Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Shirkii Caadiga Ahaa ee Baarlamaanka DDSI oo Beri Ka Furmi Doona Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(cakaaraNews) Isniin march 04,2013.Waxaa Beri ka furmi doona Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed cabdule Xasan Kalfadhigii Baarlamaanka DDSI ee Caadiga ahaa halkaasoo ay ka soo qayb gali doonaan dhamaanba Xubnaha Xildhibaanada DDSI oo ka kala iman doona Degmooyinka,Gobolada,Xarunta Deegaanka iyo Magaalada Addis-Ababa.

Xafiiska Baarlamaanka DDSI ayaa ku hawlan Diyaarintanta Goobta shirku ku qabsoomi lahaa,bajajka Xubnaha Baarlamaanka,Marti-sharafta,Qoraalada iyo xeer-nidaamyada,Ajandayaashii Kalfadhigii hore iyo Ajandayaasha uu yeelan doono Kalfadhigan baarlamaanka.

Isku soo Wada Duuboo waxaan sugnaaba waa Shirkii baarlamaanka DDSI oo Beri si rasmi ah uga furma Magaalada Jigjiga iyo Waxa lagaga hadli doono iyo Natiijada ka soo bixi doontaba.