jaliyada DDSI ee Frihbault Mudane Xusein tarikh/janagale Gudoomiyaha oo isagu ka hadaley doorka dhalinyaradu ku leedahay bulshada iyo doorka looga bahan yahay in ay ka qaataan Horumarka iyo nabadgalyada ka hanaqaadey DDSI.

Sdoo kale SidMudane maxamed Xusein ayaa waxa u halkaa ka soo jeediyey Khudbad aad u qiimo badan oo meela badan taabanaysey,isaga oo tilmaamay in shirka manta qabsoomay uyahay ama uxambarsanyahay muhimad goni ah kaas oo uu noqday Shirkii ugu horeyay ee jaliyada DDSI ee faribault ee gobolka minnesota mudo kabadan 20 sano isugu timidaado.

Masuulka ayaa hadalkisii kudaray in xooga lasaro dhalinyarada qurbaha madaama dhalintu tahay Xabada ay UBBO uu isticmasho kharbudaada iyo khalalasaha dadka ay maran hababiyena aytahay dhalinta sidaas darted loo bahanyahay in xooga lasaro dhalinta sidii loo wacyigalinlahaa lona tusilahaa tubta ay kula janqadikaran DDSI iyo nidamka kajira ee suban.

sidoo kale Gudoomiyaha ayaa carababay in Dadaalka maanta ay dawlada DDS iyo Dawlada dhexe ugu jirto horumarka iyo nabad galyada waa mid aan hada kahor loogu arag deeganka waana mid dhinacya badan ka socda",mudane maxamed xusein waxa uu kula dar daarmey dadkii shirka ka soo qaybgaley gaar ahaan dhalinyaradii " Ilaalinta nabada maanta ka dhalatey Degaankeena in ay tahay mid muqdas ah, tahayna masuuliyad saaran cidkasta oo u dhalatey deeganka" Dadkii kale ee gobta ka hadley waxaa ka mid ahaa mudane Asad Dayib oo wakiil uga ahaa shirka ururka wadaniga ee SEDYO oo halkaas kasoo jediyay in SEDYO ahaan inay garab istagayan jaliyada faribault hal meelna ugasoowada jedsanayaan Horumarka iyo kashaqaynta nabadgalyada iyo tagerida maamulka subanheehan tahay loogu guntado sidii kaalin xoogan looga qaadan lahaa Taageerada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee ay majaraha u hayso Xukuumada DDSI iyo XDSHSI.

Maamulka ay Qurbajoogta Frihbault iska dhex dooratayna waa sidan hoos ku qoran. 1) Gudomiye Mudane maxamed Xusein Jeclad 2) Gudomiye Xigeen:- mudane Garad c/risaq 3) Afayeen aqonyahan Ahmed_ziyad 4) arimaha bulshada iyo nabadgalyada mudane maxamed badal 5) madaxa qasnada maliyada Mudane cabdi maxamed sirad 6) Gudoomiyaga Golaha Gurtida Mudane Xusein tariq/janagale