Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Qurbajoogta Reer Australia oo Markii Ugu Horaysay Soo Abaabushay Shir Ay Isugu Yimaadan Dhamaanba Qurbajoogta DDSI ee Ka Kala Timid 5ta Qaaradood.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce March 01,2013.Markii ugu horaysay ayaa ay Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI ee ka kala timid Shanta qaaradood ee Aduunku ka kooban yahay ee ku sugan magaalada jigjiga ay shir ay isku xogwaraystaan kana munaaqashoodan doorka kaga aadan ka qaybqaadashada horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban isugu yimaadaan amaba qabsadaan iyadoo shirkan ay soo ababushay Qurbajoogta dalka australia oo uu Hormuud u ahaa Mudane Muuse C/laahi,iyadoona uu Garab ku siiyay Maareeyaha Xafiiska Qurbajoogta Mudane axmed maxamed Shukri,shirkaasoo ka dhacay magaalada jigjiga.

Shirkan ay Qurbajoogtu soo abaabushay ayaa ay ka soo qayb galeen Qurbajoog aad u tira badan oo ka kala timid 5ta qaaradoodb,Maareeyaha Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Axmed Maxamed shukri,Madaxweynaha Jaamacada Jigjiga,Qoraaga caanka ah ee ka soo jeeda DDSI Maxamed sheekh xasan iyo marti sharaf kale.

Kulankan ayaa uu ka hadlay maareeyaha Xafiiska qurbajoogta DDSImudane axmed maxamed shukri islamarkaana ka mahadceliyay abaabulka wadaniyadeed ee Guud ahaanba Qurbajoogta gaar ahaan Reer australia oo soo abaabushay qabsoomida shirkan,islamarkaana tibaaxay doorka fiican ee ay guud ahaanba Qurbajoogta DDSI ee ku kala dhaqan daafaha dunida ka qaataan horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban,carabaabayna in Xukuumada DDSI ay ahmiyad balaadhan u hayso qurbajoogta taageero dhinac walba ahna la garab taagan tahay.

Sidoo kale Mudane Muuse C/laahi ayaa Carabaabay In Dalku u baahan yahay Shakhsi kasta oo u Dhashay Deegaanka kaalinta kaga aadan loona baahan yahay in Qurbajoogtu maalgashato DeegaankA,iyadoona kulankani wada tashiga ah ee ay soo agaasimeen qurba joogta degaanku ka hadlay qoraaga caanka ah ee udhashay degaanka somaalida itoobiya Mudane: Maxamed Sh. Xasan isagoo qoraagu tibaaxay in ay laga maarmaan tahay in qurba joogta udhalatay degaanku ay kalintooda kaga aadan dardargalinta horumarka ay ka qaatan isagoo qoraagu sidoo kale tibaaxay inloo baahanyahay in qurba joogtu degaanku ay siku xidhnadaan.

 Dhanka kale waxaa kaloo madashaasi ka hadlay madaxweynaha jaamacada jigjiga Mudane: C/Naasir Axmed ugu horeyntina waxaa uu madaxweynaha jaamcada jigjiga uga warbixiyey qurba joogta u dhalatay degaanka somaalida itoobiya xaalada jaamacada jigjiga iyo waliba dadaalada ay jaamacadu wado sidii ay usoo saari lahayd aqoonyahano ka qaayb qaata horumarka degaanka somaalida isagoo tilmaamay in aqoon ayahanada u dhalatay degaanka ee ku dhaqan dalka dibadiisa ay yimaadaan dhulkooda hooya ugan faideyaan aqoontooda bulshada degaanka somaalida itoobiya.

Waxaa isna ka hadlay ka hadlay shirkan ku sii simaha mareeyaha Xafiiska wakaalada maalgelinta degaanka somaalida itoobiya Mudane: Maxamed aadan cabdi isagoo sheegay masuulku in qurbajoogta udhalatay degaanka somaalida itoobiya ay si dhakhsa ah wax weyn uga badaleen bilicda iyo horumarka degaanka somaalida itoobiya . Geestooda waxaa iyaguna ka hadlay qaar kamid ah qurba joogta iyagoo soo jeediyey talooyin wax ku ool ah oo ku wajahnaa isku xidhka jaaliyada deegaanka iyo horumarinta degaanka iyo fikiro ku wajahan sidii loo sii amba qaadilahaa maalgalinta deganka somalida sidii hay'adaha dhaqanka loo horumarin lahaa iyo sidii xarunta DDSI ee caasimada Jigjiga ay u noqon lahayd xarunta ganacsiga ee dalka itoobiya .

Gababadii waxaa munaasadaasi ka hadlay Wasiirka xafiiska qurba joogta Dawlada Degaanka somaalida itoobiya Mudane : Axmed maxamed shugri oo uga mahad naqay qurba joogta degaanka somaalida itoobiya dadaalda balaadhan ee ay degaankooda ugu dambeytiina waxaa uu masuulku ugu baaqay qurba joogta kale ee dhalatay degaanka ee ku kala nool daafaha caalamka in ay kusoo labtaan dhulkooda hooyo islamarkaana ay ka qaybqataan horumarinta degankooda . Qore: Ciise Cal