Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Xarunta Dhexe ee XDSHSI iyo Dhamaanba Unugyada Xubnaha Xisbiga oo Diyaargarow Balaadhan Ugu Jira Munaaasabada Sanadguurada XDSHSI.

Jigjiga(cakaaraNews) Isniin March 04,Waxaa Maalmahanba Xarunta Dhexe ee XDSHSI ka socda Diyaargarow Balaadhan oo Loogu jiro Munaasabada Sanadguurada 15aad ee Xisbiga oo ku beegan 28ka bishan yekaatiit,taasoo Guud ahaan DDSI si aad u balaadhan looga xusi doono Sanadguurada 15aad ee XDSHSI.

Hadaba madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI Mudane Ibraahin Mubaarak Ayaa Guud ahaanba Shacabweynaha DDSI Gaar ahaana Xubnaha Xisbiga,Unugyada Xisbiga iyo Unughoosaadyadaba ugu baaqay in si weyn loogu diyaargaroobo Munaasabada Xuska Sanadguurada 15aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga taasoo maalmo tirsan uun ay inaga xigaan kuna beegan 28ka bishan yekaatiit.

Xisbiga Dimoqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya ayaa ka soo dhex askumay midawgii Ururkii Leegada(ESDL) oo ka koobnaa in ka badan 13 urur iyo ururkii ONLF islamarkaana halgan dheer u soo maray Sixitaanka Qaabdhismeedyada Dawlada,Sugida Nabadgelyada Deegaanka,Hirgalinta Qorshayaasha Horumarin,Kobaca Dhaqaale iyo Maamulka Suuban,sidoo kalana meesha ka saaray Aragtidii Nabad-diidka,Soomaaliweyn,Qabiilka,Musuqii,Eexdii,Kooxaysigii iyo Xilgudasho la'aantii,sidoo kalana XDSHSI ayaa guulo wax ku oola ka gaadhay siyaasadaha xidhiidhka,bahwadaagta xisbiyada,xoolo-dhaqato beeralayda,dibudejinta iyo guud ahaanba kaabayaasha dhaqaalaha.warbixinta Waxqabadka XDSHSI oo faahfaahsana Dib ayaan idiinka soo galin doonaa.