Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Hay'ada SEWD oo Qalab-Caafimaad oo Caawimo ah u Soo Dirtay DDSI.

Minnesota(CakaaraNews) Khamiis Feb 28,2013.Madaxda Ururka gargaarka iyo Caawimada SEWD oo Nala Soo xidhiidhay ayaa Noo sheegay in ay Qalab Caafimaad u soo Direen Dhanka Xukuumada DDSI,qalabka caafimaadka oo aad u muhiima kharash ahaana Aduun lacageed oo aad u badan ku bixi lahayd ayaa ka kooban Qalabka raajiga,wheel chairs,miisas badan,dharka dhakhaatiirta iyo bukaanka,sariiro iyo qalabkoo aad u badan.

Ururka Gargaarka SEWD ayaa Xaruntiisa ugu wayni ka dhisan tahay cariga maraykanka Gaar ahaan gobalka Minnesota Magaalada Minniapolise,hogaaaminta SEWD Gudoomiyaha Fozia Ali , ku xigeenka Anab Ali iyo Afhayeenka Amina Sirat ayaa noo sheegay in ay dhamaystirka qalabkan ay Gacan wayn ka siiyeen hay'ada SOMECARE oo uu manager ka yahay Abdiaziz,Guurtida Odoyaasha waqooyiga Ameerika ee uu Hogaamiyo Mudane Shuuriye,Jaaliyada DDSI ee Minnesiota,Ganacsato iyo Ururka Dhalinyarada SEDYO.

Isku soo wada Duuboo Hay'ada Gargaarka SEWD ayaa hada ka horna Deeqo isugu Jiray Buugaag,Dhar iyo Qalab Gudoonsiisay Dugsiga Hoyga iyo waxbarashada caruurta ay waalid Tireen Nabad-diidku ee Magaalada Jigjiga,islamarkaana dhigay Dhagaxii ugu horeeyay Boarding Schoolka Agoonta Dhismaha Library ay ka dhisi doonaan.