Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Maxkamada Guud ee DDSI Oo Tababr u Furtay 100 Garsoore.

Jigjiga(cakaaraNews) Khamiis Feb 28,2013.Maxkamada guud ee DDSI iyada oo ka duulaysa qorshaha horumarineed ee shanta sanno ee ku wajahan maamulka suuban iyo xeer-nidaamyeeda garsoorka cadaaladeed iyo saraynta sharciga ddsi,ayaa waxay maxkamadu tababar u qabatay gudoomiyaasha maxkamadaha iyo garsoorayaasha gobolka Faafan,iyadoona ay tababarkan ka soo qayb galeen in ka badan 100 garsoore taasoo diirada lagu saarayay sidii maxkamadaha DDSI ay uga qayb-qaadan lahaayeen qorshaha shanta sanno,kobaca dhaqaalaha iyo maamulka suuban ee dalka itoobiya gaar ahaan DDSI loona dadajin lahaa nidaamka fulineed ee Adeeg-bixinta garsoorka Cadaaladeed ee dawlada deegaanka.

Hadaba tababarkan oo ka furmay hoolka shirarka ee maxkamada guud ayaa waxaa ugu horyntii ka hadlay gudoomiyaha gudiga garsoorka ee DDSI mudane c/laahi ugaas maxamuud oo sheegay in ka qayb-galayaasha tababarkani fahan buuxa u yeeshaan ujeedada tababarkan si looga midha dhaliyo qorshayaasha ay maxkamadu hiigsanayso sidoo kalena ay fahan badan u yeeshaan qorshaha shansanadlaha ah maamulka suuban iyo waliba in fahan buuxa laga qaado nidaamka shaqo ee garsoorka.

Waxaa kale oo isna ka hadlay furitaankii tababarkan gudoomiye ku xigeenka maxkamada guud ee DDSI ahna ku sii simaha gudoomiyaha maxkamada Guud mudane Mukhtaar Axmed Maxamed oo si qoto dheer uga warbixiyay habka fulinta qorshaha shanta sanno,koboca dhaqaalaha iyo waliba nidaamka ay garsoorku uga qaybqaadanayaan qorshahaasi,sidoo kalena bixinta adeeg garsoor cadaaladeed iyo xaqdhawrka saraynta Sharciga,wuxuuna masuulku kula dar-daarmay ka qaybgalayaashii tababarkaasi in ay sidii loogu tala galay uga faa-iidaystaan.

Tababarkan oo ay Casharadiisa bixinayaan khabiiro ku takhasusay Sharciga iyo sharciyo-yaqaano ayaa waxa uu socandoonaa mudo shancisho ah.