Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Madaxweynaha DDSI oo Qado-sharaf ugu Sameeyay Gurigiisa Mudane Mudane Mxasan Fitamin oo Ku Magac-dheer Shaah-Macaan.

Jigjiga(CakaaraNews) Talaado March 05,2013.Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maanta Gurigiisa Qado-sharaf ugu Sameeyay Mudane Maxamed XasanFitamiin oo Ku magac dheer shaah- macaan oo aad looga yaqaano cariga maraykanka gaar ahaa magaalada minniapolise oo uu ku leeyahay Maqaaxidii halganka Shacabka soomaalida itoobiya lagaga dulqaaday Awrkiraalayaasha Asmara ee Beenquutayaasha,islamarkaana ay Xididada ugu siibeen Guud ahaanba Qurbajoogta Reer Minniapolise,Jaaliyada,Sedyo iyo Guurtida Odoyaasha Waqooyiga Ameerika oo ay Bartilmaameedka Halganka iyo ka qayb qaadashada horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ay u ahayd Maqaaxida Shaah Macaan oo ah Gurigii ugu Horeeyay ee laga Daawado Telefishinka Caalamiga ah ee ESTV.

Qado-sharaftan uu maanta madaxweynuhu gurigiisa ugu sameeyay Mudane Fitamiin ayaa ay kala qayb galeen 3da Madaxweyne kuxigeen ee DDSI,Wasiirka Madaxtooyada DDSII iyo Komishineerka Booliska Asluubta DDS