Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Waxaa Maanta si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Kismaayo Shirkii Maamul u Samaynta Jubooyinka iyo Gedo + Sawiro.

Kismaayo(CakaaraNews) Khamiis Feb 28,2013: shaki kuma jiro in waayadanba la wada naawilayay wakhtiga uu dhici doono shirka maamul u samaynta gobolada jubooyinka iyo Gedo oo Marar badan Dibu u dhacay,Shacabka Jubooyinka iyo Gedona ay jeclaayeen in ay indhahooda ku daalacdaan Shirka dhidibada loogu taagayo Maamul uu yeesho Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo waafaqsan Sida Dastuurka Dawlada Federaalka Soomaliya ku suntan.

Hadaba Wariyaha noo Jooga Geeska Afrika oo ku sugan Kismaao ayaa noogu soo waramay in maanta ayuu shirkii Maamul u Samaynta Jubooyinka iyo Gedo uu si rasmi ah uga Furmay Magaalada Kismaayo iyadoona ay Gudigii Qabanqaabada shirkan ay Daaihinayaan(hagayaan) ergooyin aad u tiro badan oo ka soo qayb galay Furitaanka Shirkan.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa walow ay Ergooyinka shacabka Dega Jubooyinka ay wada yimaadeen in weli dhanka Gedo aynan weli Ergo ka iman walow ay joogaan Masuuliyiintii iyo odoyaashi Gedo ee ka mid ahayd Maamulka Ku Meel-Gadhka ah ee Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee ay xarunta Kismaayo,gudiga qabanqaabada shirka ayaa ka koobandhamaanba dadka Dega Jubooyinka iyo Gedo,sidoo kalana ergooyin ka socda Ururka IGAD iyo Marti sharaf kale ay ka soo qaybgaleen.

Shirka oo socda awgeed wali nooma suurto galin in uu wariyahayaga Geeska Afrika oo ku sugan Kismaayo in uu noo soo Tebyo halka wax marayaan ama Ajandayaashii u yaalay shirkan waxa ka qabsoomay.