Cakaara Radio

waxaan Macaamiisha Sharafta leh ku wargalinaynaa in wararkii hore aad ka dheehan kartaan halkan Guji Click

Kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka DDSI oo Saaka Furmay iyo Ajandayaal iyo Bayaano Lagu Ansaxiyay.

Jigjiga(CakaaraNews) Talaado March 05,2013.Kalfadhigii 6aad ee golaha baarlamaanka DDSI ayaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta shirarka ee sayid maxamed c/lle xassan iyada oo ayna ka soo qayb-galeen furitaankii kalfadhigan Dhamaanba Xildhibaanada DDSI oo ay ka mid ahaayeen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar.afhayeenka baarlamaanka DDSI mudane maxamed rashiid isaaq,3da madaxwayne kuxigeenada iyo marti sharaf kale.

Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa Idmay in shirka lagu furo Quraanka kariimka ah kadibna waxa uu u soo bandhigay Xildhibaanada markii la hubiyay kooramku in uu buuxo iyo in kale halkaasoo ay ku sugnaayeen 123 xildhibaan oo ka mida 186da xildhimaan ee Heer Deegaan una sheegay in Kalfadhigan 6aad ee golaha baarlamaanka DDSI uu maanta horyaalo ajandayaal iyo bayaano,islamarkaana afhayeenku nuxur kooban ka bixiyay Guulaha waxqabadka iyo isbedelada horumarineed ee ay ku talaabsatay Xukuumada DDSI iyadoo Gaashaan ka dhigatay Ahdaafta iyo Staratijiyada XDSHSI.

Anjandayaasha kaldhigan 6aad ee Golaha Baarlamaanka DDSI horyaalay maanta ayaa waxay kala ahaayeen:- ansaxinta hadal-qoraalkii kalfadhigii 5 aad, Dhagaysiga warbixinta waxqabadkii xukuumada DDSI, xilka-qaadiska gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka maxmakada guud ee DDSI, Ansaxinta iyo dhaarinta hogaaminta maxkamada guud ee DDSI, xasaanad ka qaadida xubin.

Dhanka kale Wasiirka Cadaalada DDSI Mudane C/risaaq Dayib ayaa Golaha Baarlamaanka Sharax ka siiyay Waafaqsanaanta Dhanka Sharciyada Bayaanada horyaalay kalfadhigan.Bayaanka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:-Aas-aasida Xafiiska Horumaarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSI, Bayaanka Aas-aasida Shirkada Dhismaha Jidadka DDSI, Bayaanka Dib u Habaynta Cashuurta Jaadka DDSI, Bayaanka wax ka badalka,bayaanka xadaynta iyo go-aaminta Cashuurta iibka iyo gunada dhaqashada xoolaha,bayaanka tirsigiisu ahaa 48/1996, bayaanka ansaxinta miisaaniyada dheeriga ah.

Isku soo wada duuboo Jawiga Baarlamaanka DDSI ka muuqday galinkii hore ayaa ahaa jawi farxadeed oo muujinaya in ay ka turjumayaan Shacabkii soo doortay in ay ugaga dhabeeyaan Isbedelada horumarineed iyo Koboc dhaqaale.ugu danbayntii galinkii hore intaas ayay ku soo gabagabowday waxaa la isku soo noqon doonaa 8da Duhurnimo.