Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Shirkii Gudiga Fulinta XDSHSI oo Weli Ka Sii Socon Doona Xarunta Dhexe iyo Axmed Maxamed Shukri oo Madaxa Xarunta DHexe ee XDSHSI Noqday.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin March 04,2013.Waxaa Ka Socda Xarunta Dhexe ee XDSHSI Shir ay isugu yimaadeen Dhamaanba Xubnaha Gudiga Fulinta ee XDSHSI Islamarkaana lagu wada Gorfaynayay Waxqabadka Xisbiga,Qorshayaasha Siyaaasad-Horumarineed,Barnaamijyada iyo Jihooyinka XDSHSI iyo Qorshayaasha hor yaala Sanadaha soo Socda iyo waliba sidii loo sii ambaqaadi lahaaba ka midho dhalinta Hindisayaashii Horumarineed ee uu Dalka uga tegay Raysal-wasaare meles.

Hadaba Shirkan oo aanu iskugu dhabar jabinay maanta in aanu xog rasmi ah ka helno ayaa ay Wariyaha Cakaara u suurto gashay in uu soo xaqiijiyo Qaar ka mida Masuuliyiinta Xisbiga oo la isku bedelay kuwaasoo ay ka mid yihiin 1-Axmed Maxamed Shukri oo Hore u ahaa Maareeyaha Wakaalda Qurbajoogta DDSI in Gudiga Fulinta XDSHSI ay Maanta u Codeeyeen in uu noqdo Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI 2-Halka Ibraahin maxamuud Mubaarak oo Ahaa Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbigana sida warku sheegayo loo magacaabay Wasiir Kuxigeen Walow aynan Wariyaha Cakaara u Suurto galin in uu helo kuxigeenka Wasaarada loo magacaabay.

Shirka gudiga fulinta XDSHSI oo weli socda ayaanayn suurtogal ahayn in aanu helno xogta rasmiga ah balse waxaanu rajaynaynaa in aanu Natiijada ka soo baxda shirka aanu idiin soo dhigi doono Boga hore ee Shabakada CakaaraNews ee Akhristayaashayada Qiimaha iyo Qaayaha badanoow Ha ka fogaanina oo ka dhur-suga dhegtana ha kala fogaanina.